Home » Warar »

Madaxweynaha DFS: Kenya inta wax iska Xar Xariiqatey ayey u Gudbisey Qaramada Midaabey si ay hesho Qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Xasan Shiikh Maxamuud oo Shaaca ka qaaday inuu yahay Musharax u taagan Doorashada Sannadka 2016ka

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Habeenkii xalay Su’aalo toos ah ay weeydiinayeen Dadweynaha isagoo ku sugan Xarunta Villa Soomaaliya ayaa ka jawaabay su’aalihii ay dadku soo weeydiiyeen.

Xasan Shiikh ayaa ka hadlay Barnaamijka Kufsiga oo beryihii dambe hadal hayntiisu aad u soo kordhaysey gaar ahaana kii u dambeeyay ee Hay’adda Xuquul Insaanka ee Human Rights Watch ay ka qortay Ciidamada Amisom ayuu sheegay inuusan marnaba raali ka ahayn in meel looga dhaco Sharafta Dumarka Soomaaliyeed tiro dhowr mar ah oo horena uu ka hadlay arrintan.Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Amisom in arrintaas baaritaan dhab ah lagu sameeyo isla markaana jawaab cad laga bixiyo.

Madaxweyne Xasan ayaa arrimihii kale ee la soo weydiiyay waxaa ka mid ahaa Biyaha Soomaaliya isagoona sheegay in arrintaas dacwad ay ka gudbiyeen isagoona Kenya ku eedeeyay in wax inta iska Xar xariiqaty ay Qaramada Midoobay u gudbisey iyadoo ku andacoonaysa in Biyahaasi ay leeyihiin arrintaas oo uu sheegay inaan marnaba Soomaaliya gorgortan ka galayn Biyaha Soomaaliyana ay yihiin arrin lama taabtaan ah.
image
Xasan Shiikh Maxamuud oo wax laga weydiiyay Sanadka 2016ka Doorashada ka dhacaysa Soomaaliya ayuu sheegay in Isagu uu yahay Muwaadin Soomaaliyeed xaqna u leeyahay inuu isu soo taago xilkaas haddana uu cadeynayaba inuu isu soo taagi doono Xilka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2016ka.

******

Wararka kale ee Soomaaliya hoos ka akhri

*******

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo Magaalada Baydhabo Shir dib u Heshiisiin ah kaga Dhawaaqay.

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan oo shalay gelinkii dambe ka qayb galay shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada kana dhacay Xarunta ADCda Baydhabo ayaa ka hadlay shir dib u heshiisiin ah oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Porf Jawaari ayaa u sheegay dadkii Khudbaddiisa dhagaysnayay in lagama maarmaan ay tahay in la qabto shir dib u heshiisiin ah isla markaana shacabka Gobolada Bay iyo Bakool ay samaystaan Maamul goboleed ay u dhan yihiin.Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa sheegay in shirkan dib u heshiisiinta ah eek a dhacay magaalada Baydhabo looga go’ leeyahay sidii loo dhamayn lahaa khilaafka u dhaxeeya labada Maamul Gobo lee ka jirta Gobolkaas loona dhisi lahaa hal Maamul oo la wada aqoonsan yahay.

Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa farta ku fiiqay khilaafka uu ka wanaagsan yahay in xal loo dhan yahay la helo si Gobolkaas iyo Gobolada kale ee Maamulkaas ku Midoobaya ay u gaaraan horumar dhinac walba leh.Hadalka Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa waxaa durbaba Mucaaraday siyaasiin taageersan Maamulka Lixda Gobol kuwaasoo sheegay in marnaba wada hadal ayan la galayn maamulka Sedaxda Gobol laakiin ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan Maamulka Axmed Madoobe si ay uga wada hadlaan Maamul u samaynta Lixda Gobo lee koofur Galbeed.

******

Fal Dhac ah oo la yaab leh oo xalay ka dhacay Degmada Heli waa ee magaalada Muqdisho

Kooxo Tuugo ah oo ku lebisan Dharka Ciidanka Dawladda ayaa xalay Dhac u gaystay Carwo ku taala Degmada Heli waa gaar ahaana Xaafadda Waxara cadde. Cabdi Cabdullaahi Bidaar oo ah milkiilaha Carwadaas oo war baahinta waraysi siiyaya ayaa ka war bixiyay qaabkii uu falkaas u dhacay isagoona sheegay in arrintaasu tahay mid ku cusub guud ahaan magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda ay deggan yihiin.]

Dhibanaha ayaa sheegay in God dheer la soo qoday kaasoo qiyaastiisu uu sheegay in ay markiiba ay dhex mari karaan illaa shan qof Godkaas oo waddo u noqday Dukaankiisa iyo goobta Bur caddu socodkooda ka soo bilaabeen. Bidaar ayaa sheegay in Kooxdii bur cadda ahayd ee Direyska gashaneed markii ay Dukaankiisa ay soo galeen inay halkaa kula kulmeen Nin waardiye Dukaanka ka ahaa oo halkaa jiifa dabadeedna Hurdadii ka kiciyeen iyagoo weeydiinaya Furaha Khasnadda lacagtu ku jirto.Warbixinta milkiilahan ayaa intaa ku daray in Ninkii waardiyaha uu sheegey inuusan hayn furaha Khasnadda hase yeeshee Kooxdii ay jir dil u gaysteen isagoona intaa ku daray in hore ay u qaateen lacago halkaa yaalay Mobailo iyo alaabo kale oo qaali ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynaha DFS: Kenya inta wax iska Xar Xariiqatey ayey u Gudbisey Qaramada Midaabey si ay hesho Qayb ka mid ah Badda Soomaaliya. "

  1. runtii madaxeyne Xasan wax wuu qabtay lakiin dhaliilo badan ayaa jira, lakiin waxaa guul ah inuu bada Somalia ka celiyey cadawga. runtii maalintii uu u sharaxnaa xilka madaxweyna wuxuu yiri ” u ogolaan maayo in dhulkeena cida (inch) in le eg laga qaato” manta markaan arkay qaylada Kenya waxaan dareemay in madaxweynaha iyo baarlamankii 2009 diiday gadashadii bada ay ahaayeen geesiyaal dhulkooda difaacay. madaxweyna waxan u dhiibnay wadan burburay oo sharaf iyo karaamo belay, runtii inuu intaba soo celiyo wey adagtahay xitaa kan 2016 masoo celin karo wax kasta. lakiin runtii madaxda hada waxooga sharafteeni ayey soo celiyeen. waxan madaxweynaha ku dhaliilsanahay inuu wax weyn ka qaban waayey kufsiga iyo bahdilka lagu wado Gabdheheena oo ahaa sharaf iyo dadnimo intii aan ka haysanay. waxan kaloo aad uga xumaha in Daayeerada AMISOM ay gabdheheena kufsadaan weliba caasimadii oo saxaafada iyo shacabka somaliyeed kawada aamuseen. allaw sharaf, karaamo iyo nabad na sii. allaw qabiil iyo cadaalad xumo naga qabo. walahi madaxweyna qabiil iyo wax kale oo aan somalinimo ka ahayn lama wadaago lakiin haduu sharafteena, dhulkeena, badeena iyo dumarkeena ilaaliyo waxaan raali ka ahay inuu na xukumo weligiis. manta talaabada uu ka qaaday cadawga badeena iyo dhulkeena wexey ka dhigeysaa geesi la mid ah, Allah ha u naxariistee Aadan Cade iyo Abdirashi Sharma’arke. guul madaweyne! Allah haku barkeeyo adiga iyo intii dhiig wadaninimo ku jiro. somaaliyey guul.