Home » Warar »

Maxkamadda Sare ee Caddaaladda Caalamka oo dhawaan bilaabi doonta Dhagaysiga Dacwadda u Dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ee Dhinaca Xuduud Badeedka

Wararka ka imaanaya Xarunta Maxkamadda Caalamiga ee The Huege ayaa sheegaya in ay socdaan hawlo ay Maxkamaddaas isugu diyaarinayso dhagaysiga Dacwadda u dhaxeeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca Xuduudda labada Dal ah Soomaaliya ayaa Bishii aynu soo dhaafnay waxa ay Ashtako arrintaa ku saabsan u gudbisey Maxkamaddaas iyadoona weydiisatay in Maxkamadda adduunku ay soo faragaliso Muranka u dhaxeeya labada Dal ee deriska ah

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxaa ay diyaarsadeen Qareeno iyo Khubaro ku xeeldheer arrimaha Shuruucda Badeed ee Caalamiga ah kuwaasoo dal walba Qareenada uu qabsaday ay difaaci doonaan Dalka ay matalayaan Qareenimamadooda. Ka hor dhagaysiga Dacwaddan ayaa la filayaa in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya inay ku kulmaan Shirka Qaramada Midoobay ee New York halkaasoo ay kaga qayb galayaan shirka Caalamiga ah ee la filayo inuu dhawaan ka furmo Xarunta Qaramada Miidoobay.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale la filayaa in ay ka hadlaan Khilaafka Xuduud Badeed ee labada dal u dhaxeeya iyagoo isla eegi doona hanaanka ugu dhow oo khilaafkaas lagu xalin karayo in kastoo Soomaaliya Dacwaddaas ay gudbisatay.Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka arrimaha Dibadda ee kenya Aamina Maxamed ay shaaca ka qaadday in arrinta baddaas heshiis laga gaari doono labada madaxweynana ay shirk a yeelan doonaan xilli ay jiraan warar sheegaya in Keenya ay sahantay Xeebaha Soomaaliya Baaritaano sahan ah oo loo sameeyayna la cadeeyay in halkaas shidaal uu ku jiro taasoo ah hamiga Kenya sidii ay baddaas ula wareegi lahayd

Qareenka Guud ee Kenya oo sheegay in ay khubaro diyaarsadeen — AKHRI HALKAN

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo Tafaasiil ka bixiyay Xaaladda Maareeyihii Hay’adda Duulista.

Iyadoo Subaxnimadii hore ee saaka Maareeyaha Duuliista Hawada ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka Kooxo Hubaysan ay ku weerareen Degmada Wadajir ayaa waxaa arrintaa tafaasiil ka bixiyay Wasiirka Wasaaradda Siciid Jaamac Qorsheel. Wasiirka ayaa sheegay in Gaarigii uu watay Maareeyaha rag wata Gaari Noha ay ku hor gooyeen dabeetana Rasaas Oodda uga qaadeen halkaasoo ay ku dhinteen laba Ruux oo uu mid Waardiyihiisa ahaa halka kan kalena uu ahaa Wadihii Gaariga Maareeyaha. Qorsheel ayaa intaa ku daray in Xaaladda Maareeyuhu iminka wanaagsan tahay isla markaana ay wax ka gaareen oo keliya dhinaca gacanta isagoona intaa sii raaciyay in caafimaadkiisu aad u soo wanaagsanaanayo. Wasiir Qorsheel oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Kooxdii dhibka gaystay ay ka baxsadeen goobta ka hor intii uusan ciidanku halkaa soo gaarin balse mar ay noqota Cadaaladda la hor keeni doono.

Qarax Khasaare Dhaliyay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Barqanimadii Maanta Kolonyo Gaadiidka Amisom io Ciidamada Maamulka Jubba lagula eegtay gudaha Magaalada Kismaayo.Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada Via Af Madow xilli Kolonyadaas ay halkaa maraysey iyadoo loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso. Goob joogayaal halkaa ku sugnaaoo Warbaahinta u waramay ayaa sheegay in khasaare badan uu jiro oo xitaa dad rayid ah oo qaarkood halkaa dhismo ka waday ay ka mid yihiin dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Goob joogaha ayaa intaa ku daray in Ciidamadii la socday Gaaiidkaas ay rasaas fureen isla markaana isku gadaameen goobtii mashaqadu ka dhacday iyagoo u diiday dadweynihii in ay halkaa soo gaaraan. Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray inaan dhab ahaan la ogeyn Khasaaraha hase yeeshee uu khasaare jiro soo gaaray Ciidankii iyo waliba dad rayid ah oo goobtaas ka dhawaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.