Home » Faallo »

BAAQA 1aad: Soo-rogaal-celinta Soomaliyeed | Dr. Cumar Cusmaan Raabe

XULASHADA JIMCADA: Qoraalkan waa dardaaran uu ka tegey Dr. Cumar Cusmaan Raabeh Allah ha u naxariistee, waxana SomaliTalk hore u daabacday May 7, 2011.

Waa kan qoraalkii…

Soomaaliyey!…

I.         Haddii Qaranka Soomaliyeed la waayo Qayb haraysaa ma jirto wixii “shanta Soomaliyeed” la oran jiray”.

Haddi qaranka Soomaliyeed la waayo qolla haraysa ma jirto.

Haddii Qaranka Soomaaliyeed la waayo qoys harayaa ma jiro.

Haddii qaranka Soomaliyeed la waayo qof Soomaliyeed oo haraya ma jiro…

Idiinkuba ma aragtaan, Soomaliyey, lug sii socota oo la leeyahay “jirkii dhintay ee la aasay bay ka nooshahay”!!!?? … amase laan wayn oo cagaar ah oo la leeyahay “geedkii la gooyey ee la gubay bay ka nooshahay, ka roontahay, ka madaxbannaan tahay”!?!?…

Waa wax aan maangal ahayn, aan la garawsan karin, dad intii waalan iyo  wax sabi ah uun loo sawiri karo…

2. a)  Qabaailku waa laamaha geedka qaranka.  Innbaa laga dhaadhiciyey, cadawgu dhacsiiyey:

In laanta qabiilkoodu ay sii jiri doonto haddii geedka laftiisaba la jaro, oo xididka loo saaro, oo ay ka maarmi doonto, kana raysan doonto!!…

b)    Gobolku wuxuu ka mid yahay, ku yaallaa qaybna ka yahay dalka Soomaaliyeed oo ah jidhka, oogada Qaranka Soomaaliyeed.

Qarankuna waa sidii qof xubno iyo waxo leh, caqli iyo aqoon leh, xusuus iyo xikmad leh, taariikh iyo mustaqbal leh, himilo iyo dareen, naf iyo iraado intaba leh.

Qaar baa u haysta haddii “qof-qarameed”-ka ba qudhu ka baxdo, oo uu dhinto, in “gacanta” amase “lugta” ay sheeganayaan ay u harayso oo ay haysanayaan; garaaddarradaas buurta leegina ay barbar marto.

Hase yeeshe, haddaan isha oo kale tusale u soo qaadanno: Ishu wax ma arkooto, waxna iskama aragto gudaheeda: waxay il u tahay, il ka tahay, il ku tahay, waxna ku aragtaa jirka nool ee ay ku taallo, ka mid tahay, hawl gaar ah oo loo abuurayna ay u hayso, hawshaas awgeedna ayey ku nooshahay.

Hadday isa soo tuurto, oo ay bannaanka isa soo dhigto nolol, qurux iyo nuur midna yeelan mayso. Bakhti iyo baaba’ uunbaa u dambeeya…

3) Isu-tagga xubnaha iyo wada-shaqayntooda bay ku jiraan nolosha guud iyo wanaagga jirku. Sido kalena marba marka, guud ahaan, jirku uu sii fiicnaado bay gidigood iyo gaar ahaan mid walba ay sii doogsadaan.

Wada shaqaynta xubin walbi ay la shaqaynayso xubnaha kale oo dhan, kuna midaysan yihiin kulligood ujeedada guud ee ah in jirka, gebi ahaantiis (tin & cirib), uu ku noolaado caafimaad, nabadgelyo iyo barwaaqo lagu waaro, ayuu ku jiraa wanaagga jirka ee kama danbaynta ah iyo ka xubnaha oo dhan, iyo mid kasta oo ka mid ah gaar ahaanteed.

Hadduu wanaagsan yahay way la qabaan. Haddii xubin wax gaaraan wuu ka xanuunsanayaa oo xubnaha kale oo dhan baa daafacaya. Dhimashadiisuna waa kala-baxooda iyo baaba’ooda…

Sidaas awgeed, kuwa dadka ugu baaqaya in la kala diro qaybaha iyo waaxyaha dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed waa saddex nooc midkood:

a)     Maskax-digaagle caami ah oo waxa socda aan waxba ka ogayn, wuxuu yaqannana uu ku kooban yahay magac qabiil oo kiisa ah…

b)    Mujrim kas iyo maan dadka u khaldaya oo nolosha iyo sharafta Ummadda dhaafsanaya dana yaar oo gaar ah.

c)     Dameer calooshii u shaqayste ah oo nolomalmeed ugu adeega cadawga, oo u rarto.

Kuwaas oo mudan ciqaab kama-danbayn ah, maxaa wacay waa dhagar-qabayaal qaran!…

II     Soomaliya haddii la waayo qaranka soomaliyeed waa la waayayaa.

  1. 1. Dawladda Soomaaliyeed (Somali State) ma dhalin oo qura labadii isu biiray (Biritish  & Italian  Somalilands), waxaa dhaliyey Soomali oo dhan.
  2. 2. Dawladda Soomaliyeed uma dhalan oo qura labadii is-raacday, balse waxay u dhalatay Soomali oo dhan.
  3. 3. Dawladda Soomaliyeed ma daafacayn labadii isutegay oo qura, waxase daafacayey Soomali oo dhan.
  4. Dawladda Soomaaliyeed uma dagaalamayn oo qura labdii  isu biiray, balse waxay dafacaysay Soomali oo dhan; Sidii ay “Saddexda maqan” ugu dagallamaysayna  way ku burburtay oo iyadii baa uubtii (hadhaan dheer)  ku dhacday.
  5. Dalka Soomaliyeed

Dawladda Soomaaliyeed

Jamhuuriyadda Soomaliyeed

Xukuumadda Soomaliyeed

Waa afar dabaqadood oo is dulsaaran (pyramid), isuxiran oo wada socda, oo cadawgu go’aan ku gaaray inuu kala diro, burburiyo oo uu baabi’yo, isagoo adeegsanaya soomaali inta ugu liidata.

Dareenka iyo dawladnimada qaran waxay u dhigmaan nafta iyo nolosha Qaranka soomaaliyeed.

III .   Soo-rogaal-celinta soomaaliyeed:

  1. 1. waxa yeeray, Soomaliyey, galawgii soo-rogaal-celinta. Allamahaddiis, isbedel  iyo duruufo innoo fiican baa yimid!…

Heer qaran iyo mandiqadeed…

Addunka Caqrabta iyo Caalamka

  1. Soomaalina haatan way u bislaatay in ay Dalkeedii-Hooyo ku soo noqoto iyo dawladnimo fiican: laabatan sano iyo in ka badan oo baaba’ iyo balanbal ah ayaa wax baray…

Waxayna Allaah ka barayeysa, oo ay indha indhaynaysaa kuwii horkici lahaa ee soo hoyin lahaa…

  1. Waxaana dalku ku bixi karaa Soomali is-uruursatay oo astaamaha soo socda leh: in

(1) Allahood Allaah yahay oo aan “oday-caabud” ahayn.

(2) Barii’un ka ah qaybaha qabyaaladeed, daleed (“Burbur iyo Balaayo land”), kooxeed, diineed iyo wax kasta oo Soomaali lagu kala sooco oo laysaga horkeeno…

(3) Naf iyo maal ba u hura samatabaxa Qaranka iyo Dawladdnimada Soomaaliyeed.

(4) Aaminsan inay:

a)     Soomaliyi mid tahay

b)    Dalkeedu mid yahay

c)     Dawladnimadeedu mid tahay

d)    Calankeedu mid yahay

e)     Mustaqbalkeedu mid yahay

(5) Soomaali u siman tahay.

(6) U halgama ujeeddadaasi ilaa ay guul kama-dambeyn ah ama geeri ka gaaraan.

(7) Wadaniyiin ah, aad u abaabulan (well organized), indheer-garad ah.

(8) Dar-Ilaahay Soomali u badbaadiya, iyadoo ay waajib ku tahay, wax abaalgud ahna aanan ka doonayn.

(9) Arrintaasna isu dhaarsada kuna walaalooba, Allaa hortiis.

(10)        Sidaasna ugu soo celiya Ummadda Soomaaliyeed

midnimaddi iyo madaxbanaanidii, sharaftii iyo karraamadii,

oo ku jannatega.

Murti

  1. Waajibka ugu wayn ee manta saran qof kasta oo soomaliyeed meel uu jooga ba, waa badbaadada Jamhuuriyadda soomaliyeed, isagoon waxba ka hagran awood wuxuu Alla ku mannaystey!…
  2. Taasuna waa inuu bilaabo HADDA haddusan horey ugu jirin.
  3. Waddaniyiintu,meelay joogaan ba waainayheegan noqdaan!!!…


Cumar Cusmaan Raabe

(4/5/2011)

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " BAAQA 1aad: Soo-rogaal-celinta Soomaliyeed | Dr. Cumar Cusmaan Raabe "

  1. Asalamu calleeykum Dr.Raabi. Elaahay ha ku xafido.dadkii kula fakarkaaga aha Waxaan ka Haray Deeqoo Macalin.waxaan ku talin laha inaad furtid dugsi aad dadka ku bartid fakarka qotada dheer ee aad xanbaarsantahay. Waxaan aad u xusuusta Banddhig aad aad uga hadashay soomaalida iyo meesha aay u jeedo sanadihii sideedanaadkii kaa soo lagu qabtay jaamacada umda. Markaas waxaad baraarujineeysay in Somali weeyn sii dhimaneeyso oo sadex tagtay ee la badbaadsho labada isu tagtay. Waxaad halkaas ku soo bandhigtay khatarta soo socota.Runtii waxaad ka baqeeysay baa dhacay, mana qabo in dad badan fahmeen halka aan u socono iyo bohosha somali loo qoday oo ayadu is ku gureeyso.Bal fiiri rajada aan qabno waa in Itoopia iyo Kenya na xoreeyaan Somali weeyn a noo dhisaan(that is wishful thiinking)

  2. Cabdisadiiq says:

    Dhammaan Salaam: Ilaahow Raabbi oo kale Soomaalida ku soo badi oo inta hor joogayaasha u ah ka dhig! Allow maxay yaraadeen dad fikirkan saliimka ah ee udgoon xambaarsani!

  3. Ahmed says:

    Masha’allaah. Dr Raabi runta ayuu sheegey,bal u firso,waxa soomaaliya ka socdo waxaaba u dara intii u soo qaxday banaanka,ayaa waxaa ku dhacay waali maamul gobolleed iyo madaxweyne iigu yeera,billaahi calaykum hadii aydan wadankii mdinimadiisa laga shaqeynayn yaaanan la sii Kala qoqobin.

  4. keynaan says:

    ACW Dr Raabi aad ayaad u salaamantahay Waxaan ILLAAH ooga baryaayaa Dr Raabi cimri dheer iyo cibaado suuban anagane ILLAAH ha naga dhigo kuwii qaato waanada Dr Raabi aamiin

  5. Abdirazak says:

    asc
    Dr Raabbi,aad baan ugu mahad naqayaa sida Qiimaha badan ee uu inoogu iftiimiyey shirqoolada iyo dhibaha inagu xeeran iyo yididiilada wanaagsan ee wadaninimo ee aad tilmaanteen,

    ILAAHAY swt ha ina garan siiyo mustaqbalka umaddeena iyo awlaadeena adduun iyo aakhiro labadaba.

  6. A.Yusuf says:

    Markahore waxaa mahadle Eebe wayne, marlabaadka waxaan salaamayaa Dr:Raabi, waxaanan ugaga mahad celinayaa baraarujintiisa qiimaha leh ee uu dareenka bulshada Soomaaliyeed ee sii dhimanaya uu ku soo noolaynayo bal u fiirso qoraaliisa uu leeyaha

    Qaranimadu waa geed, laamihiisa cagaarani ay yihiin gobolada ama qabaa’ilka, suurto gal ma tahay in geedka laan laga gooyo kadibna geedkii la gubo, la iskana dhaadhiciyo laantaasi geedkii la aantii ayay noolaanaysaa, wax qof caqli u saaxiibihi aqbalikaro maaha.

    Haddaba nimankaa ahaa hogaamiye kooxeedka ama jabhadiihii dumiyay qaranimada Soomaaliyeed, waxay umadda la dhex wareegayeen in ay jirayso arintaa uu Dr: Raabi ku tilmaamay wax aan dhicikarayn, dad ayaana ilaa hadda isku qanciyay in qabiilkoodu ka maarmikaro jiritaanka qaran Soomaaliyeed. Waa layaab!!!!!!.

    haddaba bulshada Soomaaliyeed kuwa akhristayaasha ah waxaan leeyahay arintaan ku baraaruga oo kuwa aaminsan in ay ka maarmi karaan qaranimo Soomaaliya u dhalata, wacyi galiya oo tusa fakradooda qaldan.

  7. Hassan says:

    Ass. Caleykum Wr Wb,

    Dr Raabi Illahay wanaag hakugu kaamilo meel aad joogtaba aakhiro iyo aduunba. waxaan akhristay buugaag badan oo aad soomaalida iyo meeshay u socdaan ka qortay. saad u sheegtay ayay wax u dheceen oo cayaan noqotay. waxaynuna ku jirnaa mudadaad callaamad suaalka saartay. International community qool bay ina gelisay aanan garaney si looga bixi karo. xitaa haddaan gacmaha is qabsano neynama daynayo si aan dalkeena iyo dalkeena ugu shaqeyno. waxaynu ku jirnaa “ama isdiib ama saxariir” Ma garanayo cid ina daneynaysa hadeynu inaku is daneyn weynay.Ruqo ninkii lahaa dabada hayo yuu hiilka sugayaa hadaanu nin waalan aheyn.Waxaan odhan lahaa Dad badan ayaa qaba dareenka soomaalinimada. Laakiin meel kulmisa ma jirto. Markaa waxaan ku talin lahaa: A) in lahelo meel kulmisa si wixii hiil iyo hooba u wadaagaan. B) In la taageero dawladan waayo anoo 42 jirra ma arag xid soomaali maamul isugu soo taagta oo ka aqoon iyo daacadnimo badan.

    wabillaahi towfiiq

  8. waad sallaamantahiin.dhamaantiin.
    salaan kadib waxaa mahad leh allaha weeyn ee nakhalqey islaankana nagadhigey, waxaa kale oon umahad naqayaa prevesorka raabi waxa uu kahadlayana waa run.waxaan weeydiin hayaa intooda aqoonta leh maxeey xusbi u sameeysanwaayeen oo dadka wax ugu qaban waayeen?
    koleey waxaan filayaa sihoose un beey wax uwadaan oo somali cadowgii ethoipia ayaa boowd ka ufadhiya

  9. Kolka hore waxaan salaan diiran hawadda u marinayaa Dr Raabbi Waxaa na alle uga baryayaa inuu cimrigiisa noo barakeyo. salaan kadib anigu waxaan ka mid ahay dadka wadaniga iska dhigdhiga maxaa yeelay wadaniyaddu waa shay qiimo weyn leh mana aha wax la iska sheegto waa daren waa shaqo waa huridda naf,maal iyo maskaxba. hadaba qoraaladda caynkan ah ama wacyigalintaan oo kale waxay wax weyn ka taraysaaa soo noolaynta dareenkii wadaninimo, waxaadna moodaa in waayahan dambe soomaalidu wax un xoogaa damiirkoodii soo noqonayo iskastoo ay jahawareriyeen qowleysato calooshood u shaqeystayaal ah. ugu dambeyn aad ayaan kugu mahdinayaa Dr Raabbi. sidaasoo kale waa mahdinayaa SOMALITALK Waa web aan aad u aqristo oo aan ka faa’iido macluumaad badan

  10. a/c w/r w/b awalan salaan guud dhamaan ummada somaliyeed gaar ahaan inta aqliga iyo wadniyada u saliimka ah.salaan ka dib ilaah qayr ha isiiyo qof ala qofkii ama taaqyahan ah ama aqoon yahan ah ama waxgarad ah ee aqoontiisa iyo garaadkiisa soo gudbiya oo tusaale iyo iftiimin uga dhiga bulshadan jahawareesan ee waalan.intaa markaan kalmadahan uga haro waxaan is waydiiyaa yaa la rabaa inuu ka faa,ideysto qoraalada misna meel mariyo dadkii duli io waxmaranimo yaa ka soo hartaye iyo caay iyo si xun wax u fahan iyo barako beelayaan caana madaadshayaal ahe aloow adigaa na uuntey oo misna caalamka naga dhex saaray oo meel daraf ah nagu beeratey ee ummadaadan baa,badey u soo gargaar ayaga gargaar isuguma maqnee waad aragtaaye in ay aayadahaagiina beeniyeer ayagoo arkaaya micnahana yaqaana war soow tii uu quraankeena wanaagsan na faray inaan isku duubnaano iyadoo waliba la yiri jamiican xariga ilaah qabsada oo ha kala tagina kalana tafaraaruqina gaalo oo ilaah beenisey baa is aruursaneysa ma adigkuu somali ahaa oo misna meelaad joogtaanba qal qof la idiin arkaayey ayaa state state in aad ahaataan jecel oo qiyaamo gaalo u tafa xaydanaaya acuudu bilaahi wa acuudubikum

  11. DR Yusuf says:

    Masha alah Dr Raabi waa nin markasta hamigiisa iyo fikirkiisa yahay Somalia dhibse waxuu ka jiraa weli ma bislin inteynu la xanaaqeyno lana farxeyno ninka qabiilkena ah!goorma ayaan gaareynaa inaan isu abaabulno Somalinimo inagoo dano gaar ah lahayn kadibna aan xulano madaxdeena inagoo dhegaha u raaricneyn iney iyagu isa soo sharaxaan,bal fiiriya webside kasta nin Somaliyeed oo musharax ah baa ku jira sida Amin Camir sheegay waa shaqo la iska heli karo,mana aha shaqo laga xishoodo in loo hanqaltaago taasna waxey kuu cadeyn meeshay inaka taagantahay Qabiilka waayo tageerahooda waa qabiilkoda! maaha Somali,marka xooga aan saarno sidaan usoo gudbin lahayn xal iyo fikrado looga gudbi karo

  12. Cumar says:

    ASC,
    Dr. C.C.Raabe, duceydeenna waa inuu Allaah(SW) raalli kaa noqdo ifka iyo aakhiraba (aamiin).
    Waxaa na rogay kuwa naga mid ah iyo kooxo u qirooda oo quruxda loo saaray kala qoqobidda, qaribidda iyo qabriyeynta shakhsiyadda qaranimada iyo qaayaha ay ku saleysan tahay,( waxay moodaan inay sidaa qiime ku yeelanayaan) kuwaa iyagana Alle ha garansiiyo, haka dhigo kuwa qaata oo ku camal falla sida qoddada dheer ee aad noogu qaada dhigtay nooguna qodobaysay nuurka aqooneed ee garashada fog kaa oo Alle kuu hibeeyay.
    Waxaan kaa codsanyaa in aadan ka dabcin kana daalan arrinkaan.

  13. Galow Fiin says:

    Dr Raabbi sidii SYL & xisbiyaddii kale ee dowladnimada u soo halgamey u hadlijireen ayuu i noola hadlay, waxaana hadalkiisii sida fiican u karsanaa nooga dhadhantay in uu halgamayaashii xisbiyadaan kor ku xusay ka mid ahaanjirey .Intaa waxaan ku darayaa,wakhtigii gobannimoddoonka dad gumeysiga u adeega waa ina ku dhexjireen laakiin tiradooda ayaa aad uga yarayd 1% markii loo eego farobadnaanta halgamayaasha xornimoddoonka
    laakiin maanta dalkeennii waxaa gumeysi wax ka daran ku haysta QABYAALAD ooy u adeegaan dadkii in ka badan 80% .
    Haddaba Datoorka waxaan weydiinlahaa dadkaas faraha badan ee lagu qiyaasay tiro kor u dhaafaysa 80% ee uu ku dhacay cudurkaas dilaaga ah (QABYAALAD) sidee inoo ku hirgelikartaa in aan ka gacansarraynno ? !!!

  14. c/wali qurux says:

    Waan salaamayaa Dr. Raabi iyo Soomaalitalk labadaba, waxaana Dr. Raabi uga mahad celianyaa qoraalka aqqonta, xilkasnimada iyo Soomaalinimadu ku jirto ee uu noo diyaariyay. Waxaana ku raacsanayay siduu sheegay in Soomaali maanta fursad haysato ayna u baahan tahay siday uga faa’iidaysan lahayd.