Home » Warar »

Ra’isulwasaaraha Oo Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Uga Jawaabay Su’aallo La Xiriira Dekedda Muqdisho

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka ayaa u qornaa sidan:

somali172Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa
Ra’isulwasaarha iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada weeydiiyey su’aallo
la xiriira wareejinta shirka Al-Beyraat ee dalka Turkiga lagu wareejiyey
dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa
shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaana xubno ka tirsan gudoomiyeyaasha
guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ay weeydiiyeen Ra’isulwasaaraha iyo
Wasiirka Dekedaha su’aallo la xiriiray sababta ay Xukuumaddu ugu
wareejisay shirkaddan Dekedda ayadoo Baarlamaanku horey qaraar uga soo
saaray, xuquuqda shaqaalaha muruq maalka ah iyo cida maamuleysa dhaqaalaha
dekedda kasoo xarooda.

Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed oo su’aallaha jawaabahooda uu ku
wehliyey Wasiirka Dekedaha ayaa ugu horeyn bixiyey cudur daar iyo raali
gelin uu usoo jeediyey Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka waxaana uu
xusay inaanay Xukuumaddu iska indha tirin qaraarkii uu Baarlamaanka horey
uga soo saaray wareejinta Dekedda qorshahana uu ahaa in Guddiga joogtada
lala soo socodsiiyo maadaama uu Baarlamaanku xernaa dhinaca kalena waxa uu
si waafi ah uga jawaabay dhammaan su’aallihii la weeydiiyey.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Mahad Cabdalla Cawad oo gebagebadii kulanka ka hadlay waxa uu ugu horeyn
uga mahad celiyey Ra’isulwasaaraha iyo Wasiirradiisa sida ay guddiga
joogtada ah uga jawaabeen su’aallaha ay qabeen waxaana uu muujiyey wal
walka uu Golaha Shacabka iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed ka qabo
heshiisyada la xiriira maalgashiga ee lala saxiixanayo shirkadaha
shisheeye, muhiimadda qaraarkii Baarlamaankana ay aheyd ilaalinta
shuruucda dalka iyo ilaalinta xuquuqda muruq maalka dekedda ka shaqeeya
taasi oo Baarlamaanka waajib ku ah.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo soo xeray kulanka ayaa ugu horeyn
ka hadlay in la ilaaliyo dhamaanba shuruucda kala gedisan ee dalka uu
leeyahay waxaana uu xusay inuusan Golaha Shacabka u dul qaadan doonin
bixinta hantida dalka guud ee ay Dowladdu leedahay oo aysan go’aankooda si
gaar ah u qaadan karin mas’uuliyiinta xilalka loo dhiibay si taasi xal
loogu helana la sameyn doono Maxkamad gaar uga shaqeysa.

Kulankan ayaa ka dambeeyey kadib markii uu codsaday Ra’isulwasaaraha
Xukuumadda Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed inuu la kulmo guddiga
Joogtada ah ee Baarlamaanka si uu ula socodsiiyo halka ay Xukuumadda
marsiineyso dadaallada la xiriira Dekedda Muqdisho waxaana uu
Ra’isulwasaaraha dhowaan hor imaan doonaa Golaha Shacabka si uu
Xildhibaannada uga jawaabo su’aallo la xiriira arinta Dekedda caalamiga ah
ee Muqdisho iyo jah wareerka ka taagan heshiisyada caalamiga ah ee lala
galo shirkadaha shisheeye.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.