Home » Warar »

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay.

Muqdisho: October, 17, 2014-Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdigii uu hoggaaminaayay ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii uu booqasho saddex maalmood ah ku tegey dalka Faransiiska.hassan_jawari

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyada Jamhuriyadda Faransiiska, waxay wadahadal yeesheen Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande oo ay isla soo qaadeen xiriirka labada dal ee dhinacyada Difaaca, Amniga iyo Horumarinta.

Madaxweynuhu maalmaha uu joogay Paris, waxaa uu booqday hey’ado kala duwan oo isugu jira kuwo Dowladeed iyo qaar gaar loo leeyahay.

Wadahadal uu Xaruntooda kula qaatay hey’adda MEDEF oo ay xubno ka yihiin in ka badan 6,000 oo sharikadood, ayuu Madaxweynuhu wakiillada sharikadahaas waxaa uu ku dhiirri geliyay in ay maalgashadaan Soomaaliy.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in amnigu soo hagaagayo, isla markaasna cabsida ku jiri karta sharikadaha doonaya in ay hanti badan geliyaan Soomaaliya ay isla markaasna wadato faa’iidadeeda maaddaama uu hadda yar yahay tartanka ganacsi.
hassan

Madaxweynuhu wuxuu kale oo booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Paris.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxman Beyle iyo Wasiirka Difaaca, Maxamed Shiikh Xaamud.

Waxaana wafdigu meel kasta uu tago ku wehliyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Cali Saciid Faqi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka dayaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole.

Dhammaad

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.