Home » Warar »

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo Daafurey Olole looga hortagayo Cudurada Jadeecada Iyo Dabeysha

Ololahaan oo si rasmi ah u Bilaaban doono 11-15 Oktoobar 2014

unnamed (14)Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa waxaa uu Daahfurey Ololaha la doonayo in Caruurta ka yar Shanta Sano laga talaalo Laba Cudur oo kala ah Cudurka Jadeecada iyo midka Dabeysha,waxaana Ololahaa Xoogiisa uu ka bilaabanayaa Gobolka Banaadir iyo Gobolka Jubada Hoose oo ah laba Gobol oo laga soo Calaamadeeyey Xanuunadaas .

Halkaan ka daalaco sawirada kulanka

Ugu Horeyn waxaa halkaa ka Hadley Saciid Nuuriye Shire oo ah Madaxa Baraarujinta Caafimaad ee Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxaa uu sheegey in mudooyinkaan ay wadeen Olole Wacyigelin ah oo ku aadan Cudurka Jadeecada taasoo uu sheegey in ay u Marsiinyeen Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta si Bulshada ugu baraargaan Dhibaatada Cudurku u geysto Caruurta ka yar Shanta Sanno.

Munaasbadaas lagu daahfurayey Ololahaas ayaa waxaa kale oo ka hadley Madaxa Mashruuca Talaalka Dr Yaasiin Nuur Bile oo halkaas ka jeediyey Warbxin ku saabsan Cudurada Jadeecada iyo Dabeysha isagoo sheegey laga soo bilaabo Horaantii sannadkaan ay soo Kordhayeen Kiisaska la xiriiro Cudurada Dabeysha iyo Jadeecada taasoo uu sheegey in ay u dhinteen Caruur fara badan , wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan ololaha looga hortagayo Cudurada Dabeysha iyo Jadeecada .

Drs Luul Maxamuud Maxamed oo ah Gudoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada ee Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo ka hadashey Munaasabdaas ayaa waxay sheegtey in Shacabka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn Faaiida uu leeyahay Talaalka waxayna ugu Baaqdey qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay si Xoogan uga qayb qaataan ololahaan maadaama maalmihii ugu dameeyey ay soo Kordhayeen Cudurada Jadeecada iyo Dabeysha .

Canab Maxamed Cosoble oo ah Xoghayaha Ururka Qaranka Soomaaliyeed oo ka hadashey Xafladaas ayaa waxay Canaan kula dul dhacdey Bulshada Soomaaliyeed iyadoo Nasiibdaro ku tilmaantey in Caruur Soomaaliyeed ay maanta u dhintaan ama u naafoobaan iyadoo uu yaalo Talaalkiii Lacag la’aabta waxayna halkaas ka balan qaadey in Ururka Haweenka uu ka qayb qaadan doono ololaha looga hortagayo Cudurka Jadeecada iyo Dabeysha .

unnamed (6)

Maxamed Cabdulaahi Cumar oo ah Madaxa Xafiiska Mudisho ee Hayada WHO oo ka Hadley Munaasbadaas ayaa waxaa uu sheegey in Hayadda ay la Socotey Kiisaska la Xiiriira Cudurada Jadeecada iyo dabeysha ee ka jira Dalka waxaana uu Carabka ku dhiftey in Cuduradaas looga hortagi karo iyadoo la iska kaashado islamarkaana Shacabka lagu Baraarujiyo Dhibaatada iyo Wayeelada Cudurada Jadeecada iyo Dabeysha .

Ku Simaha Agaasimaha Guud Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Cabdirashiid Faarax Cismaan oo isna ka Hadley Munaasbadaas ayaa waxaa uu sheegey in ololahaan uu ka bilaaban doono Gobolka Banaadir iyo Jubadda Hoose 11 ilaa 15-ka Bishaan ka dib markii la heley Kiisas aad u badan oo ku aadan Cudurka Jadeecada iyo Dabeysha waxaana uu sheegey In Wasaarada Caafimaadka ay diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato Ololahaas.

unnamed (2)

Ugu Dambeyn waxaa halkaas ka Hadley Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeeelka Bulshada Cali Maxamed Xareed oo isagu Daahfurey Ololahaas ayaa ugu Horeyntii wuxuu u mahadceliyey inta ka qayb qaadaneysa Ololahaan oo ugu horeyso Hayada OCHA oo uu shgeegey in ay Bixineyso Kharashka ku baxaya Ololahaan iyadoo Wasiirka uu Manaasabaas Talaalkii ugu horeeyey ee lagu Daahfurayo Ololahaan ku siiyey Laba Caruur oo mid laga talaaley Cudurka Jadeecada iyo midka kalena laga talaaley Cudurka Dabeysha.

unnamed (24)

Halkaan ka daalaco sawirada kulanka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.