Home » Faallo »

Jawaab; Maqaalka Godobaynta Garashada ee Ibraahim Hawd.

Qoraaga maqaalka “godobaynta garashada” ee Ibraahin Yuusuf Axmed, wuxuu ka mid yahay qorayaasha Soomaaliyeed ee aan akhriyo isla markaana xiiseeyo qoraaladooda. Sababtu waxay tahay,farshaxanimada qoraalkiisa afsoomaaliga oo aad u heer sareeya. Hase yeeshee, maqaalkan godobaynta garashada oo aan filayo in qoraagu mar hore qoray, laakiinse aan hadda ka daalacday qaar ka mid ah wargeysyadda ka soo baxa magaaladda Hargeisa, ayaa xambaarsan fariimo badan oo bulshada aan u cutami Karin, xaqiiqatana, aan odhan karo waa faham qaldamay, ama waaba iska indha rid loo badheedhay oo qoraagu rabo inuu ku saameeyo bulshada. Sidaa awgeed, qoraalkaygani wuxuu jawaab u yahay maqaalka godobaynta garashda.
Waxaan la qabaa qoraaga wax badan oo maqaalkiisa ku xusan oo ay ugu horrayso in aynu u baahan nahay in maskaxdeena la dhadhaqaajiyo, la firfircooni geliyo isla markaana la fekero, noloshana wax laga taransado. Waxaanse kaga aragti duwan ahay meelo badan oo aan rabo inaan qodob qodob isu dul taago. Hadba qaybta aan rabo inaan ka jawaabo, marka hore waxaan soo xigan doonaa hadalkii qoraaga, aniga oo u soo qori doona sidii ay ugu taalay maqaalka qoraaga, ka dibna ka jawaab celin doona.

Taasi waxay ka hor tagaysaa inaan hadhow lagu doodin qoraalkaygii inta la rogay baa si xun laygu jawaabay, iyo wax aanan qorin baa dusha layga saaray. Maxaa yeelay, qoraaga afeef dheer iyo didmo buu ka horraysiiyey abbaarta ujeedadiisa, sidii qof ka welwelsan jawaabta la siin doono, ama ka shakisan fariinta uu gudbinayo. Halkii Soomaalidu ka odhan jireen, “Layligu biyaha kashiisa ku jira buu ka didaa”. Halkay ka ahayd in qoraagu sugo falcelinta bulshadda, isla markaa uu garawshiiyo bixiyo haddii doodiisa laga itaal roonaado, iyo in uu diyaar u ahaado aragti cid kale ka iman karta, sida isaguba ku xusay shuruudaha wada hadalka. In qodob kasta oo aan ka jawaab celinayo, aan marka hore soo qoro hadalkii qoraaga waxay keeni kartaa in maqaalkeenu dheeraado, waynuse ku qasban nahay, waxaanse rajaynayaa in akhristayaashu u dul yeelan doonaan.

Qoraagu wuxuu ku yidhi maqaalkiisa “Been ma ah in meel walba lala tuban yahay aqoonta jirtaa idilkeed in ay diinta ku dhan tahay. Looma baahna in la fekero ee sidaas ayaa la iska haystaa. Kolka se la joogo falsafadda Islaamka, haddii aad tidhaahdo aqoontu Quraanka ayey ku dhan tahay, Quraankuna yahay ereyo, aayado iyo suurado tirsan oo kitaab qudha ku qoran, markaa diinta kuma bannaana waayo waxay koobaysaa aqoonta Ilaahay oo ay tahay in aan la koobin (“Walaa yuxiiduuna bishey’in min cilmih illaa bimaa shaa’a”- suuradda Baqara, aayadda 255). Aragtida caynkaas ah ee ay dad aad u badani qabaan haddana sida fudud u buraysa, kolkii aan sheegay halkii laga garaabi lahaa wixiiba waxaa loo rogay loogana jawaabay sillooni”
Hadalka qoraagu sheegay in meel walba lala tuban yahay oo ah in aqoonta idilkeed diinta ku dhan tahay, una arko inuu yahay ka inoo diiday inaynu fekerno, waa aayada Quraanka ah ee Ilaahay leeyahay “Ma faradnaa fil kitaabi min shay”. Aayadu waxay sheegaysaa inaan kitaabka waxba lagaga tegin dhamaan wixii nolosha aadanuhu u baahnayd, maadaama kitaabku yahay ka ay tahay inuu hago nolosha aadamaha. Aayadu ma sheegayso, in aqoontii Ilaahay la koobay, kamana hor imanayso sida qoraagu u dhigay aayada uu daliishadday ee leh, “walaa yuxiiduuna bishey’in min cilmih ilaa bimaa shaa’a” oo ah, dadku ma koobayaan shay cilmiga Ilaahay ka mid ah inta Ilaahay doono mooyee. Ilaahay cilmigiisa cidina ma koobi karto, Ilaahay Quraanka meelo kale buu ku sheegay haddii badu khad noqon lahayd, dhirtuna ay qalimaan noqon lahayd, inay bada iyo dhirtuba dhamaan lahaayeen iyadoon kelmadaha iyo aqoonta Ilaahay dhamaan. Qoraagu isaga ayaa intuu u fahmay, kitaabka waxba kagamaanan tegin in loo jeedo in aqoontii Ilaahay la koobay, hadana yidhi aragtida caynkaas ah ee si fudud u buraysa ayay dad badan qabaan, waxaan si fudud u burayna waa waa fahamkii qoraaga. Waxaan filayaa maynaan arag cid ku dooday in aqoontii Ilaahay la koobay, maadaama Ilaahay yidhi kitaabka waxba kagamaan tegin.

Arrinta se cajiibka ah, dooda qoraaguna ay abbaaraysaa waxa weeye, maadaama kitaabka wax kasta lagu sheegay, inaan loo baahnayn in la fekero, inaguna aynu intaa ku qanacnay. Xaasha kitaabka iyo Islaamka midna inaba odhan ha fekerina. Islaamku wuxuu inagu dhiiri geliyey in la fekero, noloshana wax lagu soo kordhiyo goor iyo ayaan. Quraanka waxaynu in badan ku aragnay, “afallaa tatafakaruun, afallaa tacqiluun, afallaa tadabaruun, afallaa, afalllaa …….”, maydaan fekerayn, maydaan caqli lahayn, maydaan wax u fiirfiirsanayn. Markaa islaamka maskaxda miyuu xayiray, mise wuu dhiirigeliyey. Haddaan indhaha la iska ridayn, waxa horteena yaala daliilo cad cad. Islaamku wuxuu dhiirigeliyey cidda fekerta ee nolosha wax ku biirisa, wuxuuna ceebeeyey, cidda aan fekerin, noloshana aan waxba ka taransan. Islaamku wuxuu sheegay, haddii suurtii qiyaamaha la afuufo, in qofkii wax beerayey sii wado beeritaanka, heerkaas bay gaadhsiisan tahay dhiirigelinta Islaamka ee ku saabsan horumarinta nolosha. Xataa masaa’ilka diiniga ah baa wakhtiyadda qaarkood loo baneeyey wax la yidhaahdo ijtihaad oo ay tahay in cidda ay khusaysaa fekerto, go’aanka ugu haboona ka qaadato. Maxaad markaa u malaynaysaa arrimaha horumarka u ah nolosha aadanaha in laga fekero. Waxa run ah, in aynaan u fekerin, noloshana uga hawl gelin sidii loo baahnaa, dib u dhac maskaxeed oo weynina ina haysto, hase yeeshee, ma diintaa ina tidhi ha fekerina kitaabkaa wax kasta ku jiraane. Ma markii diinta laga tegey baa la dib dhacay oo ma fekerayaal la noqday, mise markaynu aaminay kuna qanacnay inaan Ilaahay waxba kaga tegin kitaabka, baa la dib dhacay oo ma fekerayaal la noqday, waa sida uu qoraagu ku doodayee. Jawaabta su’aasha waxaan u dhaafayaa akhristayaa sharafta leh.

Mar kale qoraagu wuxuu yidhi “Diintu nolosha aadamiga waxtar badan ayey u leedahay, se farsamada iyo culuunta maaddiga waxba kuma leh”. Halkan, waxa is weydiin mudan, qoraa Hawd, muxuu u yaqaan culuunta maadiga ah, ka hor inta ayaan odhan diintu waxbay ku leedahay iyo waxba kuma laha. Ma wuxuu u yaqaan:

• Maamulka iyo nidaamka dawladnimo ama arrimaha siyaasadda iyo sida bulsho loo hago.
• Dhaqaalaha iyo sida loo kobciyo ama loo kantaroolo.
• Sayniska iyo qaybihiisa kala duwan.
• Barashada taariikhda iyo sooyaalka dunidda.
• Arrimaha bulshadda, akhlaaqda, qiyamka iyo sida bulsho u wada noolaan karto.
• Xidhiidhka caalamiga ah ee ummaddo kala duwani kuwada naaloon karaan.
• Sharciyadda iyo qawaaniinta.

Waxaa hubaal ah, qodobadan aynu kor ku xusnay iyo in kaloo badaniba, ay yihiin maadooyinka ugu horreeya culuunta maadiga ah ee lagu dhigto jaamacaddaha adduunka ugu waaweyn, gaar ahaan kuwa reer galbeedka. Su’aashu markaa waxa weeye, diintu wax ma ka tidhi arrimahan. Aynu soo qaadanno tusaalayaal fudud oo basiid ah oo ka tarjumaya culuunta maadiga ah ee ka buuxda diinta.

Dhanka siyaasadda iyo hogaaminta ummaddeed, waxa ka buuxa Quraanka qisooyin ay ugu horrayso qisada Nebi Muuse iyo Fircoon oo ina baraysa nidaamka siyaasiga ah ee haboon ee ummaddi ku dhaqmi karto, kana digaysa nidaamka keli taliska ah ee maanta halakeeyey dawladdo badan oo muslimiintu ugu horreeyaan, markay ka tageen ku dhaqankii shareecadda Islaamka. Waxaynu ognahay, in hogaamiyihii ugu caddaaladda badnaa ee dunida guudkeeda soo maraa uu ahaa Nebi Maxamed (NNKHA) isagoo isticmaalayey nidaamka siyaasiga ah ee Islaamka. (Politics and Leadership).

Xaga dhaqaalaha, Quraanka waxa ka buuxa aayado iyo qisas ka sheekaynaya oo ay ugu horrayso, aayada Quraanka ugu dheer ee aayatu dayn, oo ka hadlaysa sidii uu ganacsi u dhex mari lahaa bulshada, daynta sidii loo kala qaadan lahaa, waraaqo caddayn ah sidii loo kala qoran lahaa. Aayado kale baa iyana ka waramaya iibka iyo dulsaarka (bayca iyo ribadda). Qisada Nebi Shucayb oo guud ahaan ka waramaysa inaan la fasahaadin dhaqaalaha bulsheed. dhaqaalaha Islaamka waxa loo yaqaan oo aynu og nahay siduu maanta uga shaqeeyo bangiyadda casriga ah oo ay ku jiraan kuwa reer galbeedku. Dhamaan arrimahaasi waa tusaalayaal koooban oo ka waramaya sida Islaamku uga hadlayo dhaqaalaha, (Economics).

Xaga akhlaaqda, tarbiyadda, arrimaha ijtimaaciga ah ama hab dhaqanka bulsheed, waxa jira suuraddo iyo qisooyin ku jira Quraanka oo ka waramaya, sida Suuratul Xujuraat iyo qisada Nebi Luud, (Ethics).

Xaga qawaaniinta garsoorka ee ummadda lagu kala saaro marka is qabsi yimaaddo, si noloshu habsami ugu socoto, waxaan hubnaa in qawaaniinta ka buuxda diinta Islaamku ay yihiin kuwa ugu caddaaladda badan, marka loo eego kuwa bini-aadamku dejisteen, (Law). Waxaynu naqaanaa qaanuunku (Law) inuu yahay maadooyinka ugu badan culuunta maadiga ah ee lagu daraaseeyo jaamacaddaha aduunka.

Xaga saysinka, waxaynu og nahay biyaha iyo siday muhiim ugu yihiin nolosha. Tusaale, sayniska casriga ahi wuxu leeyahay, 80% unugyadda xayaawanka noolaha ahi waa biyo sida ku qoran dhiganayaasha bay’ologiga. (80% of the cytoplasm in the living things is water)(Cytoplasm means basic cell material). Quraanka wuxuu inoogu sheegay Suuratul Anbiyaa, aayada 30aad, “Wajacalnaa minal maa’i kula shay’in xay, afallaa yuminuun”. Aayadu waxay sheegaysaa in biyaha shay kasta looga dhigay nolol. Sayniska casriga ahi wuxuu ogaaday in noolaha intiisa badani tahay biyo, ka dib markii la ikhtiraacay maykriskoobka. (Micrscope).

Tusaale kale, saynisyahanadda casriga ahi waxay ka sheekeeyaan in birtu (Iron) ay la socotay qaybo dhagaxaan ah (piece of rocks) oo ka soo go’ay ama dhacay xaga sare (outer space) ee aanay asal ahaan (originally) dhulka oolin. Quraanku wuxuu inoogu sheegay Suuratul Xadiid, aayada 25aad, “Wa anzalnal xadiida fiihi basun shadiid, wa manaaficu linaas ilaa aakhirka aayada” Aayadu waxay sheegaysaa in xadiidka iyo birta la soo dejiyey ee aanay dhulka oolin asal ahaan.

Tusaale kale, saynisyahanadda casriga ahi waxay leeyihiin cirku wuxuu ka ilaaliyaa dhulka falaadhaha sumaysan ama khatarta ah ee cadceeda, (lethal rays of the sun). Haddaan cirka jiri lahayn, awoodda cadceeda ayaa dili lahayd nolol kasta oo dhulka ka jirta. Waxay kaloo sheegaan in cirku ka ilaaliyo in dhulku freeze garoobo, qabowga ku jira fadaha ama spaceka sare awgii. Quraanku wuxuu inoogu sheegay Suuratul Anbiyaa, aayada 32aad, “wajacalna samaa’a saqfan maxfuuda” in samaddii tahay mid wax ilaalinaysa,(ceiling protection), mufasiriintuna ay si fiican u fasirayaan waxyaalahan ay samadu ka ilaalinayso noolaha dhulka ku guud nool oo ah inta saynisku sheegayo iyo ka badanba.

Iyadoo intaasoo tusaale inagu filan yihiin, ayaa haddana la sii wadi karnaa arrimaha sayntifiga ah ee Quraanku ka waramay, saynisyahanaduna ogaadeen cusuurtan dambe. Waxaad baadhi kartaan, buuraha, fidintaanka caalamka, wareega cadceeda, badaha, uur ku jirta (embryology) sida uu uga waramay Quraanku iyo waxa uu ka yidhi dhamaantood sayniska casriga ahi. Dhamaan waxyaalaha sayntifiga ah ee ku duugan Quraanku waa kuwo aan marnaba beenoobayn, halka aynu in badan aragnay tijaabooyin sayntifik ahaan la xaqiijiyey, laakiinse, mar dambe saynis yahanno kale buriyeen.

Dhamaan tusaalayaasha aynu kor ku soo xusnay waxay daliilo cad cad u yihiin culuunta maadiga ah ee quraanka ka buuxda. Waxaynu tusaalayaal ka keenay maadooyinka maadiga ah eek ala ah, politics and leadership, economics, law, sociology, biology, geology, astronomy, anatomy and physiology. Markaa, waa in sidaa fudud runta loo arkaa, garawshiyona loo bixiyaa, iyadoon indhaha xabag la marsan, dhegahana la furaysan. Waxa yaab leh, waxa qoraagu u yaqaan culuunta maadiga ee uu leeyahay kuma jiraan diinta Islaamka. Waxa kale oo is weydiin mudan, culuunta maadiga ahi, ma ilbaxnimadda reer yurub bay la socotay mise way ka horaysay oo iyaba waxay ka soo dheegteen, haba sii hormariyeene, ilbaxnimooyinkii ka horreeyey.

Waa hubaal, haddii ummaddi ka hormarto deganaanshaha xaga siyaasadda, (political stability), koboca xaga dhaqaalaha, (economic growth), iyo akhlaaqda bulsheed, arrimahan oo dhamaantood ah maadooyinka cilmiga ah ee Islaamku bini-aadamka ugu yeedhayo, in umadaas aanay waxba ku qaadanayn in ay daar dheer dhisto, dabaabad gantaal ka dhaco samayso amase dawo soo saarto, kuwan oo malahayga ah kuwa qoraagu u yaqaan culuunta maadiga ah.

Qoraaga mar kale wuxuu ku yidhi maqaalkiisa, “baqdinta yurub laga qabaa waa soo jireen. Innaga uun ma aha ee dunidaba cudurkaasi muddo dheer ayuu ku yuururay. Ka hadli mayno iska caabbinta gumaysigooda dhinacyada badan, kana hadli mayno Afrika oo markaa ka horeba dhawr qarni addoonsiga yurub hoos taallay, kamana hadlayn loollanka abuurta ah ee aadamiga sidiisa uga dhex jira. Waxaynu ka hadlaynaa muslinka iyo carabta aynu is xejinno inta ku aadan”.

Bulsho si ay u garato cidda xigta iyo cidda kale, marka hore waa in iyaddu is garataa, nooca bulsho ee ay tahay, mabda’a ay haysato, iyo ujeedadda ay u nooshahay. Inagu ma muslim baynu nahay oo muslimkaa ina xiga, ma madaw baynu nahay oo madawgaa ina xiga, ma afrikaan baynu nahay oo afrikaankaa ina xiga, ma cidda caloosha wax inoogu ridda baynu is nahay. Caqiidadda Islaamka waxa ku jira wax la yidhaahdo Al-walaa Wal-baraa, oo sheegaysa qofka muslimka ahi cidda uu xigtaysanayo iyo cidda aanu xigtaysanayn. Markaa inagu waxaynu aaminsan nahay in muslimku, ama ha caddaado ama ha madoobaado, ama Afrika ha ka yimaado ama Ameerika inuu xigto inoo yahay ee aynaan is xejin sida ay ina farayso caqiidada Islaamku. Wax la isku xidhiidhiyo ama la isku xigtaysto mabda’a baa ugu qaalisan. Laakiin, cidda aaminsan in la is xejiyo hadba ciddii danta calooshu inala gasho, iyadaa cirka roob ku og. Ilaahoow aanu caqligu caloosha naga gelin.

Mar kale qoraaga wuxuu ku yidhi qoraalkiisa, “Malaysiya iyo indooniisiya oo muslim ah baa dhaqaalaha meel wacan ka gaadhay, iyo Bakistaan baa nukliyeer samaysatay, ma ah wax dooddan nuxur u leh. Malaysiya iyo Indooniisiya waxqabadkooda kama ay keenin in ay shareecadda ku dhaqmeen ama casrigii Rasuulka ku noqdeen, waxayse qayb ka tahay hannaanka dhaqaalaha xorta ah ee caalamka”.

Hadalkan qoraaga waxaa ka muuqata, halka ay gaadhsiisan tahay aragtida qoraageenu oo ah, kow, in cidda shareecadda ku dhaqantaa aanay dhaqaalaha meel wacan ka gaadhi Karin. Laba, in cidda shareecadda ku dhaqantaa ay dib ugu noqdeen casrigii Rasuulka, taas oo macnaheedu yahay, shareecaddu lama jaan qaadi karto casrigan la nool yahay. Waa inta reer galbeedkuba inoo sheegaan markay u badheedhayaan inay aflagaadeeyaan Islaamka.

Hadaba, taariikhdu miyaanay werin qarniyo dhan oo dawladihii muslimka ahaa ee shareecadda ku dhaqmayey ahaayeen kuwii ugu awoodda badnaa, uguna dhaqaalaha wacnaa, inta badan awooda iyo dhaqaaluhu maba kala hadhaan. Ilbaxnimadda Islaaamku Miyaanay adduunka hormuud u ahayn in ka badan 900 oo sanadood. Yaa adduunka keenay waxa loo yaqaan suuqa xorta ah oo muslimku isticmaalayeen boqolaal sanno ka hor. Laakiin la yaab maaha, in garaadka dadka daymadda dhaw ay la ashqaraaraan ama ku dhex dawakhaan hadba waxa maalintaa la joogo u muuqda, halka, taariikhda iyo sooyaalka dunnidu yahay macallimka ugu weyn ee nolosha, laakiin nasiib daro, iyaga macne uguma fadhiyo oo ishay la garaad yihiin.

Weydiinta kale waxay tahay, shareecadda oo lagu dhaqmaa, ma casrigii Rasuulka oo lagu noqday baa?. Islaamku waa diin iyo manhaj samaawi ah oo Ilaahay bini-aadamka soo raaciyey, laakiin aan ku koobnayn casri gaar ah iyo meel gaar ah toona.

Islaamku ma muxuu taliyey casrigii Rasuulka oo keliya, mise taariikhdu waxay werisay inuu hormuud u ahaa nolosha cusuur badan. Yaase dib u heli kara casrigii Rasuulka ee dahabiga ahaa. Waxa kale oo is weydiin mudan, maxay reer galbeedku xoog iyo xoolo waxay hayeen ugu hor taagan yihiin ku dhaqanka shareecadda, haddii aanay ogeyn in Islaamku saamayn la taaban karo ku lahayn nolosha cusuurtan la joogo, amase aanayba u baqayn inuu meesha ka saaro ilbaxnimadooda madhan ee maadadu diinta u tahay. Imisaynu u soo taagnayn haddaan la dafirayn, indhahana aan la iska ridayn, saynisyahan, mufakir iyo indheergarad u dhashay Yurub iyo galbeedka oo Islaamka qaatay, ka dib markuu ku qancay aqoonta ku duugan Islaamka. Halka qaar muslim sheeganayaa ay la soo taagan yihiin, intay indha-adayg ka qabaan, Islaamka aqooni kuma jirto, Islaamku nolosha saamayn kuma laha iyo Islaamku masaajidka ha ku ekaado. Waxaynu maqli jirnay, cimrigaaga oo dheeraada, geel dhalayana waa ku tusaa.

Dr.Michael Harth oo ah aqoonyahan aad ugu xeel dheer Sayniska isla markaana shahaadada PHD oo dhinaca xidigiska ah (Astronomy) ka diyaariyey jaamacadda Princeton ayaa daraasad uu muddo dheer waday oo uu ku eegayey hoggaamiyaashii dunida soo maray iyo saamayntooda, waxa uu ku qiray in Nebi Maxamed (NNKHA) uu yahay hoggaamiyaha ugu weyn uguna saamaynta badan ee illaa haddaa inta la ogyahay soo maray adduunka. Dr Harth, wuxuu yidhi, “Muxammad waxa uu dhidibada u taagay diin ka mid ah diimaha ugu waaweyn ee dunida, waxa aanu noqday hoggaamiye siyaasadeed oo caalamiya. Illaa maanta oo ay dhimashadiisii ka soo wareegtay in ka badan 14 qarni, weli saamayntiisu waxay u xoog badan tahay siday ahayd markii uu noolaa” Dr Harth, wuxuu kale oo yidhi “Nebi Muxammad wuxuu kaga duwan yahay Nebi Ciise, Nebi Muxammad muu ahayn oo keliya hoggaamiye diini ama ruuxi ah ee waxa u dheeraa in uu ahaa hoggaamiye awood badan oo dhinaca nolosha iyo adduunyada. Waxaana taas daliil u ah guushii uu ka gaadhay ballaadhintii awoodda maamul ee Islaamka iyo furashadiisii dhulalka badan. Marka aan taas eego waxa uu Nebi Muxammad noqonayaa hoggaamiye dunida sooo mara kii ugu weynaa, waxaana uu mideeyey laba arrimood oo aanay jirin cid kale oo midaysay. Waa saamaynta ruuxda iyo saamaynta adduunyadda. Taas oo ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu weynaa ee basharka soo mara”.

Mar kale qoraaga wuxuu ku yidhi maqaalkiisa, “reer Bakistaan iyaguna nukliyeerka ma daahfin, Quraankana kama ay soo saarin, ee waa aqoon ay Yurub ka soo barteen. Sidaa darted, xaaladda dalalkaas midna diin waxba kama gelin, mana ahayn in waxyaalo aan shuqul isku lahayn la isku cayn iyo bayd gooyo”

Qoraaga halkan wuxuu sii waday aragtidiisii ahayd, cidda Quraanka iyo diinta qaadataa in aanay nolosha waxba ku soo biirinayn. Waxa lala dhacsan yahay oo lala ashqaraaray ilbaxnimadda Yurub ee maanta gacanta sare leh. Waana siduu yeeli lahaa garaad kasta oo daymo dhaw, indho furana aan ku eegin sooyaalka dunida.

Weydiintu waxay tahay, ilbaxnimadda Yurub lafteedu xagay aqoonta maanta martida looga yahay ka keentay. Ma waxa jirta ilbaxnimo keligeed ka baxday gawaan cidla ah iyo meel gabaahiir ah oo aan wax ka baran isla markaana aan dhaxlin ilbaxnimooyinkii iyada ka horreeyey. Bani-aadamku ilaa maalintuu duurgalka ahaa ilaa maanta oo ay hagayso tiknoolajiyadda casriga ahi, wuxuu soo kala dhaxlayey aqoonta iyo horumarka nolosha, oo qoloba meel soo gaadhsiisay. Waxaynu maqalnay oo taariikhda dunida soo maray ilbaxnimooyinkii Beershiya, Mesobataaniya, Masar, Giriiga, Roomaanka, Hindida iwm.

Ilbaxnimooyinkii ugu wakhtiga dheeraa, uguna horumarka badnaa inta la ogyahay, waxaa kow ka ahayd, ilbaxnimadii Islaamka oo aduunka ka talinaysay wax ku dhaw kun sanno. Waxay soo kordhisay iyo horumarka ay gaadhsiisay nolosha aadahana, waa xaqiiqo sugan oo ka muuqata taariikhda dunida iyo nolosha dadka. Tusaale basiid ah, jaamacaddii ugu horraysay ee aduunku yeesho waxaa laga asaasay Maqrib ama Marooko markii xadaaradda Islaamku gacanta sare lahayd. Jaamacaddaha oo aynu ognahay inay yihiin goobaha aasaaska u ah aqoonta. Sidoo kale yaa aasaasay dhakhtarkii ama goobtii caafimaad ee ugu horraysay dunida. Dabcan muslimiinta ayaa aasaastay, hala akhriyo taariikhda, markii islaamku ka talinayey dhulkii la baxay Ondolos oo ay ka mid ahayd dhulka haatan loo yaqaan Spain.

Markaa maaha in lagu dhex waasho Ilbaxnimadda reer Yurub oo aynu ognahay in aanu wakhtigeedu sii fogeyn. Waxa ku duugan taariikhda, inay ahayd qarnigii 15aad, markii badmaaxyaddii ugu horreeyey ee reer Yurub bilaabeen nolol raadis. Waxaynu kaloo ognahay inay ahayd qarnigii tegey horraantiisii markii Yurub is xasuuqaysay, gaajona ay qaxwayn weyday. Markaa waa sunnaha nolosha in hadba ciddii maalintaa dabkoodu baxayo wax laga barto, waana sidday dunidu ku soo hormartay. Markaa la yaab maaha in Bakistan maanta wax ka baranayso Yurub, Yurubna ay shalay wax baranaysay, berina laga yaabo in cid kale wax laga barto.

Waxa kale oo xusid mudan in Islaamku dhiirigeliyey in aqoonta la kala faa’iidaysto, waxna la kala korodhsado. Waxaynu naqaanaa in Islaamku ina faray in cilmiga la raadiyo xataa Shiinahana ha noqoto meesha loo doonanayaa. Wakhtiga Islaamku sidan lahaa, Shiinuhu dabcan wuu fogaa, mana ay jirin dal-dhaweeyayaasha maanta dunida soo koobay. Markaa Islaamku marna muu diidin in wax laga baran karo, reer galbeed iyo reer bari toona. Markaa waa in runta sidaa fudud loo arkaa iyadoon indhaha xabag la marsan, dhegahana la furaysan. Mana haboona in loo dhaqmo sidii arday isagu imtixaanka isu saxaya.

Mar kale qoraaga wuxuu ku yidhi maqaalkiisa “Talada hagaagsani waa isu dheelitirka ilaashiga ahaanshaha dhaladka ah, ku dhiirashada fikir iyo tallaabo cusub, iyo ku danaysiga waxqabadka aqooneed iyo farsamo ee Yurub, oo ah guusha ugu weyn ee weligii aadamigu dhulka dushiisa ku xaqiijiyey”.

Halkan, waxaynu qoraaga uga marag kacaynaa, guusha weyn ee Ilbaxnimadda reer Yurub dhulka dushiisa ka xaqiijisay, waase marka aynu isa soo taagno, waxna ka eegno daaqada yar ee qoraagu jecel yahay inuu wax ka arko. Haddiise Ilbaxnimadda Yurub la wada akhriyo oo indho fayow iyo caqli dhexdhexaad ah lagu qiimeeyo, waxaa inoo soo baxaya. Kow, in ay run tahay in aduunka guudkiisa ay ka xaqiijiyeen horumar nololeed oo aan la dafiri Karin. Laba, in ilbaxnimadda Yurub ay eber ka tahay dhanka ruuxiga, taas oo ku ridday madhnaan iyo macne la’aan, waana ta keenay in wax kasta lagu qiimeeyo danta maadiga ah oo keliya, waa ta keentay, iyagoo haysta wax kasta oo raaxo adduun ah, haddan aad maalin kasta maqlaysid intaas oo qof baa is dilay, ileyn waa xadaarad qalfoof ahe . Sadex, waa ilbaxnimaddii xaqiijisay xasuuqii ugu badnaa ee abid ka dhaca dunidda guudkeeda, malaayiin iyo malaayiin baa ku dhintay waxa loo bixiyey dagaalkii koowaad iyo kii labaad. Afar, waa ilbaxnimaddii ugu anshaxa xumayd ee tidhi ragu ha is fuulaan, dumarkuna ha is fuulaan. Markaa waxa fiican in taariikhda iyo xadaaraddaha si dhamaystiran loo akhriyo, ee maaha inta daaqad yar la furto in siidhi weyn la afuufo.

Qoraaga waxaa si weyn iskaga khaldan, amase uuba u badheedhay, in uu kala saari karo mabda Islaamka ee ay muslimiintu haystaan iyo muslimiinta laftooda. Waa run sida qoraagu sheegay, in muslimiintu dib dhacsan yihiin, qayrkood ka hadheen, maskaxda aanay isticmaalin una fekerin sidii loo baahnaa, si ay nolosha wax uga taransadaan. Waase aqoon darro iyo indho la’aan, in la yidhaahdo muslimiintu way dib dhaceen diinta ay haystaan awgeed. Ama waa la dib dhacayaa haddii shareecadda lagu dhaqmo, oo waa waxa iminkaba haysta muslimiinta.

Markaa waxa fiican in wax la soo akhriyo, taariikhdana la daraaseeyo, wax maangal ahna lala shir yimaado. Su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay, ma la hormarayaa haddii diinta laga tago, oo diinta iyo dawlidnamada la kala ilaaliyo sida qoraagu ku doodayo iyadoon la samayn dadaal nololeed?. Yurub markay diinta iyo dawlidnamadda kala saareen, maxaa ka jiray kaniisadda, diinse ma lagu hayey?. Taariikhda ma lagu hayaa cid diintoodii ku dhaqantay iyagoon kala saarin diintii iyo dawladnimaddii haddana horumar nololeed sameeyey? Muslim ahaan ma aaminsan nahay warka Ilaahay ee ah in Islaamku yahay mabda’a dhamaystiran oo nolosha ku filan diin ahaan iyo dawlad ahaan, mise waxa inoo furan dood aynu kaga hor imanayno warka Ilaahay? Su’aalahan jawaabahooda waa iska cad yihiin, waana su’aalo si gaar ah ugu waajahan qoraaga.

Waa qalinkii Mukhtaar Xaaji Cabaydh
mxcabaydh1@hotmail.com

mukhtar

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Jawaab; Maqaalka Godobaynta Garashada ee Ibraahim Hawd. "

  1. aAxmed Deeq says:

    Mukhtaar Xaaji Cabaydh

    walaal marka hore salaan diiran salaamu calikum marka 2aadna afkaaga caano lagu qabay allaah kaa ajarsiioyo sida xikmada leh aad ugu jawaab celisay iyo daliilasha ayaadaha quraan aad u soo daliishatay, kaliya Howd waxaan ugu dari lahaa yurub waxaa ka jira wariyayaal ay u baxsaday Tablod report waxba lagama aqristo dadka dhalintarada iyo dadka caamada uun baa jecel fadeexooyinkas iyo war xumada ay tashiilayaan, Howd tabloid report uun buu somalida u sharxayaa iyo dhaliilaha aan cilmi ku salaysnayn, ugu weli ayaadii alle swc ku yiri gaalada WALATAC LAMAHUNA BAXDA XIIN
    imisa aqoon yahan scines iyo physics heer ka gaarayn oo cilmi intaas oo sano baranayayn waqti badan ku lumiyayn baaris islaamka illaahay ka siiyay meel fudud looguna shaygay kitaabkoodas ka dibna islaamkii qaatayn nimankaas ay arkayn xaqiiqdii WALATAC LAMAHUNA BACDA XIIN
    WALAAHU ACLAM