Home » Warar »

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan shirweyanah Midnimo kow ee Garbahaarey.

unnamed (1)Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ka furmay magaalada Garbahaarey , iyadoo xafladdii furitaanka shirka ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan dowladda, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo qeybaha bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Intii ay xafladdu socotay ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan, waxaana halkaasi ugu horeyn ka hadlay gudigii shirka soo abaabulay, kuwaasoo goobta ka sheegay ujeedka shirkan in uu yahay midnimo iyo wadatashi sal ballaaran oo bulshadu isku aragto, lagana doodi doono ajende qoto dheer oo ku aadan mustaqbalka dhow iyo midka fog ee deegaannada gobollada Jubbooyinka.

Sawirada Shirka halkan ka daalaco

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey Mudane Iimaan Cadow Kaarshe oo furitaanka xafladda ka hadlay ayaa tilmaamay shirkani inuu yahay mid looga golleeyahay in lagu gaaro midnimo iyo isku tashi ay bulshada gobolku ka yeelato danaheeda siyaasadeed iyo mid bulsho.

Sheekh C/kariin Sheekh Ibrahim (Indhacadde) ayaa akhriyay qodobada looga hadlayo shirka inta uu socdo, wuxuuna sheegay qodobadaas ay kamid yihiin qaabka ugu haboon ee loo mari lahaa dhamesytirida iyo xoojinta maammul-Goboleed ay yeeshaan gobolada Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose.

“Shriku wuxuu noqonayaa labo weji oo isku xirnan isna xoojinaya. Wejiga kowaad ee shirka waxaa ku wada hadli dooona beel ka mid ah beelaha dega goboladda Jubba si ay u xalisato wixii madow-madow ah ee ka dhex jira. Wejiga labaad ee shirku wuxuu noqonayaa mid ay ku kulmaan kuna wadatashadaan dhamaan beelaha wada dega gobolka Gedo, Shirka waxaa looga doodi doonaa dhaqangelinta heshiiskii Addis Abeba iyo kii muqdisho iyo dhameeystirka maamulka kumeel gaar ah” ayuu yiri Sheikh C/kariin.

Sawirada Shirka halkan ka daalaco

Dr. Cabdi Shire Warsame oo kamid ah xubnaha shirka soo abaabulay ayaa ergada u gudbiyay fariin uu ka waday Col, Barre Hiiraale, wuxuuna hoosta ka xariiqay in lagama maar-maan ay tahay in la raadiyo lana fuliyo dib u heshiisiin dhab ah oo dhexmarta dhamaan beelaha dega goboladda Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo. Isla markaana la qeexo laguna heshiiyo tubta dhameystirida maamulka KMG iyo awood-qeybsiga Dowlad goboleedka kaga aadan Gobolka Gedo, sidoo kalana la helo aragrti mideysan oo ku saabsan habka soo xulidda doorashada xildhibaanadda heer deegaan ama maamul-goboleed.

Siyaasiga Maxamuud Sayid Aaden ayaa sheegay inuu noqon doono shaqsiga ugu horeeya ee u hoggaansami doona qodobada kasoo baxa shirka, wuxuuna ergooyinka madasha ku sugan ugu baaqay in ay muujiyaan aragti fog oo ku salaysan in xal loo helo dhibaatada mudada ka taagan gobolka iyo saamiga uu gobolku ku leeyahay gobollada kale ee uu la midoobayo.

“Bulshada halkan fadhida waxaan u sheegayaa in aan noqon doono shaqiga ugu horeeya ee tanaasula haddii xal loo arko, waxaa loo baahan yahay si loo abuuro jawi horsed kara degaansho iyo dhismaha maamul loo dhanyahay oo dimoqaraadi ah in la helo awood qeybsi cadaalad ku dhisan. Si arrintaan loo xaqiijiyo waa in laga doodaa go’aannada na horyaalla” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aaden

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac iyo Xildhibaan Maxamuud Cabdi Magan oo kamid ah xubnaha golaha baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaanka ayaa soo dhaweeyay shirka, waxana ay ergooyinka ugu baaqeen inay qodobada horyaala si adag uga doodaan.

Mudane C/waaxid Cilmi Goonjeex oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaare KMG ah oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in maanta oo kale ay tahay maalin xusid mudan, isagoo intaa ku daray in shirkan bulshadu ku tashanayso yahay mid u baahan dhinacyo badan in laga fiiriyo si loo helo waxa ay dadku u baahan yihiin, isagoona baaq caalami ah u diray adduunka oo ku aadan in loo gurmado dadka dhibaataysan ee gobolka ku sugan ee saameeyeen abaaraha iyo colaaduha.

Ugu danbeyn, wajiga koowaad ee shirka ayaa inta uu socda waxaa si gaar ah looga doodi doonaan qodobo ay kamid yihiin halka ay noqonayso Caasimadda Jubba, Dastuurka KMG ah ee Jubba, awood qeybsiga iyo dhamaystirka howlaha dhiman ee maamul Jubba.

Sawirada Shirka halkan ka daalaco

W/D. Ahmed-nur Mohamed
axmednuur59@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.