Home » Warar »

Ciidamada Itoobiya oo Hotel ku yaala Baydhabo kala baxay Siyaasiyiin iyo Nabdoono ka soo jeeda Beesha Ogaadeen

Somalitalk 18-8-2014

Waraka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ay Hotel ku yaala Magaaladaas kala baxeen Siyaasiyiiniyo Nabadoono ka soo jeeda Beesha Ogaadeen kuwaas oo Maalmo ka hor gaarey Magaalada Baydhabo kuwaa oo ka yimid Magaalada Kismaayo,, Xubnaha ay Wateen Ciidamada Itoobiya waxaa ka mid ah Axmed Jirre Warfaa, Maxamed Xasan iyo Ugaas Cali Buule lama garanayo Sababha loo watey ragaas hase yeeshee Warar baa sheegaya in ay ka dambeyso ka dib markii la ogaadey in ay ku Howlahan yihiinSameynta Maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda Gobolka, Xariga Xubnahaasi ayaa ilaa hadda aysan ka hadlin Dowlada Federaalka iyo Maamulka Lixda Gobol.

Wararka kale ee maanta ka akhri hoos

***

Dowlada Kenya oo Qiratey in Dalkeeda ay ka dhaceen Boqol Weerar Saddexdii Sanno ee ugu Dambeysey

Sida ay Qortey Jariidada The Standard ee ka soo baxda Dalka Kenya in Saddedii Sannao ee ugu Dambeysey Kenya ay ka dhaceen ilaa Boqol Weerar oo ay geysteen Dagaalyahada Xarakada Alshabaab, Jariidadu waxay sheegety in Warbxino ay ururisey Muddadaas lagu diley ilaa 370 oo Qof ilaa 1075 qofna ayku dhaawacmeen laga soo bilaabo Sannadkii 2011 markii Ciidamada Kenya ay galaan Dalka Soomaaliya marka la fiiriyo Celcelis ahaan Sadaxdii Maalmood la dilayey Hal Qof sidoo kalena 11kii Maalmoodna ay dhacayaan Hal Weerar,, Jariidadu waxay sheegtey in Mudadaas meelaha ay weerarada ay ka dhaceen Goobaha Waxbarashada , Kaniisadaha, Saldhigyada Booliiska , Goobaha laga raaco Basaska iyo Xerayaha Qaxootiga.iyadoo Weerarkii ugu Xumaa uu ka dhacay Xarunta Ganacsiga ee WESTGATE .

***

Xisbi ka mid ah Xisbiyada Kenya oo sheegey in la gaarey Xilligii Ciidamada Kenya laga soo saari lahaa ..

Xisbiga Mucaaradka ee Dalka Kenya ee loo yaqaan CORD ayaa waxaa uu sheegey in la gaarey Xiligii Ciidamada Kenya la saari lagaa Wadanka Soomaaliya , Xildhibaa Cabduqaadir Cumar ayaa waxaa uu sheegey in Saddex Sanno ay u Buuxsantey Joogitaanka Ciidamada Kenya ee Dalka Soomaaliya sidaa darteed waxaa uu sheegey in la joogo Xiligi Ciidamada Kenya ay ka bxi lahaayen Soomaaliya waxaa uu intaa ku darey “ Dhaqaalha ay qaataan Ciidamada Kenya hadii la siin lahaa Ciidamada Soomaaliya welibana loogu dari lahaa Tababar in ay Wax badan ay isbedeli lahaayeen “

****

Dowlada Federaalka oo Guddi u saartey Weerarkii ka dhacay Degamada Madiina

Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa Guddi u saarey Shqaaqadii ka dhacdey Degamada Madiina 15-ka Bishaan ka dib markii ay halkaas kudagaaameen Cidamada Dowlada oo Gacan ka helaya Ciidamada Amisom iyo Ciidamo Daacad u ahaa Gudoomiyihii hore ee Degmada Madiina Axmed Daaci , Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintey Dad Rayid islamarkaana waxaa ku burburey Hanti fara badan , Raiisul wasaaraha ayaa waxaa uu sheegey in Guddigaas ay baaritaan ku sameyn doonaan Qaabkii uu ku dhacay Dagaalkaas iyo Ciida ku lugta lahayd sidoo kale waxaa uu kua dardaarmeyGuddigaas in ay si Cadaalad ah uga soo warbixiaan wixii sababay Dagaalkaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.