Home » Warar »

Gudashadii Xajaka oo guul ugu soo dhamaatay Muslimiinta

unnamed (1)Dowlada Sucuudiga ayaa sheegtay in si guul ah ugu soo dhamaaday
Xujeydii timid Makkah sanadkaan, iyadoo in ka badan labo milyan oo qof
ka soo daafaha caalamka sanadkaan.
Dowlada Sucuudiga ayaa xil weyn iska saartay sidii loo yareyn lahaa
khasaarooyinka ka dhasha ciriiriga xad dhaafka  ah ee ka jira Dawaafka
Kacbada iyo Dhagax tuurka, waxaana dowaldu diyaarisay ciidamo aad u
faro badan oo habeen iyo maalin u taagnaa in ay hagaan Xujeyda,
Sanadkaan waxaa qayb weyn ka qaatay yaraynta ciriiriga iyo safarada loo kala aadayey Carafa, Mina iyo Xaramka, Train dadka u kala daad
guraynayey goobahaas.

Sawiradda Xajjka halkaan ka daalaco

Soomaalida waxaa sanadkaan ka soo xajiyey in ka badan 7,000 oo Xujey
ah oo ka kala yimid dhamaan 18 gobol ee Soomaaliya, waxaan ay sheegeen
howl wadeenada xujeydu in ilaa sadex Xujey  oo Soomaali ah ay siyaabo
kala gadisan ugu dhinteen Makkah ilaa iyo intii Xajku biloowday,waxaa
sidoo kale jira dad ay dhaawacyo iyo jabniin ka soo gaareen is
buurashadii iyo cariirigii ka jiray Dhagax tuurka,Dawaafka  Kabcada
iyo jidka dheer ee u dhaxeeya Carafo iyo Mina.

Sawiradda Xajjka halkaan ka daalaco

Xajku waa cibaado u baahan in qofku uu leeyahay awood uu ku socdo
masaafo dheer, ugana hortago ciriiriga goobaha qaar, waxaana waayeel
badan kala kulmaan dhibaatooyin xiliga Xajka. Waxaa sidoo kale
sanadkaan cabsi laga qabay in cuduro ka dilaacaan Mina iyo Musdalifa
oo la dagaanaado mudo shan maalmood ah, balse nasiib wanaag wax Hargab
ka weyn oo dadka ku dhacay ma jirin intii ay ku guda jireen saxadii
xumayd ee ka jirtay Teenooyinka Mina iyo Musdalifa oo in ka badan 150
Xujey ah wada daganaadaan hal teendho.

Shalay ayaa si raaxo leh muslimiintu ku soo dhamaysteen xajkooda,
waxaana durbaba laga dareemayaa magaalada Makkah safaro loo kala
galayo dalalkii ay dadku ka soo xajiyeen iyo Madiina oo dadka qaar ay
ku tagayaan booqasho.

Sawiradda Xajjka halkaan ka daalaco

Xaaji Diraac Salaad Fagaase
Makkah Sacuudi Carabia
Diraacsal3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.