Home » Maqaallo »

QurboJoogta Waqooyinga America Oo Soo Dhawaysay Kala Shaandhaynta Wasiirada Xukuumada Ra’isal Wasaare Abdiweli Sh. Ahmed

QurboJoogta Waqooyiga Amerika, una badan racii ugu horeeyey ee uu barakiyey dagaalkii sokeeye ee bilowday dabayaaqadii 1990kii, deegaankasta ha ka imaadaane, ayaa muujiyey in ay si cad u taageersan yihiin kala shaandaynta uu Ra’isal Wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed ku sameeyey xukuumadiisa. Arintaan oo la xariirta, walaaca ay ka qabeen xulufada ‘Damul-Jadiidka’, oo ula muuqday in ay yihiin isbahaysi ku salaysan xulafaysi qabiileed, isla markaana watey ujeedadooyin gaara.

Hadaba QurboJoogta ayaa aaminsan in sidii Ra’sal Wasaare Sa’id uu Ra’isal Wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed shaqada ka wadi la’yahay faragelinta ay madaxda Damul-Jadiidka ku hayaan, sida ilo siyaasada Soomaaliya u dhuundaloola sheegayaan, ha ugu horeeyo mudane Farah Sheikh Abdulkaadir. Damul-Jadiid oo ku andacoonda in ay ka wadanisan yihiin ummadda Soomaaliyeed oo dhan, ayaa u arka in ay iyagu ahaadaan hormood siyaasada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, sida ku cad qoraalkaygii aan cinwaanka uga dhigay “Madaxwayne: Hassan Sheikh Mohamoud Kala Saar ‘Geedi Socodka Nabada Iyo Saaxiibadaa Damul-Jadiid’” waa in Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud uu kala doorto saaxiibadiis iyo waajibka dadka iyo dalka ka saaran. Sidoo kalena, uu joojiyo faragelinta Damul-Jadiid ku hayaan madaxda Soomaaliyeed, si aysan arintaan u keenin handaad ama isku dhac keena gacan ka hadal dib ugu celin kara ummadda Soomaaliyeed mid la mida shaqaaqooyinkii dhacay dabyaaqadii sanadkii 1990kii, ahna taariikh madow ee ku habsatey dalkeena, oo ayna cidna dan ugu jirin in ay arintaasoo kale ay markale soo laabato.

Taariikhdaas madow ee dagaalkii sokeeye iyo xanuunkii uu ku reebay ummadda Soomaaliyeed ay tahay mida sababtay in dadka inta badan ay u rabaan in ay arkaan nadhaam Federaali ku saleesan oo Soomaaliya lagu xukumo.

Waxay u muuqataa in Ra’isal Wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed uu la fahmay, helayna dawadii Damul-Jadiidka lagu furdaamin lahaa. Waxaase xaqiiqa ah in uu tusaale ahaan u qaatey siyaasadii foosha xumayd, isla markaana been abuurka ku salaysnayd ee lagu riday Dowladii uu madaxa ka ahaa Ra’isal Wasaare Sa’id.

Madaxwaynaha oo isku shaadhayntaan ka biyo diidey, ayey dadwaynaha Soomaaliyeed, DalJoog iyo QurboJoogba, waxay u arki doonaan in uu feriglinta xulafada Damul-Jadiid ay ku hayso xukuumada hada jirto iyo xukuumadihii horeba ay tahay mid ka indho dadbaday. Fikirkaas hadii uu sax yahayna, ay noqon karto mida ku qasabtey in Ra’isal Wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed in uu ka qaado xilkii Wasaarada Garsoorka Cadaaladda iyo Dastuurka mudane Farah Sheikh Abdulkadir, una dhiibo xilka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa maadaama uu wasiirka, isla markaana ah Aabaha Damul-Jadiid, laguna tuhunsan yahay in uu geed dheer iyo geed gaaban dul istaagay in uu geedi socondka nabada dalka lala rabo aan la gaarin.

Waxaa soo koobay: Mohamed Barre – Junlay “Buluf”, qoraa madaxbanaan, oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – Junlay99@aol.com
unnamed

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " QurboJoogta Waqooyinga America Oo Soo Dhawaysay Kala Shaandhaynta Wasiirada Xukuumada Ra’isal Wasaare Abdiweli Sh. Ahmed "

  1. Qurbo joog says:

    ASC, marka hore waxaa laga soo gaaray Nabiyadii hore, Nabigane noo sheegay hadaadan xishooneyn waxaad doonto samee, wax la allifana waxaa ugu liito been abuurka, bal dadweynoow ila arka ninkaan weyn beenta uu ka faafinayo qurba America oo aan anigaba ka midka ahay, qoraalkiisa waa been waxbana kama jiraan, mana jirto qurbo joog isu timid oo walaahooga iyo qaska soomaliya taageertay, سبحانك هذا بهتان عظيم.