Home » Warar »

Labadii Urur ee Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Midoobey.

Taariikhdu markey ahayd 18/09/2014ka ayaa waxaa Hal urur ku Midoobay labadii Urur ee kala ahaa Ururkii Midowga Indhoolayaasha Soomaaliyeed iyo Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed kuwaas oo wada qaatay magaca SOMALI ASSOCIATION BLIND (SAB) Midnimadaan ayaa waxay timid da daal dheeri ah oo ay sameyeen Xubnaha labadaas Urur.
somali170
Xubnahaan ayaa gartay in aysan midnimo la,aanteed wax qaban Karin ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Ustaad Maxamed Axmed Maxamuud oo ka sheekeeyay Taarikhdii ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed 1983 ilaa 1993 waxay Qaramada Midoobay u aqoonsatay 10 Sano ee Naafada aduunka intii lagu guda jiray Tobankaas Sanno ayaa la aasaasay Jimciyada indhoolayaasha Soomaaliyeed,waxaan Gudoomiyihii ugu horeeyay noqday Sheikh Aadam Cali xasan waxaan maanta goob joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenkii ugu horeeyay ee Jimciyada Indhoolayaasha Cornel Cumar Xuseen,

Jimciyada waxay ku guuleysatay in ay 9 Sagaal arday u dirtay dalka Baxreyn, Mideyntaan labadaan urur waxaa suurta galiyay Alle ka sakow xubnaha labada urur oo kaashaday Hay’ada Hormuud Telecom Foundation maantana waa wax illaahey loogu mahdiyo in Hal urur aan ku mideysanahay ayuu hadalkiisa ku soo koobay Max’med Axmed Max’muud.

Waxaa kale oo goobtaasi ka hadlay Cabdullaahi Nuur Cusmaan Gudoomiyaha Hay’ada Hormuud Telcome Foundation “waxaan soo dhaweyneynaa Midowga labadan urur waxeyna talaaba wanaagsan u tahay dadaalkooda in ay sii xoojiyaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “Hadii aan nahay Hay’ada Hormuud Foundation waxaan gacanta ku haynaa Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur oo ay ardayda indhaha l’a iyo Macalimintoodaba aan gacanta ku hayno aana sii wadi doono dadaaladaan oo kale.

Waxaan isagana halkaasi ka hadlay Prof:Maxamed Cumar Dalxa kana mid ah Xilibaanada Soomaaliyeed “dadka aan laheyn araga waxay kaalin aan la dhayalsan karin ku leeyihiin Bulshada dhaxdeeda Tusaale sida Hal abuurka ay leeyihiin indhoola run ah waxaa ah qofka Qalbiga beela “ kuwa aan aduunayada wax ku soo kordhin ayaa la yiraahdaa indhoole.

Prof:dalxa waxuu Bulshada Soomaaliyeed dalka iyo dibada jirta ka codsaday in ay dadkaan is garab taagaanoo Xoolahoodana ku bixiyaan si uu Ilaahey ugu naxariisto, waxuuna amaanay Shirkada Hormuud Telecom.

Ugu dambeyntii waxaa ka dhacay is gacan qaad ay is gacan qaadeen labadii mas’uul ee kala matalaayay labada Urur eeku Midoobay maanta Maxamed Axmed Max’muud iyo Bashiir Max’med Jimcaale xafladiina waxay ku soo Gabagaboowday jawi aan u qurux badan

Fadlan qofkii raba inuu la xiriiro ama gacan ka geysto hala xiriiro Gudoomiyaha Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed (SAB).

Ibraahim Cabdulaahi Maxamuud 0025261-5511979

Cumar Cabdi Salaam Diiriye Agaasimaha Ururka 00252-61-5853768

E-Mail:- somblind@gmail.com

Muqdisha Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.