Home » Warar »

“Dalkeena Badda iyo Berriga ma jirto cid damacsan in ay qaadato” Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS

Shacabka Soomaaliyeed hanagu Kalsoonaadaan, mana jirto cid qaadanaysa Badda Soomaaliya

“Arrimaha Badda ee inaga dhaxeeya adduunyada waxay naga dhexeeyaan saddex waddan oo ah Kenya, Jabuuti iyo Yeman.. Dee wax walba waxay leeyihiin qawaaniin iyo sharci haga ayaa jira waxa dadka ka dhaxeeya.. sheeko ayaa na dhex socota .. madaxweynuhu si wanaagsan ayuu uga hadlay maalintii uu baarlamaanka la hadlayey… Prime ministerkuna waa ka daba hadlay oo TV-ga ayuu tegey oo si fiican ayuu uga waramay .. anigu taa waxba ku biirin maayo ee waxaan ‘simply’ oranayaa dadka Soomaaliyeed waa inay nagu kalsoonaadaan, dalkeena iyo biyahiisa, bad iyo berri ma aha wax cidi naga qaadan karayso, ma aha wax cidi damacsan tahay in ay qaadato, iyo wax cidi ay qaadan karayso midna ma jiro mana dhici karto… laakiin in xadad la samaysto ayey tahay, xad walbaan shuruuc ayaa u taala, shuruucda United Nations ayaa taalla, intaas ayaan leeyahay adiguna intaas ayaad leedahay, deedna ‘discussion’ (wada-hadal) ayaa la gelayaa .. waxaan doonayaa dadku inay ogaadaan.. yaah… dalkeenu calaamado ayuu leeyahay, baddeenu calaamado ayey leedahay — yaah — cid wax qaadan karaysaa … ‘Please’ (fadlan) nagu kalsoonaada .. cid wax qaadan karaysaa ma jirto.. Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS oo waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka.

Wasiirku kama hadlin in damaca Kenya iyo in Kenya ay Qaramada Midoobay u gudbisey khariidad ay ku sheeganayso dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxaddiisu aad u ballaadhan tahay iyo in khariidadii uu madaxweynaha DFS u gudbiyey QM ay ku caddahay in dhul-badeedka Soomaaliya muran la geliyey.

Sidoo kale wasiirku kama hadlin waxa iska bedelay Go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee June 6, 2013 oo ahaa “Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.”

……….

Wasiirka Arrimaha Dibadda: Shacabka Soomaaliyeed “Fadlan nagu kalsoonaada, mana jirto cid qaadanaysa Badda Soomaaliya”

beyle3Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo iminka booqashada ku jooga Dalka Maraykanka ayaa waraysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee idaacadda VOAda ka hadlay arrinta Xadeynta Biyaha Somaliya.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ugu horeynba la weydiiyay Xiriirka kala dhaxeeya Xukuumadda Kenya ayaa sheegay in Kenya ay ka mid tahay Dalalka la deriska ah Somaliya isla markaana ay ka dhaxeyso Derisnimo wanaag, Dhul wadaag Dad wadaag iyo Xiriir wanaagsan oo dhinacyo badan ka taabanaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sii faah faahinayay halkii uu ku dambeeyay Heshiiskii Xadeynta Biyaha Soomaliya isagoona sheegay in arrintaa horey uu uga hadlay Madaxweynaha Somaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha isagoona hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya Xad dhinaca Biyaha ah ay la leedahay Dalalka Jabuuti Kenya iyo Yaman isla markaana uu jiro heshiis “Qaramada Midoobay” oo xadeynaya Biyaha Dal walba uu xaqa u leeyahay.

Mr Ducaale ayaa niyadda ugu dajiyay Shacabka Soomaaliyeed in aysan waxba ka wel welin in laga qaato Dhulkooda Bad Berri iyo Biyaba isagoona farta ku fiiqay in Kenya ay tahay Dal la deris ah Somaliya oo dad Soomaaliyeed oo qaxooti ah ay ku sugan yihiin gudaha Dalka Kenya.

Hadalka Wasiirka ayaa laga dha-dhansan karay inuu weli jiro Murankii Xadeynta Biyaha Soomaliya welina Mas’uuliyiintu ay wadaan sidii wada hadal looga geli lahaa Biyaha Somaliya maadaama uu Carrabka ku dhuftay Wasiirka in Soomaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo Dhul, Dad iyo Biyaba taasoo shaki gelin karta tuhunkii horeba u jiray.

Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Dawladda federaalka Somaliya uu Fadhigii Golaha Barlamaanka uu ka hor sheegay in Biyaha Soomaliya aan marnaba gorgortan laga gali Karin in kastoo hadalkaas dadka dhinaca Biyaha Soomaliya u dhuun daloola shaki badan ay ka muujiyeen.

Halkan ka dhagayso waraysigii wasiirka ee voa

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

………..

Go’aankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee June 6, 2013

Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " “Dalkeena Badda iyo Berriga ma jirto cid damacsan in ay qaadato” Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS "

  1. Xagalangeel wax gunti la geliyo ka weyn. Waxa layaab madaxda soomaaliyeed cidda ku qabeysa in ay shuruucda dlkooda aanay tix gelin, ma garan? Weliba waa qiyaamo qaran. Inta badda muranka la gelinayo waxa roon in la wajaho arrimaha ammaanka. Cid kasta oo isku dayda inay halis geliso sharciga badda Soomaaliyeed, waa qaa in qran. Law No.37 cidna ma ag mari karto. Dalaka dhul biyood koodu yahay 200 ml, Soomaaliya keliya ma ah. Maxaa sunaasha geliyey teena, ma isha na muuqataa. Waa la isaga daba imaan. Weliba waqti dheer uma baahna. Waa midda keeni doonta midnida Soomaaliyeed. Yaa maali jiray.
    Ugu dambeyntii waxaan u hanbayeynayaa Somalitalk iyo shaqaalaheeda. Taariikhda idin xusi doonta waxa aad ka qabateen hantida badeed ee Soomaalida. Ogaada waa dhaxal aad wax ku leedihiin.