Home » Warar »

Sharci Meheradaha Muslimiinta waqtiga habeenkii ay furinyihiin oo la ansixiyey

Minnepolis: Gudiga horumarinta bulshada iyo sharciyada magaalada Minneapolis ayaa maanta talaada (October 21keeda) meelmariyey isbadel xeerka 13tobnaad cutubka 309 ee la xiriirta sharciga ganacsiga. Isbadelkaan cusub ayaa u fasaxaya ganacsatada maqaaxiyaha iyo meheradaha lagu caweeyo naqshad ogolaansho ah oo ay ku kordhin karaan saacadaha ay furanyihiin si kumeel gaar ah.
warsame

Gudoomiyaha Degmada Lixaad Mudane Abdi Warsame oo xubin ka ah gudigaan maanta meel mariyey xeerkaan cusub ayaa saxaafada u sheegay in isbadelkaan cusub ay sabab u ahayd dalab ka yimid ganacsatada Muslimiinta ee ka ganacsada degmada uu gudoomiyaha u yahay. “Mudo 3 bilood kahor mar aan la kulmay ganacsatada Somaalida ayaa waxay ila wadaageen culayska saaran meheradahooda gaar ahaan bisha Ramadaan,” ayuu yiri Mudane Abdi Warsame.

Bisha Ramadaan oo sanadahaan dambe kusoo aada xiliga xagaaga ayaa la afuraa 9ka habeenimo, iyadoo inta badan meheraduhu ay haystaan ogolaansho ay ku hawl galaan ila 11ka habeenimo (2 saacadood kaliya). “Hada kadib ganacsatada waxay magaalada waydiisan karaan ogolaansho ay ku hawlgalaan saacada dheeraad dhamaan bisha Ramadaan,” ayuu ku daray Mudane Abdi Warsame.

Arintani ayaa aad usoo dhaweeye ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Somaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Minneapolis. Sheikh Cabdisalam Adam oo kamid ah culumaa’udiinka masaajidka Daarul Hijrah ayaa arintani ku tilmaamay guul usoo hooyatay Mujtamaca Muslimiinta ee ku dhaqan Magaalada Minneapolis. “Waa guul usoo hooyatay reer Minneapolis, waana uga mahadnaqaynaa golaha degaanka sida ay u tixgaliyeen dalabka ganacsatada,” ayaa kamid ahaa hadaladiisi.

Abdinasir Mohamed oo ah mulkiilaha Minnesota Halal Market ayaa sidoo kale arintani soo dhaweeyey. “Arintani waxaan horay ugala hadalnay gudoomiyaha degmada Abdi Warsame, waana ku mahadsanyahay isaga iyo xalufadiisa golaha degaanka sida ay u aqbaleen dalabkeeni,” ayuu yiri Mudane Abdinasir Mohamed.

Abdi Warsame ayaa ah ninkii u horeeye Muslim, iyo Somaali ah oo ku biira golaha degaanka Magaalada Minneapolis islamarkaana ka mid ahaa 6dii xubnood ee gudi hoosaadka maanta meel mariyey xeerkaan cusub. Arintani ayaa la saadaalinayaa in ay saa’meyn weyn dhaqaale ku yeelan doonto dadyowga Somaliida ee ka ganacsada meheradaha iyo maqaaxiyaha Magaalada Minneapolis.

Khadra Abdisalan
Minnepolis, MN

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.