Home » Warar »

Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Oo Ka Dooday Naqshada Dhismaha Cusub ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay
maanta oo axad ah ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen
naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka iyo dhismayaasha xarumaha
Baarlamaanka uu ku yeelan doono gobollada dalka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa
shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane
Mahad Cabdalla Cawad waxaana kasoo qeybgalay inta badan Gudoomiyeyaasha
guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka,furitaankii shirkana ku simaha
Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari uu soo bandhigay naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka.

Dhismahan oo ay hirgelin doonto Dowladda Imaaraadka Carabta waxaa laga
dhisi doono xarunta dhismihii hore ee Baarlamaanka oo loo yaqaan Ex
Parliament kuna dhow taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho
waxaana dhismahan uu la mid yahay dhismayaasha Baarlamaannada caalamka
muuqaal ahaan iyo qeybaha uu dhismahan ka kooban yahaybo ayadoo
dhismihiisana ay dhowaan Dowladda Imaaraadku si rasmi ah u bilaabi doonto.

Dhismaha xarunta Baarlamaanka waxaa wehliya dhismayaasha xarumaha Golaha
Shacabka Federaalka Soomaaliya uu ku yeelan doono gobollada Dalka ayadoo
gobol walbana sida qorshuhu yahay uu Baarlamaanka ku yeelan doono dhismaha
guriga Baarlamaanka waxaana dhismahaasi uu ka kooban yahay laba qeybood oo
kala ah deegaanka Xildhibaanka iyo hoolka uu Xildhibaanku shacabka uu
metello kula kulmayo marka uu ku laabto deegaan cod bixiyeyaasha
doorashooyinka uu metelo.

Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulankooda waxa
ay uga hadleen weyneynta Munaasabadda maalinta calanka Soomaaliyeed oo
hada ay ku beegan tahay sanad guurrada 60aad ee kasoo wareegatay aas aaska
Calanka Jamhuuriyadda 12ka bishan October waxaana arintan loo saaray guddi
gaar ah oo uu Gudoomiye ka noqon doono Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta ee
Baarlamaanka Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi.

FG:-Sawirrada Magacoodu Yahay Dhismaha Muqdisho waa naqshada dhismaha
cusub ee Baarlamaanka oo Muqdisho laga hirgelinayo, halka sawirrada
magacoodu yahay Dhismaha Gobollada uu yahay Naqshada xarumaha Golaha
Shacabka ee laga hirgelinayo gobollada Dalka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (12)

unnamed

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.