Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo si weyn loogu soo Dhoweeyey Magaalada Qardho

unnamed (1)
Garoowe, 13, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Puntland ayaa booqasho ku tegay magaalada Qardho iyagoo ka jawaabaya casumaad uga timi Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.Saraakiisha degmada, waxgarad, arday iyo haween ayaa si heer sare ah Ra’iisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyey magaalada Qardho.Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa weheliyey madaxda sare ee Puntland oo ugu horreeyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

unnamed

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa dadkii ku soo dhoweeyey Qardho kula hadlay meel fagaare ah oo ku taalla bartamaha magaalada, waxana uu ka mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen isagoo sheegay in taasi ka tarjumeyso sida dadka reer Qardho ay u jecel yihiin Soomaalinimada iyo midnimada dalka.Mudane Cabdiweli ayaa dadkii u soo baxay ee uu hadalka ku jeedinayey u gudbiyey salaan ka timi Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka.

“Waxaan mahad ballaaran u celinayaa dad weynaha sharafta badan ee reer Qardho ee ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee maanta sida weyn halkan noogu soo dhoweeyey. Runtii soo dhoweyntan waxay muujinaysaa midnimo iyo sida aad u jeceshihiin in la adkeeyo wadajirkeenna. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

unnamed (4)

“Booqashadan ma noqoneyso tii ugu danbaysay ee marar badan ayeynu isu soo noqon doonnaa. Waxaan filayaa in madaxda Puntland ay iman doonaan Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, anaguna ku soo noqon doonno Puntland”.

Ka dib markii Ra’iisul Wasaaruhu dadka reer Qardho kula hadlay meel fagaare ah, waxaa loo galbiyey hoyga Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxana ay halkaasi ku qaateen kulan, iyadoo markii ay wada hadaladu u dhammaadeena wafdiga loo galbiyey madasha qada-sharafta oo lagu qabtay degaan uu dhowaan roob qabtay oo ku yaalla duleedka magaalada.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa qada-sharafta ka dib hadal u jeediyey dadkii ka soo qayb-gashay casumaadda, waxana uu sheegay in safarkiisu uu bilaw u yahay is-dhexgalka iyo wada shaqaynta Dawladda Dhexe iyo qaybaha dalka. Mudane Cabdiweli ayaa sheegay in uu soo gaabinayo booqashadiisa Puntland oo qorshuhu ahaa inuu ku tago magaalooyinka ay ka mid yihiin Boosaaso iyo Gaalkaayo, laakiin shaqooyin kale oo qaran darteed uu u baajiyey booqashooyinkaasi, isagoo ballanqaaday in uu xilli kale booqadan doono.

 

Ugu danbayntiina, Boqor Burhaan Boqor Muuse oo soo khatimay munaasibadda qada-sharafta loo sameeyey Ra’iisul Wasaaruha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed Illaah uga baryey in uu quluubtooda mideeyo, waxan uu qaranka u rajeeyey nabad, midnimo iyo horumar ballaaran.

1

DHAMMAAD

Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Garoowe-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.