Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Bujumbura kula kulmay Madaxweynaha Burundi.

Warsaxaafadeed

Arbaco, 15 October, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa magaalada Bujumbura kula kulmay Madaxweynaha dalka Burundi, Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweyne ku-xigeenka, Mudane Prosper Bazombanza iyo xubno ka tirsan Xukuumadda oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Burundi, Waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dawladood iyadoo Ciidamada Burundi ay qayb ka yihiin ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ee AMISOM oo ka gacan siiya dawladda Soomaaliya soo celinta amniga iyo xasiloonida .

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulamada uu la qaatay madaxdan ku wehelinayey Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Burci Maxamed Xamza, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga ,Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi, Mudane Abshir Xasan Abshir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dalka Burundi soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, waxa uuna ka warbixiyay horumarada kala duwan ee ka socda dalka Soomaaliya oo muddo dheer uu gaaray burbur kala duwan , gaar ahaan howlgaladda Badweynta India iyo xasiloonida kusoo noqonaysa dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadda Dawladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay dib-u-xoreeyeen inta badan goboladda dalka oo horay ay gacanta ugu hayeen Nabad-diidka Al-Shabaab.

“Waxaan sii xoojinaynaa xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Burundi iyo Soomaaliya, waxaan la wada soconaa in ciidamada Burundi oo qayb ka ah AMISOM ay naftooda u hureen sidii dib loogu soo celin lahaa sharaftii iyo dawladnimadii Soomaaliya iyagoo ku taageeray dawladda in ka badan 5000 oo ciidan ah, laguna xasuusan doono in ay kaalin muhiim ah uga jirtay dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan ka wada hadalnay madaxda Burundi sidii labada dawladood ay isaga kaashan lahaayeen arrimo ay kamid yihiin Maalgashiga, waxaana kusoo dhoweynaynaa ganacsata dalkan in ay ka qayb-qaadataan maalgashiga Soomaaliya xilligan mar haddii amnigu uu soo hagaagay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Dawladda Burundi waxaa ay ka wada hadleen eedaynta hay’adda Human Rights Watch ee la xiriirta in Ciidanka AMISOM ay furaxumayn u gaysteen dumar Soomaaliyeed iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in dawladiisu ay arintaasi walaac ka qabto, waxaana dawladda Burundi ay balan qaaday in dhowaan ay Soomaaliya usoo diri doonto guddi ka qayb qaata baaritaanka la xiriira eedayntaasi oo la shaqayn doona dawladda Soomaaliya.

“Waxaan aad uga faraxsanahay horumaradda ka jira dalka Soomaaliya iyo horumaradda kala duwan ee muuqda. Waxaan sii xoojin doonnaa taageerada aan siinayno walaaleheena Soomaaliyeed si ay usoo noqoto kala danbayntii. Dalkan Burundi waxaa uu soo maray dhibaatooyin dhib badan, maantana waxaan ku talaabsana horumarro aad u badan. Waxa hadda noo muuqdana waa in Soomaaliya ay ka gudubtay dhibaatooyinkii horay u gaaray oo meel fiican ay ku socoto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday qaar kamid ah Warshadaha dalkan si uu ugu kuuragalo horumaradda kala gadisan ee dalka Burundi uu hiigsanayo, isagoo dhanka kalana la kulmay xubno ka socda ganacsatada dalka Burundi oo uu ku dhiirigaliyay in ay yimaadaan soomaaliya oo ay ka qaybgalaan maalgashiga.

Waaxda Warfaafinta ee XRW
Bujumbura, Burundi
Email: media@opm.gov.so
ridwaanhaji@gmail.com
Twitter: @Ridwaanhaji
8

5 4 3 2 1

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey