Home » Warar »

Halkay Mareeyas Dacwadii Ka Dhanka ahayd ee Dahabshiil-Denmark ?

Hay`ada lasocodka dhaqaalaha Lacagaha (Finanstilsynet) ayaa ugudbisay Boliska wadanka Denmark Dacwad ka dhana Labada Shirkadood ee ka shaqeeya arimaha Xawaladaha Lacagaha ee kala ah Dahabshiil Money Transfer Service iyo Quick International Money Transfer .

Finanstilsynet ayaa baritaankaan bilaawday July 2013 ayadoo hada u gudbisay Dacwad ka dhana labadaan shirkad boliiska Denmark, Labadan shirkadood ee dacwada laga gudbiyaya ayaa waxa kamida Shirkada Dahabshiil ee wadanka Denmark oo ay leyihiin Ganacsato Somaliyeed, Dadka Somaliyeed ee ku nool wadanka Denmark ayaa lacagaha ugu diro qosaskooda oo ku nool dalki Hooyo, waana caqabad ku soo kordheysa Dadka somaliyeed ee ku nool wadanka Denmark hadii laga joojiyo shaqada shirkadaan .
Hay`ada lasocodka dhaqaalaha Lacagaha (Finanstilsynet) ayaa sheegygatay inay cabsi ka qabaan sida ay wax u wadaan shirkadaha ay dacwada ka gudbiyeen. Cabsidooduna waxa ay ay tahay iney dhaqaan ama tirtiraan tiraan Magacyada dirayaasha lacagaha, Dadka dambiilayaasha ah oo si qaldan u helay lacagtaas iyo inaan la ogeen in lacagahaasi loo diro ururada argagaxisyada ah ee dibada.

https://www.finanstilsynet.dk/da/Tal-og-fakta/Vurderinger-af-finansielle-virksomheder/2014/VU-Dahab-Shiil-030714.aspx

Madaxa Hay’ada FSA Mark Andrew Rønnenfelt waxa uu yiri :”Waxaa muhiim ah iney shirkadahaas xawaalada iney si sax ah u og yihiin macagyada dadka isticmaala xawaaladahaas, isla markaasna ay foojignaan gaar ah u yeeshaan hadii si qaldan loo isticmaali karo shirkadahaas. Hadii aysan taas dhicin waxaa boliiska ku adkaaneyso iney ogaadaan hadii si qaldan oo dambi ah loo isticmaalo adeegooda, sida lacag dhaqid ama caawinaad argagaxisnimo”.

Hay’adaha Lasocodka dhaqdhaqaaqa lacagaha (Finanstilsynet) ee Denmark ayaa sheegtay in booliiska uu ka cabsi qabo maalgelin argagixiso iyo lacagta la diray.

Finanstilsynet ayaa sheegtay in Labadaan shirkadood ee ka shaqeeya xawaaladaha lacagta ee saldhigooduna yahay Magaalada Kobanheegan, In marar badan ay si weyn ugu xadgudbeen sharcigi dalka Denmark ee Lacagaha ku saabsan. FSA ayaa sheegtay inay booliiska u gud´biyeen si ay u baaraan labadaas shikadood oo midood tahaya shirkada xawalaada ee Dahabshiil oo Somali badan ay wax ku dirsadaan. Cabsida iyo Dacwada laga gudbiyay shirkada Dahabshiil ayaa ku saabsan inaan la ogayn sida ay u isticmalaan nidaamka lacag bixinta iyo Nidaamka lacag Diristooda lamana ogo lacagaha laga diro in lagu taagero argagixisada.

Tan iyo 2012, Xafiiska Serious Fraud waxa uu helay 17 kiis wuxuu eegay si la mid ah. Shirkadaha lacagaha xawila xogta ay ka hayaan dadka isticmaala shirkadahooda, waxa ayna ogadeen inay xogta lacagaha la diro aad u yartahay, Lagana cabsiqabo inay albaabka u furto inay ku dhuuntaan dembilayasha lacagaha u diraayo argagixisada.

Madaxa Hay’ada FSA Mark Andrew Rønne Waxa u yiri : “Shirkadaha waa inay ogadaan aqoonsiga macaamiisha ay wax u qabanayaaan, waana ku waajib ineey ilaaliyaan xeerarka uyaala qeybaha lacagaha, Waana in ay ogaadaan wixii macaamil ganacsi ah oo lacagtooda laga shakiyo, wayna ku qasban yihiin inay u sheegaan booliiska. Haddii a ay shirkadahaan sidaasi yeeli wayaan ,waa hubaal in boolisku uu sana wax ka qaban karin ayna adagtahay in la ogaado hawlaha dambiga ah sida lacagta la dhaqay ama taageero argagixisada, waana arrin culus. Sidaa darteed, waxaan ku khasbannahay in booliiska u sheegno markaan aragno Xaaladaan sidaan oo kale ah aadkana u fool xun.
Maxay tahay Edeynta Loo Jeediyay Labadaan Shirkadood ?

Laba shirkadood ee Dahabshiil Money Transfer Service iyo Quick International Money Transfer ee fadhigoodu yahay Caasimada Kobanheegan ee Denmark, ayaa lagu edeyay qodobadan:
Inay u shaqeeyaan si aan waafaqsaneyn xeerka lacagaha Denmark ayna u maamulaan arrimahooda lacagaha dirista si qaldan
Tababar la’aan heesata shaqaalahooda
Ayagoo aan heyn maclumaad ka saxda ah ee macaamiishooda.
Inay jiraan wakiilo jooga meelo aan si sax loo ogeyn aanan la koontorooli karin sahaqadooda.

FSA ayaa waxa ay sheegtay inay aragtideeda tahay inay u hogaansamaan shirkadda Lacagaha ka shaqeeya shuuruucda dalka u yaala shaqaalaheedana u tababartaan sida shaqalaha kale. Waana waajib in hay´adaha dawlada aya lasocodsiiyaan wixii ay ka shikiyaan , laakiin dahabshiil weligeed lama soo xiriirin Hay’adaha amniga iyo weliba laamaha dadwlada arrimo la xiriira arrinkaa. Waana sababta keentay inaan usoo gudbino Boliska labadan shirkadood si ay usoo baaraan arrinkaan.
Shirkada Dahabshiil Money Transfer Service Denmark Maxay ka tiri Dacwadaan iyo Edeyntaan Loo Jeediyay ?
Mar uu la hadlay Warbaahinta Muse Farah Jama oo ah wakiilka Dahbshiil ee Denmark wuxuu sheegey in ay isku dayayaan ineey ilaaliyaan sharciyada wadankaan, isagoo sheegey ineey leeyihiin saddex wakiil oo kala jooga magaalooyinak kala ah Kolding , Ålborg iyo Aarhus, kuwaas oo ah kuwo kamadax banaan Dahabshiil International .
Sido kale waxuu ku celceliyey ineey sixi doonaan wxii qaldan kuna dadaali doonaan ilaa linta sharciyada dalkan.
Ugu danbeenti kiiska Dacwada ah ee laga gudbiyay shirkadaha Dahabshiil Money Transfer Service iyo Quick International Money Transfer ayaa hada wuxuu ku jiraa gacanta booliska oo baaraya eedeymaha loo soo jeediyey waxii ku soo kordahana waan idin soo gudbin doona.
Abikaadir Kassim “Aqaasim ” Copenhagen – Denmark
aqaasim6@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.