Home » Gabay »

Tarab-tarab.

18/05/14

Tahluukiyo dhibaatiyo rafaad, tacadigaan baahay
Tumaatida wixii naga qabsaday, qaranki aan tuurnay
Tira beele sanadaha intaan, tiih ku soconaaye
Tabcaan weeye shacabkii dhammaan, taacibiyo daale
Tafa dhiigle bay kala kulmeen, tookhi dirireede
Barakaca guryaha laga tagiyo, moodka tira beelay
Agoomaha la tuuriyo rajada, tiinka lagu xooray
Hooyo aan turriinshiyo lahayn, taakuliyo kaalmo
Oo toban carruuriyo ka badan, looga tagay meesha
Cunto inay utaagtana ka raba, tabari meesheede
Markay suuqa yaanyada tirsiga, toban u goobayso
Tumun digira markay uga heshee, loogu tiro gawska
Oo ay waxoogaa tuhmaan, uurka lagu tiirsho
Markay maalin kale tiigsatee, gadato toonteeda
Oo faaiidka taladeedu tahay, taranso maalkaaga
Haddii qarax tafaha loogu xiroo, meydku tira beelo
Oo kuway ka timid ay fishaan, qado in loo taago
Iyadiina aakhiro tagtoo, miino lagu toogtay
Oo uu habaarqabe talfani, tookho wuxuu gaystay
Ku tilmaan jihaad inuu la galay, dawlad taag darane
Taasina hurgumo taagan iyo, waa tiqraar jira e
Tarab-tarabta dhallintaan ule’en, tiimbad haliseedka
Taxadka iyo moolkii baddana, lagu tahriibsiiyay
Beentii tagtaan runi marnaba, tiigsan orodkiiye
Markuu mukhalas shilin toogtahaa, hadal tibaaxaayo
Tannaagada ku sheeg inay dhaqsaba, tagi abbaartiiye
Qofkii buufis taharaha jaree, yurub ku taamaayay
Ku tallaal kuwii dhalay inay, tuumiyaan lacage
Iyaguna tuldihii geela iyo taarki soo gada e
Ku tabbace halyeygii lahaa, waan tagahayaaye
Isaguna farxada ugu tilmaan, taagid aqal weyne
Tirsigiyo hanitida uu shaqayn, talaxtag faaleeye
Safar tacabirkii badaha iyo, tiigsay xaruntiiye
Heshiis iyo tafniid gale raggay, talo wadaageene
Dabadeedna loo tiri hantidi, talagal dhoofkiiye
Naakhudihii istaagyoo dadkii, hadal tannaagooye
Taaymka iyo intay sii socdaan, tuhun la’aanteeda
Qalbiyada uwada toosiyoo, taaggan ugu sheegye
Waa todoba ayaamood waxaad, socod taxaashtaane
Qof walbow ku talagala dhowaan, yurubi waataase
Sacab tumidda faraxbay dhamaan, qaylo tebiyeene
Doontu waa bac taayira dadkana, boqol tiraw dheere
Tiigsad hadalka sheekada tadhaa, laysu tebinaayo
Todobaad markay sii socdeen, oon dhib weli taaban
Tiix rooba dabayliyo ufaa, teedka soo furaye
Mawjadiina tarshad iyo biyay, kor u taxaabtaaye
Tafarogidda xooggaleh darbaa, tuuryadii dhacaye
Lama tebina horaa looga tagay, tay allow bixiye
Toorreyle naakhuudihii, toogay qaar badane
Tartarradeeda doontii libaax, teedsan baa jira e
Ruuxii biyaha tiimbaduu, Tahara feentaaye
Ku tanaadyay wiilal timacasbuu, uurka tuunsadaye
Jiilalkii tarmilahaa baddaa, soo tuftoo dhumo e
Meydka teedsan xeebaha, dalkaa, tebi la’aantoode
Saxaraha kuwaa lagu tumee, jeelka lagu tuuray
Dawlad hadal ka tiri lama arkiyo, qoon utagayaaye
Baarlamaan dadkiisii tirsada, waa waxaan tebiye
Mooshin tuuris hebel hayska tago, jeebka iga taabo
Bulshadooda tiiraanyadood, toosku qaban waaye
Ilaahbaa tabtaan noo qaddaray, toobo khaladkeene
Isagaanan turriinshiyo ka fili, talada tii roone
Ilaahoow tashiil shacabku waa, sii tirmahayaaye.

Curiye:- Xasan Bulxan Cali
Email:- bulxan105@hotmail.com
gabay

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.