Home » Faallo »

Damiir xumadda Raga Soomaaliyeed iyo dayaca haysta Dumarkii Soomaaliyeed

Waxa Qoray

Cabdinuur Faarax Maxamud

Email-guuleed72@hotmail.com

image

Geeridu waa xaq waana la aqbalaa waxaase damiir xummaa inad u dulqatatid waxa yaalaha sharaftata wax u dhimaya Akhiro iyo aduuba waxaan ula jeeda Dumarkii Soomaaliyeed ee sharafta iyo cisada mudnaa dumarkii Soomaaliyeed ee muslimiinta ahaa dumarkii Soomaaliyeed ee Allaha wayn uu karaameeyey ayaa maalin kaste waxaa lagu kufsanayaa Raga Soomaaliyeed hortoota taas oo ah damiir xumo haysata Raga Soomalaiyeed meel kasta ha joogo xil kastana ha` hayee….

Hay`yadda Xaquuqul insaanka) (human rights) ayaa waxay soo saartay toddobadkan warbixin ka hadlaysa dacadiyadda logaysto Haweenka Soomaaliyeed ee kunool Goobaha barakacayaasha ee magaladda Muqdisho halkasoo Ciidamadda Qallaad ama shisheeye ay ku kufsadaan Hablaha Soomaaliyeed oo isku jira Hooyooyin Gabdho yaryar oo xitaa da,dooda lagu sheegay 12, jiro taasoo ah sharaf dhac wayn oo haysata Raga Soomaaliyeed waayo ayaga halkaas dhigay sharaftii Dumarka Soomaaliye

Damiir xumadda aan ka qaadanay bur-burkii Soomaaliya waxaa kamida in Nin Soomaaliyeed uu turjuman u yahay Nin ajanabiya oo madow ah isla markaasna uu hortiisa ku kufsanayo Gabar Soomaaliyeed ee muslimadda..

Sharaf xumadda haysata manta Raga Soomaaliyeed waa inay dareemaan waayo wax yaalaha ka dhacayaa dhulka Soomaalida ee ay gaysanayaan Ciidanka Midowga Africa Waa waxaan loo dul qaadan karayn siiba Ciidanka Ugandha iyo Burundi..

Waxaa warbaahinta qarkeed laga siidayey inay jiraan Rag Soomaaliyeed oo la shaqeeya Ciidanka Amison kuwaas oo u soo xeragaliya Hablaha Soomaaliyeed war miyaan damiir jirin war miyaan muslin-nimo jirin goormay dhacday inaan Gabar Soomaaliyeed ku fiirsano kufsi iyo bahdil ay u gaysanayaan Ciidamo shisheeye..

Dhaqanka Soomaaliyed waxaa ka mid ahayd inaan la faro xumayn karayn Gabar Soomaaliyeed hadii ay dhacdana la ciqaabi jiray laakiin manta waxaa laga soo sheegayaa Xeryaha barakacayaasha ee ku yaal Muqdisho in Hooyooyinka Soomaaliyeed inta ciidanka Amison ay si bareera u kufsadaan tasoo bahdil iyo sharaf dhac ku ah Ummadda Soomaaliyeed gaar, ahaan Raga Soomaaliyeed…

Waxaan ku soo koobayaa Nimanka Soomaalinimada sheeganaya waa inay dareemaan sharaf dhaca iyo bahdilka lagu hayo Haweenka Soomaaliyeed waxaan sidookale Raga Mas,uuliyadda u haya Ummadda Soomaaliyeed aan ugu baaqayna inay arinka kufsiga ay wax ka qabtan cadaalladana hor keenaan Ciidanka shesheeye ee kufsiga ku haya Dumarka Soomaaliyeed xitaa digniintu iyo kahadalu waa hiilo waxaan fariinta ugu dabaysa aan u dirayaa Dawladda Soomaaliya oo ay ilaaliyaan Ciidankaan Hablaha Soomaaliyeed kufsiga iyo dir dilka u gaysanaya …

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Damiir xumadda Raga Soomaaliyeed iyo dayaca haysta Dumarkii Soomaaliyeed "

  1. Adam Abdi says:

    Damiir iyo dadnimo ma jiro saaxib! Waxaan isdhihi lahaa si dadka loo kiciyo inaay haboonaan laheyd in layirahdo gabar reer hebel ah ayaa lakufsaday waayo Soomaalinimo iyo Muslimnimo uma kacaan Soomaalida. Hada kahor ayaa tuug lagu qabtay masjidka isagoo kabaha xadaya. Markii la’isug yimid oo naftiisa ubaqay oo dhowr jeer kucelceliyey walaalyaalow nin Soomaali ba ahay ayuu xaqiiqsaday inuusan sidaas kubaxsaney ” Waryaa reer hebel ahey” ayuu afka furtay. Ragii dilaayey qaar kamid ah ayaa isla markiiba booday ‘war suga… war suga ninka waa reerka’. Dumarka Soomaaliyeed waa iib siduu dalka iib uyahay. Ummadda maanta Somalia kunool waa dugaag