Home » Warar »

Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo soo Gabagabeysey Barnaamij Hilbo Qaybin ah oo ku Aadan Ciidul Adhxaa.

Hay’ada Humanitarian African Relief Organization ee Marka la soo gaabiyo la yiraah (HARO) oo inta badan ku howlan taageerida Dadka tabaaleysan, ayaa waxay soo gabagabeeyesey Barnaamij Xoolo Qaybin oo ku aadan Ciidul Adhxaa , waxayna Barnaamijkaas ka fulisey Magaalooyinka  Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan Xerooyin ay ku jiraan Dad Barakacayaal ah iyo dad naafo ah.

Intii ay ka  socotey Hilbo Qaybintaas ee Udxiyada Magaalooyinka Muqdisho iyo Bayadhabo  waxaa Dusha ka eegayey Masuuliyiin ka tirsan Hayadda HARO qaybteeda Soomaaliya.

Dadka Masaakiinta ah ee loo qaybiyey Udhxiyadaas dad aad u fara badan waxaana loo qaybiyey Xoolo u badnaa   Ari iyadoo Masuuliyiinta Hayada ee Qaybinayey Deeqdaas ay u sheegeen dadka in Deeqdaan ay soo dhibeen Walaalaha Muslimiinta ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika si Walaalhooda aan wax haysan ugu Ciidaan Xoolahaasi Hilibkooda.

Dadkii loo Qaybiyey ayaa si weyn uga Mahadceliyeen dadkii soo dhiibey Deeqdaas Udhxiyada ah ee Walaalaha Muslimiinta ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika iyagoo ugu Duceeyey in mid ka Khayr badan uu Ilaah ugu Badelo , waxay ka codsadeen Hayada HARO in ay halkaas ka sii wadaan taakuleynta Dadka Masaakiinta ee ku jira Kaamamka Barakacayaasha ee guud ahaan Soomaaliya.

Hayadda HARO ayaa Muddooyinkaan Dalka ka wadey Gargaar Ban’aadanimo oo ay gaarsiinayeen shacabka Soomaaliyeed ee ay Colaadaha iyo Abaaraha ragaadiyeen waxayna Hayada horey wax ka qaybisey guud ahaan dalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

unnamed - Copy (2) unnamed (7) - Copy unnamed (4) - Copy unnamed (2) unnamed (1)

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.