Home » Faallo »

SANNAD GUURADII 60aad: 1954-2014 CALANKA QARANKA SOOMAALIYEED

October 12, 2014

calan75In badan oo naga mid ah kuma baraarugsana maalmaha qaranka, waxaana haboon in mar weli baa an is xusuusino maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya shacabka soomaaliyeed si ay u ogaadaan jiilka yar yar ee maanta soo koraya sidaasi darteed waxaa maanta xusid mudan in ay tahay 12kii Oktoober 2014 kuna  beegan sannad guuraddii 60aad ee helida astaanta  calanka qaranimadda soomaaliyeed , nasiib wanaag muddo dheer  oo dadweynaha soomaaliyeed ay ku jireen dagaal sokeeye oo aan dhamaad lahayn , nabadgalyo xumo,gaajo abaar is daba jog ah iyo cudur, nasiib wanaag xuskani wuxuu ku soo beegamay xili dowladnimo u dhalatay  shacabka soomaaliyeed, isla markaasi na gobaladda dalka oo laga xureeyey kuwa nabad diidka ahaa, dowaladda maanta inoo dhisan oo laga la rajeynaayo in ay soo af jarmaan colaaddii iyo amaano daraddii dalka ka jirtay oo ay aad u adkeed in dadka dhibaateysan in la gaarsiyo gargaar deg deg, maxaa yeelay dalka waxaa soo marab abaaro isdaba jog ah,  isla markaasi na  waxaa laga filayaa barlamaanka cusub inuu noqdo kuwa u adeega danta shacabka soomaaliyeed oo  ay ka fogaadaan wax alla wixii khilaaf keeni kara taasoo guud ahaan dan u ahayd dadka dan yarta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo kuwa ku dac dareysan dibadda ba.

Haddaba waxaan hambalyo iyo boogaadinba halkaani ugu soo dudbinayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dhibadda ba  iyo madaxda dalka maanta hogaamineysa waxaana ku boorinayaa in xilka culus ay shacabka soomaaliyeed u hayaan inuu ilaahay waafajiyo waddada  xaqa ah  isla markaana noqdaan kuwiii maamulka dowladda oo shacabka ku aaminay in ay  ku hogaamiyaan cadaaladd iyo sinaan iyo midnimo, kana fogaadaan musuqmaasuq,qabyaaladda, dulmi  iyo lax jacleysi maadama maanta dalkii kuwii dhibta ku haayey oo nabad diidka ahaa inta badan gobaladda dalka laga xureeyey, sidaasi darted waxaa looga baahan yahay dhallinyaradaasi la madax dooriyey in dhaqan celin loo sameeyo maxaa yeelay dhallinyaradu waa tiir muhiim u ah horumarka dalka isla markaasi na dawladdu waa in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka iyagoo  wax waliba ay ka hormariyaan maslaxadda guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed,waxaan aaminsanahay haddii la helo maamul hufan oo xalaal ah in laga bixi doono dhibaatadda iyo jahawareerka ee dalka muddada dheer ku jiray, lana gaari doono horumar iyo barwaaqo taasoo masuuliyadeedda dusha uu ka saran yahay dhamaan qof weliba oo damiir soomaalinimo leh.

 

Sida la wada ogsoon yahay calan walba wuxuu taagan yahay ama  astaan u yahay  qaranimadda dalka uu leeyahay,  calankeena  buluuga (cirka oo kale ah) iyo xiddigta  cad ee dhexda kaga taala  ay astaan u tahay jiritaanka  ummadda soomaaliyeed oo isticmaarka u qayb qaybiyey shan qaybood .

Calanka soomaaliyeed oo ah astaan qurux badan markii ugu horeysay taariikhda marka ay ahayd 12 Oktoober 1954 la soo saaray, waxaana alifay ilaahay ha u naxriistee marxuum  Maxamed Cawaale Libaan

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa wadani ah  aragtidiisa ay fogtahay , isla markaasina  soomaalinimada ay ku weyntahay, xiligaagi na wuxuu ahaa guddoomiyiha ururka shaqalaha soomaaliyeed wuxuuna ku micneeyey caloanka sida tan hoos ku qoran;

Xiddigta cad ee bartamaha kaga taala calanka qaranka soomaaliyeed waxay xambarsan tahay micno weyn oo ah soomaal weyn  waxaa   loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed. waxeyna mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii reer  yurub ay u  kala qeybiyeen 5 qaybood oo kala: Koonfurta soomaaliya oo xiligaasi gacanta ku haayey dalka Talyaanioga, waqooyi galbeed , soomaali galbeed oo hadda itoobi ay ka  tirsan tahay  gacanta ugu jirto  iyo waqooyi bari N.F.D oo hadda heysato Kenya , xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingriiska iyo Somali Djabouti oo xiligaasi maamulaayey dowladda Franciiska, midibka cadka ahna wuxuu ku micneeyey nabadgalyo , buluuga na wuxuu ku tilmaamay barwaaqadda dalkeena uu leeyahay

 

Markii uu soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaadka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafay muxaafid iyo mucaaridba calanka uu soo ban dhigay Maxamed Cawaale Libaan, hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii  talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu egyahay calanka dalka Zair sidaasi darted aan la ogoleen calan dal leeyahay in la qaato , dhanka buluugana uu kaga egyahay Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa , hasayeeshe Maxamad Cawaale liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid dahab huruud ah tan Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa ay isku mid ahayn, sidaasi darted maamulkii xafiiska basaabka ee Muqdisho waa ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

Halgan  dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan , kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism” .

Calanka qaranka soomaaliyeed oo maanta 60 sano jirsaday , wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galy, halgankaasoo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL  kuwaas ka soo horjeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha  .

Waxaan jaclahay in aan si koob u xus halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degaayo 60 guuraddii calanka astaanta u ah qaranimadda shacabka soomaaliyeed , taasoo aan uga dan leeyahay,  jiilka maanta soo koraya in ay fahmaan dhibaatadda loo soo maray xurnimadda maanta aynu haysano , runtii xurnimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag , sidaasi darteed waxaa loo bahan yahay in dhallinyaradda maanta jira in ay ku daysadaan doorkii wax ku oolka lahaa ee dhallinyaraddii soomaaliyeed ka soo qaadatay  xurnimadda.

Dhalllinyaro ka kooban 13 , waxaa u suurta gashay  markii ugu horeeyey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943 kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday  halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah , sidii  loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd , sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed , Maanlintaasi  oo ay dhaceen dagaalo ba’an  oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale

Maantaasi waxaa dalka ku  sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood  waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo  1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar  Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda la magac baxday Patriotic Beneficient.

Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar , Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacbka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qashe heestiisi calanka oo ah : Qolobaa calankeedu waa ceynoo , innaga keenu waa cirkoo kale e. Taasoo abaalkeedu ay leeyihiin dhallinyaraddii u soo halgantay xurnimada maanta aynu harsaneyno.

Haddaba waxaa looga baahan yahay hogaanka dowladda uu hooseedka ka yahay madaxweyne Prof. Xassan Sheekh Maxamuud iyo maamulka guud ee dowladda laga filayaa in ay soo celiso sharaftii calanka iyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed, waxaan maamulka dowladdu aan kula dardaarmayaa in la xoojiyo dhismaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed si looga marmo ciidamaha shisheeyey ee maanta dalka ku sugan waxaa horey loo yiri “biyo gacmahaagi ayaa looga dhargaa” sidaasi darteed waxaa mar na la hureynin in dalka uu yeesho ciiddan dalkiisa iyo dadkiisa ba difaacan kara waxaana aaminsanahay dhismaha ciiddanka xooga dalka soomaaliyeed ay ka kharaj yar tahay ciidan shisheeye oo dibadda laga keenay.

Gabagabadii qoraalkeygii  oo ku saabsan sanad guuradii 60aad ee calanka qaranka soomaaliyeed waxaan halkaani dhambaal hambalyo ah u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay  joogaan, waxaana u rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo .

boolay174

Waxaa soo diyaariye

Cabdulkadir Cali Bolay

E mail :bollay@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.