Home » Gabay »

Aadaanka horugaar.

01/01/13
Hindisaha caqligu wuxuu rabaa hogatusaalayne
Hammigiyo jacaylkaagu way ku horkacaayaane
Higsadkoodu wuxuu jecel yahay kugu hagaayaane
Naftu waw hilowdaa waxaan hal u lilaynayne
Himbaabaca waxay raadisaa raaxo heersare e
Dalxiis loo horkaco bay rabtaa daawashiyo heese
Haddii aan hoggaan lagu xakamin naartay kugu hoyne
Hillaaceeda beentaa ha dhugan wuu ku hodayaaye

Xaddiis hogatusaalihi haddaan halal ka soo qaato
Waxa ay la heer tahay dunidu hooska gelinkaahe
Safarkii harsaday geedka ee horay usii dhaafay
Hugiisii ma dhigan meesha ee haabay tegidiiye
Iyadana habkaas oo kalaad uga hayaantaaye
Hadhow waxaa hortaadii imaan camal hagaagiiye
Sibraarkaaga haddeer malab ku shubo aakhiraad heliye

Nimco laga hirqanayiyo wanaag hubaynti way taale
Dhaayuhu waxay horay u arag baa hortaa imane
Wabiyaasha hoostaa socdaad hoorsan caanaha e
Khamradaad ka haaginoo shimbiraa heesta kuu tumiye
Xuuralciin hadaaftaa ku oran huunno waan imide
Hammigaaga wixii soo galaa miiska hore yaale
Khaaliqi halkaas kugu furaa ku hor imaan muuqe
Wuxuu oran maxaa kuu haroo haatan aad tebiye
Markaasaad farxadaad hayn la’dahay haabataa eraye

Allow waan hirqaday mana aqaan waxan ku haybshaaye
Markaasuu haddana wuxuu ku oran hadal macaan weyne
Nolol heer dhammaad aan lahayn mawdna heli doonin
Rillahayga hoo cara dambana waa habeen tagaye
Hillaac farax qalbigu hayn la’yahaad hugun la yeertaaye
Markaasaad xamdiga hoobisaa huffid ammaantaaye
Martiqaad habkiis aan la arag horayna loo sheegin
Jimcayaasha rabbaa kuu habayn goob hagaag badane
Waxa aad heshiyo ficiladaa waaba kala haabe
Salaaddoo hagaagtaad waxaas ku hantin doontaaye
Halna yuu ku dhaafine u toos leylku waa halise

Mar haddaadan haynayn naftaan mawdna heli doono
Haddaad jaanis leedahay waqtigu ways hal gurayaaye
Caffi hebeladii uu mar hore hadalku kaa gaaray
U hibee hantidi qoom lahaa boobku waa hagare
Qalbiga hawgu hayn ruux nacayb dhaafe waa hodane
Mu’min huban adoon noqon qabriga hoyatin haw aadin

Afarataa higaadshaye murtida aan hal kale eego
Ujeedkaygu waa hoo wacdiga hogatusaalayne
Waa uhiillin xaqa lagu hormarin haatin gacameede
Halkii aan aqaan dhihitinkeed waa hab lay faraye
Hagran maayo eray igu habboon hebel usheegiiye
Hogga intaanan gelin ka hor ayaan reebayaa hadale

Inkastoon cilmiga hoos ahoon sheekh lahubo tiigsan
Gaarsii hal eray kay ku tahay waa xadiis hore e
Anigoo habkaas raacibaan hiigsan khayr badane
Ajarkana hor eebbaan ka fili lama habaabaane
Niyaddaa habkay tahay ayuu eegayaa hodane
Hagaajiya qalbiga waa intood libin haleeshaane

Kama haago khayrkaa layiri muumin hiigsiga e
Hormarsiga wax badan buu rabaa kayd inuu helo e
Hammiguu ku haayaa jannada loo hamuun qabo e
Hibeeyaha ku deeqaa qofkuu doono hoo orane
Ayaan dhalad lahubo waa midkii harac la geeyaaye
Hungo quuste waa kii kahara helid naciimaade
Tartan holinta hiigsiga rugbaa loo hardamayaaye
Habqan iyo hordhaca tiigsadaa kala har weeyaane
Isku haab ma joogoo naflaha qolaba waa heere
Camalkii hagaagaana waa hirasho meel roone
Hubi socodka masjidyada inaad aaddo waa hibo e
Ha halmaamin weligaa salaad loo harraday tiigsi
Aadaanka horugaar nimcada loo wacaad heliye
Safka hiigso hebel goorta uu aqinka soo hoorsho
Is-hortaag allaha khaaliqaa halalna weydiiso
Halkaad ugu dhowdahay waa sujuud horu gamboonkaaye
U halaanhal eebboo baryada haybso danahaaga
Waa helikaraha bixintaleen lagu hungoobayne
Toobadkeen hoyaatina u carar hirasho waa tiise.

Curiye: Xasan Bulxan Cali
Darwin, Australia.
gabay

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.