Home » Warar »

Farmaajo oo sheegey in Shirkii ka dhacay Mareykanka in Soomaaliya wax Faaiido ah ka soo helin

image· Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlayey Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegey in Shirkii ku dhamaadey Dalka Mareykanka oo ay isugu yimaadeen Dowladaha Afrika iyo Mareykanka aysan Soomaaliya Wax Faaiido ah ka soo helin maadaama Labadii Sano oo uu sheegey in uu Xilka Hayey MadaxWeyne Xasan Shiikh uusan wax ka qaban arrimha Amniga iyo la Dagaalanka Xarakada AlShabaab, waxaa uu sheegey in Mudadaas ay dowlada laga doonayey in ay Guul ka qaarto Dhinaca Amaanka.

***

Wararka kale ee maanta

***
Raiisul Wasaaraha oo sheegey in Muqdisho ay Marti gelin doonto Tartamo Caalami ah.

· Raiisul Wasaarahada Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed mar uu ka hadlayey Munaasabad ku aadan Maalinta Dhalinyarada Aduunka ee 12 Ogoosto ayaa waxaa uu sheegey in Haddii Eeebe Idmo Sannadka 2016 Muqdisho ay Martgelin doonto Tartamo Caalami ah. “ Haddii aad Maqasheen Hiigsiga Siyaasadeed ee 2016 waxaa jiri Doono Hiigsi Ciyaaraad taaso ah in Muqdisho Sannadkaas lagu qaban doono Tartamo Caalami ah” ayuu yiri Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed. “ Waxaa aad ugu rajo weynahay in Sannadka 2016 aya Muqdisho laguqaban doono Ciyaaro Caalami ah oo ah in Muqdisho yimaadaan Kooxo ka socda Qaaradda Yurub iyo Afrika sii caalamka aan u tusino in Muqdisho ay ay ku sii siqeyso Wadadii Nanada iyo Horumarka “ ayu yiri Raiis Wasaaraha oo ugu baaqey Bulshada Sooaaliyeed in ay Rajadaas ka dhabeeyaan.

***

Dowlada Soomaaliya oo 19-ka Bishaan ay Daah ka rogi doonto Ololey lagu Caawinayo haweenka Uurka leh iyo Caruurtooda

· Dowlada Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka waxayy Bishaan 19-keeda ay Daaha ka rogi doontaa Olole loogu Magacdarey CARMMA oo ujeedkiisu yahay sidii loo daryeeli lahaa Hooyada Uurka leh iyo Caruurta waxayna qaban qaban qaabiyayaasha ay sheegeen in Ololahaan uu dhamaan laga furi Doono Gobolada Soomaaliya iyadoo lolahaan si uu u taaba galo Waxaa Qaybaha ka duwan ee Warbaahinta loo Qabtey Siminaarku saabsan Barnaamijkii maadaama warbaahinta ay tahay midka Bulshada ka dhaadhicin karta sidii uu u dhaqan geli lahaa Ololahaasi

.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.