Home » Warar »

Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo soo shaac baxay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan Qirey in uu jiro Khilaaf Dhinaca aragtida oo u dhaxeeyo isaga iyo Raisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed.

Sidoo kale Raiisul Wasaaraha ayaa isagana Dhinaciisa qirey in uu jiro Khilaaf Dhinaca Fikirka ama kala duwanaanshaha aragtida , waxayna labadoodu sheegeen in kala duwanaanshahaasi uusan Caqabad ku noqon doonin hanaanka Siyaasadeeda ee Dowladda Federaalka .

Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa sheegey in Khilaafkaas uu sababi karo in mid ka mid ah uu ka baxo Masraxa Siyaasada iyagoo soo qaatey Khilaafyadii hore ee ragaadiyey Dowladihii ku meel gaar ka ahaa kuwaa oo markii horeba ka dhashey kala aragti duwanaansho dhinaca Fikirka ,

image

sidoo kale Siyaasiyiintaas ayaa Sheegey in Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ay isku Khilaafeen Xil ka qaadistii Agaasimihii Nabad Sugida, Shirka Dib u heshiisiinta Kismaayo iyo Shirkadda lagu wareejiyey Dekeda Magaalada Muqdisho waxayna siyaasiyiintaas sheegeen in Khilaafkaasi uu keeni karo in mid ka mid ah uu baneeyo Xilka uu hayo waxaana haatan socdo kala Xodxodashada Xildhibaanada Baarlamaanka .

Wararka kale ee soomaaliya hoos ka akhri

Dagaal Culus oo ka dhacay Degaanka Wabxo ee Gobolka Gal Gaduud.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka dagaal uu ka qarxay degaanka Wabxo ee Gobolka Gal Gaduud.Dagaalka ayaa sida ay wararku nagu soo gaarayaan Dagaalka waxaa soo qaaday Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.Suuleey Cali Gobeey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dawladda oo hoggaaminaysa Dagaal oo Saxaafadda la hadlay mar ay ku sugnaayeen duleedka Degaankaas ayaa sheegay in Dagaal aan sidaa u cusleyn ay xarakada Shabaab kula galeen Duleedka deegaankaas taasoo ugu dambayntiina ay Shabaabkii halkaas isaga baxeen. Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Shabaabku ay soo dagaal galinayaan dadka degaanka hase yeeshee ay Ciidamadu si taxadar badan u ilaalinayaan in shacabku wax yeelo soo gaadho.

Faahfaahin Dheeraad ah oo laga helayo Dagaalkii Deefoow ee Gobolka Hiiraan.

Iyadoo Xalay iyo saakaba Dagaal u dhaxeeyay laba Maliishiyo Beeleedyo uu ka dhacay Degaanka Deefoow ayaa waxaa soo baxaya warar hor u dhac oo ka waramaya Khasaaraha uu dagaalkaasi sababay. Maxamed Macalim Guddoomiyaha Degmada Beled-weyne ayaa sheegay in dagaalkii halkaa ka bilowdey Xalay saqdii dhaxe illaa iyo iminka la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah halka dhaawucuna uu gaarayo illaa Afar qof. Dhaawaca ayaa uu sheegay l Guddoomiyaha in la soo gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Beled-weyne halkaasoo iminka lagu dabiibayo.Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhaawaca afarta ah mid ka mid ahi uu dhaawiciisu aad u daran yahay isla markaana dhaqaatiirtu ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen. Dagaalka ayuu sheegay Guddoomiyaha Beled-weyne inuusan ahayn waa siduu hadalka u dhigaye Dagaal Beeleed hase yeeshee uu yahay mid dhul la isku haysto arrintaasna aan xal laga gaari Karin illaa laga hedlo Xukun Caadil ah oo labadaas dhinac lagu kala saaro.

.

Qarax Maanta Kismaayo lagula eegtay Gaari uu watay Sarkaal ka Tirsan Nabad-sugidda Maamulka Jubba.

Maxamed Cabdi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka ku meel gaarka Jubba oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay gaari uu watay sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Jubba oo barqanimadii maanta qarax lagula eegtay gudaha Magaalada Kismaayo. Sarkaalkan ayaa sheegay in qaraxaasi uusan gaysan haba yaraatee wax Khasaare oo dhimasho ama dhaawc ah. Muqtaar ayaa sheegay inuu isagu shakhsiyan tegay goobta uu qaraxu ka dhacay wax dhibaata ahina uusan ku soo arag isagoona beeniyay in qaraxaas wayeeloka soo gaartay Saraaklkii qaraxa lala eegtay.Qaraxu ayuu ku sheegay inuu ahaa Nooca Miinada dhulka lagu aaso arrintaas oo uu sheegay in Ciidamada ammaanku u soo qab qabteen dad lagu tuhmayo in ay aka dambeeyeen haatana baaritaano lagu hayo. Wararkii u horeeyay ee qaraxaas naga soo gaaray ayaa sheegayay in Sarkaalkii watay gaarigaasi uu ku dhaawacmay qaraxaas sidoo kalena qof rayid ahaa oo halkaa ka dhawaana uu ku dhaawacmay halka qayb ka mid ah Gaariguna uu bur bur xooggan soo gaaray.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.