Home » Warar »

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxaweynaha Faransiiska

Paris: October 15, 2014- Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa maanta xarunta Madaxtoooyada ee Jamhuriyadda Faransiiska si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

unnamed (5)

Labada Madaxweyne waxay ka wadahadleen iskaashiga labada Jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Faransiiska ee dhinacyada difaaca, ammaanka iyo horumarinta.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada ay Dowladda Faransiisku oo kursi joogta ah ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaalmada ay ka geysato ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha xag jirka ah ee umadda Soomaaliyeed kala dagaallamaya nolosha.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Madaxtooyada Faransiiska tan iyo markii ayt burburtay Dowladda Soomaaliya sannadkii 1991.

Ka hor inta aan labada Madaxweyne kulmin, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu salaam sharaf ka qaatay ciidammada Madaxtooyada Faransiiska.

Dhamaad

For more information please contact:
Shador Haji Mohamud
Office of the Somali President
shadorhaji@presidency.gov.so
Twitter: @thevillasomalia/@Shador_Haji

unnamed

unnamed (4)

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxaweynaha Faransiiska "

  1. Cabdullahi Yuusuf ayaa safar rasmi ah ku Paris bilowgi bishi juun 2008, 2di juun waxaa qaabilay Nicolas Sarkozy oo ahaa Madaxweynaha France waagaas. Labadda Madaxweeyne waxaa ay wada fadhiyeen Saacad iyo labaatan daqiiqo. waxyaabihi ay ka hadleen waxaa ugu muuhiimsaa arrimaha burcad-badeedka. Kulanka Xasan shiikh iyo Françoit Hollande wuxuu socday muddo 30 daqiiqo ka yar. Ka dibna waxaa shirka la wareegay la taliyaha arrimaha afrika.