Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya

Somalitalk 19-10-2014
unnamed

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtey tirada Xujeyda Soomaalida ee Xajka ku dhimatay Sannadkaan

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Somaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka gadaal markii uu ka qayb galay Xajkii sanadkan ayaa shir jaraa’id wuxuu ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho. Wasiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ugu horeynba Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in hawlihii Xajka sanadkan si wanaagsan ay ku soo gabagaboobmeen isagoona Alle uga baryay dhamaan Xujaydii ka soo qayb gashay gaar ahaan Xujeydii Somaalida ahayd in Alle uu Xajkooda ka aqbalo.

Ridwaan Xirsi ayaa dhinaca kale Tilmaamay in Sanadkan Xujeyda ku dhimatay Xajka ee Soomaalida ah tiradoodu ay tahay Afar Xaaji isagoona Alle u weydiiyay in uu Xajkooda Aqbalo. Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha hore u sii raacay ayaa isagu maanta dalka dib ugu soo laabtay isagoona sheegay in badi Xujeydii Soomaalida ee tiradoodu gaaraysey guud ahaan labada Malyan ay intoodii badned si nabad ah ugu soo laabteen degaanadoodii.

Shirkii Garbahaareey oo Go’aan ka Gaaray Maamulka ay hoos tagayaan.

Shirkii wada tashiga aayaha gobolka Gedo oo labadii Todobaad ee aynu soo dhaafnay magaalada Garbahaareey uga soconayay Beesha Sade ayaa iminka waxaa soo baxaya Ifafaale muujinaya in go’aan ay ka gaareen Maamulkii ay hoos tagi lahaayeen. Maamulka Lixda Gobolee Koofur Galbeed iyo Maamulka Jubba ayaa mid walba dhankiisa u sheeganayay in gobolkaasi uu hoos tagayo taasoo keentay Muran muddo dheer soo jiitamayay.

Maxamed Aadan Cali oo ka mid ah Ergada Shirkaasoo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka ay ku sugan yihiin Xubno dhowr iyo Toban ka kooban oo uu hor kacayo Maxamuud Seyid Aadan oo maamulka Koofur Galbeed Madaxweyne ku Xigeen ka ahaa iyo waliba Xildhibaan hore kaasoo sida uu sheegay Maxamed uu haatan arrintaa ka tanasulay. Maxamed Aadan Cali ayaa sheegay in Shirkaasi lagu go’aamiyay in Gobolka gedo uu hoos tago Maamulka Jubba iyadoo meesha laga saaray is qab qabsigii Maamulka Koofur Galbeed iyo Lixdii Gobol isagoona intaa raaciyay in shirka lagu magacabay Guddiyo kala duwan oo arrimahaas iyo dhinaca Abaaraha Gobolka wax ka qabanay.

Soomaali laga soo Tarxiilay Sacuudiga oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

Tahriibayaal Soomaali ah oo isugu jiray Dumar Caruur iyo Dhallinyaro ayaa subaxnimadii hore ee saakay laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho ka gadaal markii laga soo tarxiilay Dalka Sacuudiga. Dhallinyaradii maanta laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho Cabdullaahi Carab oo ka mid ahaa Dhallinyaro laga keenay Saacuudiga ayaa sheegay in qabashadooda ay ahayd mid kedis ah Ciidamada Sacuudigana ay goor sii horeysey ay bilaabeen qab qabashada Dadka aan sharciga haysan in kastoo Labada Bilood ee Xajka ka dambaysa aan dadka la tarxiili jirin haddana sanadkan Ciidanku bilaabay hawlo taa ka duwan.

Cabdullaahi Carab ayaa intaa ku daray in xiligii la soo qabanayay xitaa uusan haysan Shilin qura Dharkiisii iyo Boorsadiisiina uu ka soo tegay. Dhallinyaradanoo Lug ka soo bilaabay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Lug ku yimaadeen Kiilo Mitir Afar halkaasoo qaarkood dadkii halkaa kusugnaa weydiisanayay in la saaro ama laga bixyo Bas raaca maadaama iyagoon wax Lacag ah sidan la soo qabtay.

Dibadbax Rabshado wata oo maanta Beled-weyne ka dhacay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beled-weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dibadbax Rabshado wata uu maanta ka dhacay Magaalada Beled-weyne. Banaanbaxan oo looga soo hor jeeday Ciidamada Amisom ayaa inta la xaqiijiayay waxaa ku dhaawacmay laba qof oo ka mid ah Dadkii banaanbaxa dhigayay ka gadaal markii Ciidamada Amisom ay rideen Rasaas ay dadkaas ku kala ceyrinayeen.

Dadkan banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay ka cabanayeen Ciidamada Amisom oo lagu eedeeyay in ay qayb ka yihiin hurinta Colaadda ka jirta degaanada hoos yimaada magaalada Beled-weyne.

Gaadiid kolanya ah oo ay wateen Ciidamada Amisom oo ku sii jeeday degaanada Deefoow iyo Kabxanleey ayaa waxa halka loo yaqaano Ceel Gaal uga hor yimid Dad u diiday Ciidamadaas in ay halkaa maraan hase yeeshee Ciidamada ayaa soo qab qabtay qaar ka mid ah dadkii kuna soo xiray Xabsiga Magaalada Beled-weyne halkaasoo rabshaduhu ka bilowdeen. Guddoomiyaha Gobolka hiiraan ayaa arrintaa ku macneeyay mid aan macno badan ku fadhiyin Ciidamadana amar lagu siiyay in ay soo celiyaan Nabadda ama nabadda ay dhaliyaan.

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhaxe oo Amar Culus dul dhigay Ganacsatada Shidaalka Magaalada Jowhar

Iyadoo dhawaan Dab Khasaare ba’an dhaliyay uu ka kacay suuq ku yaala bartamaha Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa waxaa arrintaa amaro cusub ka soo saaray maamulka Gobolka. Ganacsatadii lahayd Shidaalkaa oo isu diyaarinayay in ay dib u dhis ku sameeyeen goobihii ay hore ugu ganacsan jireen isla markaana ku hawlnaa soo celinta mid la mid ah Dhismayaashii hore ayaa waxaa arintaa soo fara galiyay Maamulka Gobolka oo Amar ku bixiyay in aan la dhisi Karin dhismo aan ahayn Dhagax ama Bulukeeti.

Guddoomiyaha ku xigeenka Maamulka Gobolka ee dhinaca Maaliyadda Cali Ibraahim Cusmaan oo warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in ay joojiyeen gabi ahaanba in la dhiso Dhismo Jiingad ama Fuusto ka samaysan ciddii ay ku helaana ay isugu dari doonaan Ganaax iyo Xarrig. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay oggolaanayaan oo keliya Dhisme adag sida Dhagaxa iyo Bulukeetiga laakiin marnaba aysan aqbalayn dhismayaala kuwii hore oo kale ah si looga bad baado Dab kii dhawaanta ka dhacay halkaas oo kale aysan u dhicin.

Qaar ka mid ah Ganacsatadii Shidaalku ka gubtay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arruintaasi dhib ku tahay maadaama ay Khasaare galeen haddana aysan awoodin in dhagax ay sii dhistaan iyagoo sheegay qaarkood in Kumanaan Kun oo Doolarka Maraykanka ah ay ku gubatay kuwaasoo qaarkood Labaatankii sano ee la soo dhaafay Shidaalka ka dabaranayay Noloshooda.

Degmada Maxaas oo laga soo sheegayo Xaalad Aadaninimo oo aad u daran.

Guddoomiyaha Degmada Maxaas ayaa ka warbixiyay Xaaladda Nololeed ee ka jirta Degmadaas gaar ahaana wixii ka dambeeyay markii Shabaab halkaas ay ka baxeen. Muumin Maxamed Xalane Guddoomiyaha Maxaas ayaa sheegay in xaalad aad u daran ay halkaas ka jirto haba ugu horeeyo iyadoo lagu jiro Xilligii Kulaylaha Cudurada ay ka mid yihiin Jadeecada iyo Shuban Biyoodka.

Guddoomiyaha Maxaas ayaa sheegay in degmadu aysan lahayn Goob Caafimaad qofkii Cudur ku dhacana ay dantu ku qabanayso in loola Cararo Isbitaalka Magaalada Beled-weyne oo aan u dhaweyn degmadaas. Guddoomiye Muumin ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin goob waxbarasho sal dhig iyo goobihii adeegyada Buslada taasoo uu ku eedeeyay in ay hore u bur buriyeen Shabaab intii aysan ka bixin degmadaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya "

  1. fuad says:

    Xujeydii Soomaalida ee tiradoodu gaaraysey guud ahaan labada Malyan ay intoodii badned si nabad ah ugu soo laabteen degaanadoodii.

    tirada saxa xujeyda oomalida waxaa klagu qiyaasay ilaa 7kun