Home » Warar »

Kooxo Hubaysan oo Dhaawc u geystey Wariye Cabdirisaaq Black oo u Shaqeeynayey T.V.ga Somali Channel.

wariye
Xaaladda Wariye Cabdirisaaq Jaamac Cilmi (Black) ayaa iminka soo hagaagaysa ka gadaal markii subaxnimadii hore ee saaka Kooxo Hubaysan Rasaas ay ku fureen gaari uu watay. oo markaaku sugnaa Suuqa Bakaaraha. Wariyahan oo u shaqeeya T.V.ga Somali Chanel ayaa ku sii jeeday Goobtiisa Shaqo xiligaa ay rasaaseynayeen kooxdaas Dableyda kuwaasoo dhowr Xabadood kala helay Caloosha iyo Gacmaha

Cabdirisaaq ayaa iminka yaala Isbitaalka Madiina halkaasoo qaliin dhinaca Caloosha ah lagu samaynayo kaasoon darneyn ama uusan dhaawiciisu ahayn mid halis ah sida ay noo sheegeen Rag ay Y.V.gaas ka wada shaqeeyaan oo goor dhow ku booqday Saalada Isbitaalka Madiina.

Weerarka lala beegsaday Wariyahan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay Saxafiyiinta ka hawl gala magaalada Muqdisho iyagoona xukuumadda ugu yeeray inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigto raggii weerarkaas geystay Sharcigana la hor geeyo.

Si kastaba indhawaalaba waxaa hoos u dhac ku yimid Ugaarsigii loo gaysan jiray Saxaafadda iyadoo dhacdadan ay noqonayso Dhacdadii Labaad ka dib markii Bishii June ee Sannadkaan Qarax Bam lagu diley Wariye Yuusuf Keynaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.