Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo u ambabaxay Dalka Burundi

Muqdisho, 14, October, 2014…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo gelinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal shaqo oo ku tagay Puntland ayaa u ambabaxay dalka Burundi, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.
unnamed (5)

Ra’iisul Wasaaraha waxaa isaga iyo wafdigiisa garoonka ku sii sagootiyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo masuuliyiin kale. Inta uu ku suganyahay dalka Burundi waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaas, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, adkeynta xiriirka labada dal iyo ka wada shaqeynta amniga gobolka.

Cabdiweli Sheekh Axmed oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Muqdisho ayaa yiri.

“Waxaan kasoo laabtay safar shaqo oo ku tagay Puntland oo ujeedkiisuna ahaa si loogu kuurgalo xaaladda dalka, loolana tashado dadka laguna kaalmeeyo maamul dhis/dib-u-dhis iyo dhiiri-gelin federalaynta, Waxaan boganay safar-guuleed oo illaahay nagu nabad-yeelay anna kala kulanay natiijooyi wax tar leh. Ugu danbayntii, waxan kala saxiixanay heshiis nuxur leh oo iskaashi, wada-tashi iyo is-kaalmeysi ku dhisan”

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelladii ay ka baxeen dadkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxii kooxaha Argagixisadu ka gaysteen Maqaayadda Aromo Caffe. Wuxuuna geesta kale boggaadiyay guulaha is-daba jooga ah ee ay ciidamadda Xogga dalka iyo kuwa AMISOM ka gaareen howlgallada ka soconaya gobollada dalka.

—DHAMMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: axmednuur59@gmail.com
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPm

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.