Home » Warar »

Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya Maanta. Dhagayso

cabdiwaliXukuumadda Soomaaliya oo Baaq Digniin ah u dirtay Wadamada la deriska ah

Somalitalk Muqdisho:  Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa baaq u diray Dalalka Soomaaliya la deriska ah isagoona uga digay Khatar uga iman karta Dagaalyahanada Xarakada Shabaab. Cabdiweli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Dalalkaasi ay sameeyaan Feejignaan dheeraad ah kana digtoonadaan inay gudaha u soo galaan Dalalkooda Firxadka Shabaab oo uu sheegay in Soomaaliya lagaga adkaaday. Cabdiweli oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray haddii ay dhacdo Shabaab in ay gudaha u galaan dalalka la deriska ah Soomaaliya in ay suurta gal tahay inay halkaas ka gaystaan falal Kharbudaad ah Dawladda Soomaaliya ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu inay si weyn uga feejigan tahay Khatarta Shabaab dagaal aan naxariis lahayna ay kula jirto isagoo wadamadaasna u sheegay in ay ka xirtaan Albaabadooda oo ayn gudaha u soo galin.

Raysal Wasaaraha oo kahadlaya qabashadda Baraawe, kana jawaabaya su’aalo ku aadan arintaas. Hoos ka dhagayso hadalkii Shirka Jaraa’id dhagayso.

Taliyaha Ciidamada Amisom oo ka warbixiyay Qabashadii Degmada Baraawe.

Gen Dig Olom oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah Ciidamada Amisom oo qabashadii Baraawe kaddib Saxaafadda warbixin dheer siiyay.Generalka  oo haatan ku sugan gudaha Magaalada Baraawe oo dagaalkaas ka sheekeeyay ayaa sheegay in Shabaab ay gaartay meel aysan ka soo noqon Karin waa sida uu hadalkiisa isagoona intaa sii raaciyay in laga yaabo Shabaab in ay la soo baxaan Xeelado kale sida qaraxyo dhulka ay ku aasaan, Toogasho gaadma ah iyo wixii la mid ah. Generaalka ayaa sii hadlay oo yiri “ in Dagaal xooggan oo iska cabin ah ay kala kulmeen halka loo yaqaano Ambaresa oo degmada Baraawe u jirta illaa Lix kilo mitir, dagaalkaas oo ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan kuwa Dawladda Federaalka Somaliya halka Askar Amisom ahina ay ku dhaawacmeen. Genneralka  ayaa intaas kadib sheegay in ay gudaha u sii galeen degmada Baraawe wax iska cabin kalena aysan la kulmin isagoona farta ku fiiqay in shabaabkii gudaha magaalada ku sugnaa ay Doonyo ku baxsadeen kuwaasoo uu sheegey inay u jihaysteen dhinaca Degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe.

Shirka Garbahaareey oo baaq Culus laga soo Saaray.

Iyadoo maalintii Sedaxaad Shir Beeleedka Garbahaareey uu halkaa ka soconayo ayaa waxaa ka soo baxaya baaqyo loo jeedinayo dadka u dhashay Gobolada gedo iyo Jubada Hoose. Afhayeenka Shirka Dr Cabdi Shire oo Warbaahinta u waramay ayaa sheegay in shirkan oo loogu magac daray Shirka wada tashiga in hawlihiisu haatan meel fiican ay marayaan isla markaana laga filayo marka uu soo gaba gaboobmo in ay ka soo bixi doonaan go’aano anfacaya Shacabka ku dhaqan Goboladaas iyo guud ahaan Soomaaliya. Af hayeenka ayaa xusay in ay ku baaqayaan Midnimo dhab ah oo dhax marta Beelaha Dega Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ln la  dhiso Maamul Goboleed loo dhan yahay. Cabdi Shire afhayeenka ayaa intaa ku daray in marka uu soo dhamaado shirkaas in ay booqan doonaan gobolo kala duwan ee dalka ah si ay ugu sharaxaan ujeedkii ay ka lahaayeen Shirkii wada tashiga ee Gobolka Gedo.

Dhallinta Soomaaliyeed ee Xaafadda Islii oo Cunista Qaadka u soo jeestay.

Kaddib markii Xukuumadda Britain ay joojisay Qaadkii uga imaanayay Dalka Kenya waxaa hoos u dhac ballaaran ku yimid qiimihii la kala siisanayay Qaadka magaalada Nayroobi gudaheeda. Hoos u dhaca qiimaha Qaadka ee Magaalada Nairobi ayay waxay fursad u noqotay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Nairobi gaar ahaana xaafadda ay degto Soomaalida ee Islii oo xiligan lagu arkayo dhallinyaro Cusub oo ku soo biirtay cunista Qaadka. Cabdullaahi Abuukar oo ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Xaafadda Islii oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dhallinyaro cusub oo aan hore u cuni jirin Qaadka oo haatan bilaabay inay qaadka cunaan ka gadaal markii uu qiimihiisu gaaray mid uu qof walba awoodo inuu Iibsado. Joojintii Ingiriisku joojiyay Qaadkii loo dhoofin jiray Dalkaas Bishii Jully ee sanadkan ayaa waxaa ay keentay in ganacsatadii Qaadkaas ay ku soo furan Suuqa isagoo lacagaha la kala siinayo ay aad u yar tahay sidaa darteedna uu qof walba xiligan lagu arkayo isagoo Isticmaalaya gaar ahaana dhallinyarada Soomaaliyeed Rag iyo Dumarba., Arrintan ayaa waxaa walaac badan ka muujinaya Ururada dhallinyarada ee Xaafadda Islii kuwaasoo haatan bilaabay Barnaamijyo wacyi galin ah oo dhallinyarada Soomaalida looga acyi galinayo Cunista Qaadka iyadoo sharaxaad laga siinayo dhibaatooyinka Caafimaad ee uu leehay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.