Home » Faallo »

SIRTA KU QARSOON DACWADA AY DF SOMALIA KU FURTAY KENYA

Magaceygu waa Avv. Dr. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed “Tallman” Waxaan ahay sharciyaqaan caan ka ah dalka iyo dibeddaba. Arrinka dacwadan badda ku saabsan oo lagu furay Kenya, waxaan ka oranayaa laba kilmadood.

Qofka Soomaaliya dacwad gelinaaya, maanta oo ay tabar daran tahay, lana socda in Kenya ay garab taagan yihiin reer galbeedka oo dhan, gaar ahaan, NORWAY, waa qof lacag badan ku qaatay in badda loo xukumo Kenya.

Waxaa laga baqay in toos Kenta loogu wareejiyo baddan uu ceegaago shidaalka xad-dhaafka ah; markaasaa arrinka loo qayilay oo la soo hindisay hab kale oo Kenya loogu wareejin karo badda: WAA SAHAL:

sirdacwadDacwad baan Kenya ku fureynaa oo aan hubno inay iyadu ku adkaan doonto. Sidaas ayaa muraadkiina lagu gaarayaa oo laaluushkii lagu bisleysanayaa, isla markaas, markii Kenya loo xukmiyo, cid eedda la saari karo ma jirto oo waxaan isku difaaceynaa:

Maxkamad caalami ah ayaa xukuntay, maxaan annaga ka qaban karraa?! Annaga dadaal bay naga aheyd oo waxaan rabnay in Kenya aan ka dhicinno baddeenna.

Laakiin, nasiib darro, dacwadii baa naloo kaga adkaaday.

Soomaaliya waa bukaan hadda uun taaftaaf bilaabay, Dawladda Xasan Shiikh Maxamuud oo legdan gelisay Soomaaliya oo tacbaan ah,,

WAA DAWLAD LEH UJEEDDO CAD OO AH IN LA BISLEYSTO LAALUUSHKA NORWAY IYO KENYA, BADDANA KENYA LAGU WAREEJIYO.

DAWLADDiI SHARIIF AXMED OO RABTAY INAY BADDA CADDEYSATO OO AY KAASH KA DHIGATO, WAXAA YUREEYAY BARLAMAANKII WAQTIGAAS.

BAL AAN HUBSANNO BARLAMAANKA MAANTA JIRA IN UU LEEYAHAY KARTIDAAS, WADDANIYADDAAS IYO HUFNAANTAAS..
WAXAANBA MAQLAAYAY: lixdan iyo siddeed (68) xildhibaan oo barlamaanka ka tirsan, waxay wataan baasaboorro ay leedahay dawladda NORWAY.

ALLA MAXAA BARLAMAANKA LAGA SOO BUUXIYAY XILDHIBAANNO KA WAKIIL AH NORWAY. SOW HADDA INOO MA CADDA SABABTA RAGGAN REER NORWAY LOOGA SOO BUUXIYAY BARLAMAANKA?!

HADDII XASAN SHEEKH MAXAMUUD UU LA SOCDO SHIRQOOLKAN, DEE ISNA WAA EEDEYSANE, HADDII UUSAN LA SOCONNA, WAA INUU DEGDEG WAX UGA QABTAA RAGGA DOONAYA IN AY BADDA DHAAFSADAAN XOOGAA SUNUUD AH.. EEDDU WAA AY QABANEYSAA DAWLADDAN, OO MAR UUN BAA LAGU MAXKAMADEYN DOONAA, FAKAN DARTII, XATAA HADDII SOOMAALIYA AY KU GUULEYSATO DACWADAN, DEMBIGU WAA TAAGNAANAYAA WELI. MAXAAYEELAY BADDEENNII BAA LA GELIYAY HALIS LAGU WAAYI KARI LAHAA.

Avv. Dr. Cabdulqadir Tallman
advtallman@gmail.com

Madaxweyne Mooge: Muxuu kala Socdaa muranka xadeynta badda ee loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Qaramada Midoobay ee Hague?

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " SIRTA KU QARSOON DACWADA AY DF SOMALIA KU FURTAY KENYA "

  1. geeddi says:

    allah soomaaliya garabkeeda ha galo, Waxaa madax u noqday Maxaan Cunaa aan wax kale eegayn, helayna kuwo sidaa uu falayo ku amaanaya oo u arka halyey wadani ah.

    tolow miyuusan soomaali ahayn ama rajo ka qabin caruurtiisa mustaqbalkooda.

    waxa iigu yaabka badan ee aan ku arkay ninka maanta sheeganaya madaxweynaha soomaaliya waa “inaysan is ogayn afkiisa iyo dhegtiisu”

    miyuusan dib u raacin waxa uu hore ugu soo hadlay mise wuxuu la mid yahay wiilkii yaraa ee la yiri war aamus ee yiri maxaan u aamusayaa sow af malihi.

    ugu dambeyn waxaan oran lahaa madaxweynaha magaca aad maanta wadato maandhow ama iska dhig ama umadda soomaaliyeed ee aan meel la saro lahayn daacad u noqo oo ugu adeeg dhaartii aad martay ee aad magaca allah ugu dhaaratay

  2. Cumar says:

    Ugu horeyn iga guddooma Salaan iyo mahad naq qaaye badan bahda shabakadda Somalitalk iyo qoraaga Avv.Dr. CabdulQaadir.
    Dadka oo dhami wey garteen sida ay arrimaha isu bileen iyo waxn is wada kaabaya inuu nafaaqu si buuxda u caddaaday. Balse waxaa cajiib ah inay ka yihiin jaaliyadda reer Baakistaan dalka Norway kuwa aan la loodin karin oo dalkii ay hore ugu soo jeedeen in la hungeeyo aan sinnaba u oggolaaneynin, waliba heer sare ayey aqoonta iyo hoggaanka waddanka Norway kaga jiraan.
    Inkastoo dalkii khalkhal siyasadeed, dhaqaale xumo awood ciidan dari iyo nabad galyo xumo ka jirto ay ka jiro haddana wa un laga gudbi. balse mar haddaad si nafaaq ku jiro aad geyigaada sunuud u dhaafsato sunuudda iyo saldanada wey dhammaan lakiin dalkii aad beecisay wuu dhaxal wareegay.
    Dhammaan wey og yihiin Hassan Sheekh, Jawaari, Ina Cabdirashiid, Uhuru iyo Kjell Magne Bondevik, sidoo kale madaxda IGAD, kuwa Amisom iyo inta dadaalka ugu jiraty ka yool gaaridda shirqoolkaan.
    Balse maxaa Barlamanka haatan jiraa la gudboon walaalayaal dal la bixiyaa ma ahan arrin sahlan. Haddii aan degdeg dareen hufan, Alle ka yaabid, waddinimo daacad ah lala imaanin waxaad qeyb ka tihiin shirqoolka. Qof kastow ogow xeerka xad badeedka Soomaaliyeed waa Law.No 37 waxaa idinla guddboon sida Peru inaad ku dartaan dastuurka si aanan dib danbe cidina muran uba gelinin.
    SOOMAALIYEEY AAN ISTAAGNO, AAN DIIDNO XAALKA WAA GEYIGII OO KENYA LOO HIBEYNAAYO!!!!!!

  3. Adam Abdi says:

    Saaxib waad mahadsantahay qoraalkan iyo qoraalada Somalitalk guud ahan kudifaacayso badda Somalia. Dowlada iyo baarlamanka waa lagartay oo waa labo mid inay dhan kayihiin arinta iyo inay baqayaan wax hoosta looga sheegeyba, anaga dadweyne ahaan waan kala qeybsanahay oo waxaan kamashquulsanhay sidaan dhulka ukala qeybin laheyn oo aan Ethiopia ugu biiri laheyn. Su’aashu waxay tahay, maxaa laqabankara ama ay qabankaraan afraad kaxun arinta haddiiba ay jiraan?
    Waad mahadsantahay