Home » Maqaallo »

Askar badal ah

axmeedShaqaaluhu waxay u kala baxaan kuwo si buuxda cid ugu shaqeeya oo waqtigooda oo dhan ciddaasi leedahay ama ku takrifalayso iyo shaqaale dadka u dhexeeya oo ciddii u timaadaba shaqo u qabta, sida: harqaanlaha ama kabatolaha iwm.

Askartu waxay ka midyihiin shaqaalaha sida buuxda ugu shaqeeya cidda ay askarta u yihiin, loomana oggola inay cid kale u shaqeeyaan ama amar ka qaataan, waxayna diyaar u yihiin inay shaqadii loo diraba qabtaan, saacaddii loo baahdana hawlgalaan, meeshii loo dirana ka hawlgalaan.

Waxaa kale oo dhacda in askarigaas loo badalo deegaan ka fog kii uu ka hawlgali jirey ama shaqo waqtiyaysan loogu diro. Waxaa kaloo dhaca in shaqada uu hayo laga badalo oo shaqo kale oo cidda uu askariga u yahay u baahantahay loo diro.

Dhinaca kale dowladda ama hay’adda askarta qoranaysa waxay leedahay cadow ay la dirirto oo ciidanka u qoranayso, ciddaas ay colka la tahayna siyaabo kala duwan ayay ula dirirtaa, dhinacyo kala gaar ahna way kala dagaalantaa, habab iyo hubab kala jaad ahna way kula dirirtaa, taasina waxay keenaysaa inay askarteeda u adeegsato hadba sida iyo meesha ay ka dagaalgalayso.

Hordhacaas ka dib quruumaha, dowladaha iyo hay’adaha diinta islaamka la dirira dadka arrintaas uga sahqeeya waxay u adeegsataa sida askariga loogu adeegsado hadba nooca dagaal ee ay galayso.

Innaga (Somali), diinteena iyo daneheena istiraatiijiga ah waxaa loola dagaalamay habab kala duwan, waxaana lugula diriray hubab kala jaad ah, waxaana dagaalkaas loo adeegsaday askar hadba sidii iy meeshii la doono ka dagaalgali karta.

Hal nin oo askartaas ka mid ah oo waajibkiisa dagaal yahay inuu la diriro shacabka soomaaliyeed, diintiisa iyo danihiisa ayaa laga soo dagaalgaliyaa dhinicii la doono ama loo dagaalgaliyaa habkii la doono ama waqtigii la doono isaga oo isticmaalaya hadba dhinacaas iyo meshaas hubka u munaasibka ah, una xiranaya shaatiga ku munaasibka ah.

Nin qur ah oo askartaas ka mid ah ayaa la dagaalanka diinta u isticmaalaya magacyo iyo halkudhegyo kala duwan oo labaduba
dilaa ah isaga oo marba shaati gaar ah xiranaya. Tusaale ahaan: ninkan wuxuu dulfadhiyaa KUMBUYUUTARKA iyo INTERNETKA, wuxuuna akhriyayaa wax kasta oo lugu faafiyo, ka dibna qoraallada shaqadiisa khuseeya ayuu mid walba ku qorayaa faallo (comment) shaqadiisa waafaqsan. Wuxuu kaloo isagu qorayaa oo faafinayaa qormooyin shaqadii loo soo diray ah oo saaxiibbadiisna lasii faafiyaan ama u comment-gareeyaan ama ciddii ka jawaabta ay usii jawaabaan; si shaqada askarigaas loogu muujiyo fikrad shacabku aaminsan yahay ama la saxan.

Mar waa shabaab, mar waa wadaad suufi ah, mar waa wadaad salafiya jadiida ah, mar waa qabiil hebel, mar waa gobol hebel, mar waa cilmaani ama casraani kasoo minguuriya buugaagtii nimanka diinta ka dhumay (si kale kuma garatide waa jirjirroole) hadba midab isu yeela. Ha beensan ragga maanta difaacaya buugga “xadka riddada maxaa ka run ah” inay yihiin raggii shalay difaacayey Al-shabaab.

Waxaa kale oo dhacda in hal askrai leeyahay labaatan ama soddon account oo leh magacyo kala duwan oo uu marba mid kusoo galo, waxna ku qoro; si dadweynaha masaakiinta ah loo moodsiiyo in dad badani fikraddaan qabaan ama difaacayaan, dhab ahaana waa hal nin oo magacyo badan qaatay oo hadba dhinac kaaga imaanaya sidii kadafjiirkii ama digiirankii ay bakaylaha is galeen!.

Gabagabadii waxaan usoo jeedinayaa dadka wax qora ama wax ka akhriya internetka in aysan ku kadsoomin qoraalada iyo comments-ka faraha badan ee netka lasoo dhigayo ee wata magacyada iyo halkudhegyada kala duwan, ayna ogaadaan inay wuxu yihiin akar badal ah oo shaqooyinkii hore ka dhamaadeen oo loo soo badalay qaybta “difaaca shaydaanka iyo dadka diinta ka baxa” ayna gartaan inay tahay shaqo askar tiro yari qabanayso, ayna hadba dhinac kasoo galayaan. Tan kale waa in lasiiyo jawaabo ku habboon dadka noocaas ah ee aysan ina galin iska daba wareeg iyo muran faaruq ah.

Sh. Ahmed Cabdisamad

alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.