Home » Maqaallo »

Xaqiiqda aydiyoolajiydaha

Waxaa jiro in badan oo is-badal doon ah haatana sahan ugu jiro cid ku dayasha mudan oo laga tusaale qaato, Qaarba horumarkaa Reer Galbeedka u riyaaqey oo xanbaarsan aydiyoolajiyadihii halkaa ka kacey oo leh waxaan nahey Cilmaaniyiin iyo Leberaaliyiin ayagoo rabo iney tiigsadaan hormarkaa iyo heerkaa aqooneed ee Reer galbeedka gaareen.

Waxaa kala iyagana soo shaac baxey in wadato aydiyoolajiyda ka soo horjeeda kuwii hore afkaarahooda, isla markaana doonayo iney keenaan waxa loo yaqaano horumar midnimo iyo xuriyad oo loogu magac darey Islaamiyiin, dhamaantood hal u jeeeda ayay u wada socdaan oo ah horuminta umadooda, laakin habka iyo wadada ay u maraayo baa kala ceyn ah.

ERDUGAN oo shakhsi (islaami ah) waxaa uu u horseedey dalkiisa hormar la taaban karo, wax yaaba badan ee uu dalka ka badaley iyo natiijadii ka dhalateyba waa wax aad adigaba indhahaaga arki karaan, Muda kooban ayey ku noqotey turkiya dowlada 17 ee dalalka aduunka ugu hormarsan kadib markii ay aheyd dowlada 111 ka hor inta aanu hogaanka uu qaban Eurdugan.

DENG XIAOPING oo shakhsi ( Shuuci ah) ahaana Madaxweynaha Shiinaha sanadihii todobaatameeyadii waxaa uu u horseedey dalkiisa inuu u ugubdiyey wajigaan dhaqaale iyo tiknoolojiyda ee manta xooga u sii kobcaayo.

PAUL KAGAME oo shakhsi ( Calmaani ah ) waxaa uu gaarsiiyey dalkii Ruwaanda heerka ay manta taagantahay,labaatan Sana ka hor dadka dalkaasi dagana mustaqbal ma laheyn,kadib markey abuuraan jawi dib u heshiisiinneed oo hormuud u noqda wax wada qabsi iyo horumar, maanta nus ka mid ah dadka dalkaasi oo dhashey xasuuqa ka dib waxey heleen nabadaa iyo horumarkaa u qabsoomey.

MAHAATIIR MAXAMED oo shakhsi (Aan intaba aheyn ah) waxaa uu u horseedey dalkiisa horumarkaa muuqda ee maanta ka hanaqaadey Meleysia waxuuna ka dhigey Maleysiya wadankaa casriga ah ee la jaanqaadey dunidaa horumartey asoo ka soo hooyey guulo lataaban karo dhanacyo badan ooy ka mid yihiin dhaqaalaha warshadeynta, iyo tacliinta dalkaba,
Hadaba dowladahaa ma waxey ku hormareen aydiyoolajidahaa? Hadii uu arinka saa yahey horumarka aan rabno tilmaantuu qaadan? hadaan si kale u dhigno aydiyoolajiyadahaani tee baa sax ah oon horumari ku gaareynaa ama khaldan oo fashil noo horseedi ?

Waxaa meesha kacad in madaxdaan aan kor ku soo xusey ay ku kala gadisanyihiin aydiyoolajiydaha ay heystaan oo uu mid waliba tu u gaar ah xanbaarsanyahay, hadana uu ku guuleystey mid wilba inuu u horseeda bulshadiisa hormar fiican. waxna ka badaley noloshoodii. Sidoo kale waxaa iyana jiro madax kale oo isla aydiyolojiyadahaasi sito balsa ku fashilimey oo aanan ku guuleysan iney u horseedaan bulshadooda horumar.

Hadii aan dhahno dowladahaa waxey ku hormaraan aydiyoolajiyadahaa, qaarkala oo isla aydiyoolajidaha dowladahaa heysto baa jiro balse aan horumar gaarin,,si kale hadaan u dhigo arinta aydiyoolajiyada hadey sidaa muhiim u tahay soo ma aheyn in qaarka aan horumarin ay horumaraan waayo waxaa ey heystaan aydiyoolajiyad ay hestaan dowlada horumarey, Qaarkalana ay fashilmaan maxaa yeeley waxey haystaan aydiyoolajiyad dowlada kele oo dib jir ka ah.

Hadaba hadaan ka dhigno mitirka lagu cabiraayo horumarka uu wadan gaaro mid ku xiran hadba aydiyoolajiyada ay dadyowgaasi heystaan, oo aan cabirka qaadano,waxey noqoneysaa ineyno niraahno dalka Giriigga oo xadaaradooda asal u tahay tan manta Reer galbeedka heystaan waxey ka caqli yaryihiin Jarmalka iyo Mareykanka oo iyaga gaarsiisan xaga tiknolojiyada heer aad u sareeyo.

Waxaa halkaani inoogu cadaaneyso, taasoo ina tusaaleyneyso in umadaha horukacooda ama dib u dhacooda uusan ku xirneen marna aydiyoolajiyad, oo ay dhaliyaan horumarka sababa kale.

Intooda badan Madaxdaan kor ku soo sheegey ma aheyn kuwa daacad u ah aydiyoolajiyada gaarka ah ay xunbaarsanyihiin, waxey ahaayeen kuwa daacad u ah dadkooda iyo hormumrkooda … Deng Xiaoping. waxaa uu shiinaha ka dhaqan galiyey waxaa loo yaqiina Aag dhaqaale oo xur ah (Free Economic Zones) kaas oo ah nidaam ganacsi oo ku dhisan hab Hanti-

Goosad/Ra’sumaal, oo ahaa mid ka madax banaana hab dhaqankii dhaqaala ee dowlada shiinaha ee ku dhisnaa nidaamka Hanti-wadaagga, waxaana uu furfurey nidaamkiisii dhaqaale isla mkaana waxaa uu ogalaadey in aduunka maalgashadaan shiinaha….Sidoo kale Mar la weydiiyey Erdugan sida uu mudadaa yar u gaarsiiyey dalkiisa heerkaan, waxey aheyd jawaabtiisu ( Waxba ma xadin) Waxey la imaadeen madaxdaada hab iyo maamul aan aqoonin eex, musuq-maasuq, cadaalad daro iyo dhunsasho hanti dadweyne, halka wadama kale ee ku guuldareysta horumarinta dadyowgooda ay ku can baxeen intaas.
Gunaanadkii,Inkastoo aan garan karo jawiga iyo waqtiga aan ku jirno, gaar ahaan dhaliyaradu in badanaa baahi weyn u qabto aydiyoolajiydahaasi si ay u fahmaan aduunka ku xeeran, xaalka jirana uu yahay mid u muuqda sidii (Webiyo isu ooman) balse hadii aan xaqiiqda kuu soo dhaweeyo..dhamaan Aydiyoolajiydahaasi waa kuwa sida Milixda oo kala ah, hadba waxaad u baahantahay baa laga qaata, ma ahan Diin oo ay tahay inaad u cadeysa dadyowga ama aad ku dhaqantid amaba aad buunbuunisa…waxa u baahan inaad is xijisaa waa Dadkaada iyo Diintaada.

W/Q. C/qaadir Cumar osman (Kuul)
ixsaan44@hotmail.com

kuul

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.