Home » Faallo »

Dhurwaa Hilbo ku Raro !!

Laba Odey oo meel aan sida iiga dheereyn ku sheekeysanaya ayaa mid ka mid ah waxaa uu midkii kale ku yiri “ Walaal ma maqashey in DowladduTalaabo qaadey oo u istaagtey in ay Ilaaliso Badda dheer maadaama muddo dheer la iska Guranayey Khayraadka Soomaaliya siiba Kaluunka “ kii kale soo boodey oo yiri “ Wallee maanta War Wanaagsan baad sheegtey hadii ay Dowlada u Tafaxaydatey ilaalinta Badeenna oo Halaqmareen ahayd ku dhawaad Rubac Qarni ee waxan ku weydiiyey yaa kula Taliyey in arrintaan fiican ku dhaqaaqdo “
image
Kii kale ayaa hadalkii qaatey oo yiri “Wax kula taliyey ma aqaan ee Waxaan u Maleynayaa in ay Il-haan tahay” odeygii kale ayaa ku yiri “ Haddii ay Il-haan tahay ilaah ayaa Xaqa Waafajiyey laakiin ii faahfaahi Waxa la ilaalinaya intaanan ka hor Dhicin Ducadeyda” waxaa uu yiri “Waxaan Warbaahinta ka dhageystey in Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda uu sheegey in Dowladu soo Kireysatey Diyaarad Ilaalisa Badda Soomaaliya

“ Walee waa war lagu diirasado in Maanta Baddeenna naloo ilaaliyo Hase yeeshee Su’aasha meesha taalo waxay tahay waa maxay tHowsha loo idmadey” Odeygii kale ayaa ku Jawaabey “ sida aan ka maqalney Wasiirka waxay tahay Howsha loo igmadey waa in ay soo gudbiso Macluumadka la Xiriirka Maraakiibta Sida Sharcidarada uga Kaluumeysata Xeebaha Dheer ee Soomaaliya waxaa sii dheer in Diyaaradaas ay soo sheegeyso Maraakiibta Sunta ku shubeysa Xeebaha iyo kuwa aan bixin lacagaha Canshuuraha “

Odeygii oo faraxsan baa ku yiri Saaxiibkii “ Waxaan ka Cabsanayaa in aan farxad darteed dilaaco waayo Waligaa waxaa ii sheegi jirtey war Xun maantese waxaan kaa maqalayaa war I faraxd geliya marka waxaan ku weydiyey ma deeq baa mise waa lacag oo waa la soo ijaarey Diyaaradda “ Odeyi kale oo la yaaban Su’aasha la weydiiyey ayaa yiri “ Saaxiibow waxaa taabatey halkii meel ee aan Cuqdada ka qabey aan kuu balbalaariyee Deeqa ma aha ee Waa ijaar oo waxaa ku baxaya lacag badan oo Gargaar ugu filan dadka Abaarta Saameysey ama kuwa Barakacayaasha ah”

Odeygii kale ayaa hadana weydiiyey Wadanka laga leeyahay Shirkada Badda noo Ilaalineysa” waxaa uu ku yiri maxaad ku faleysaa halka laga leeyahay Diyaaradda marba haday noo ilaalinayso Biyaha Wadankeena” waxaa Waa Muhiim in la sheego Halka laga leeyahay Shirakada leh Diyaarada waayo waxaa soo baxay Shirkado Burcad ah oo doonaya in ay iska Daldashaan Lacago badan waayo 24 Sanno ee la soo dhaafey waxaa Dalka Imaanayey Shirkado Qowlaysato ah marka waxaan kuugu Celinaya Su’aasha waa arrinkaa ee Saaxiib waxba ha ka meermeerin Su’aasha ”

“Su’aalahaadii aad I weydiisey waxaa isleeyahay tan baa u muhiimsan waayo waa runtaa in la isweydiiyo halka laga leeyahay Diyaarada noo ilaalineysa Baddeenna , aan kuu Bayaanshee waxaa laga leeyahay Dalka aan deriska nahay ee Kenya” Ninkii Odeyga ahaa ee Su’aalaha badnaa markii loo sheegey halka laga leeyahay Shirkada Badda Soomaaliya Ilaalineysa ayuu Candhuufta Dib u liqey oo Indhihii Guduuteen oo hadal ka soo bixi waayey wuxuuna si Hoose isaga oo ay ka cadahay u yiri Kenya waxay ahayd Dowladda keliya ee Sheegatey Qaybo ka mid ah Biyaha Badeenna marka in maant la yiraahdo waxay ilaalinaysaa Biyaha Baddeena oo aan raali ku noqonaahi sow Macnaheedu ma ahan “ DHURWAA HILBO KU RARO”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.