Home » Warar »

Xildhibaan Sh Aadan Madeer oo Muqdisho lagu dilay

Waxaa maanta salaaddii Jimcada kaddin Muqdishu lagu dilay xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Madeer.
image
Wararka ugu horeeya ee laga helay sida dilku u dhacay ayaa sheegay in marxuumka ay dileen koox ku hubaysnayd tuute, xilligaas oo uu kasoo baxay salaadii Jimcada masjidka Marwaas ee degmada Xamar Wayne.

Kooxdii dilka geysatayna waa ka carareen goobta.

Xildhibaanka la dilay waxa uu ahaa guddoomiyihii guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.

……

Waraysi uu xildhibaan sh aadan madeer siiyey somalitalk 2009
……………
R.W Cabdiweli: Dilka Madeer waa mid loo geystay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa cambaareeyay dilkii xaq darada ahaa ee maanta loogu geystay degmada Xamar-weyne Marxuum Sheekh Aaden Maxamed Madeer oo ka mid ahaa xubnaha Barlamaanka Soomaaliya. waxana uu sheegay in dilka Xildhibaanka ay ku dhiirgelinayso Xukuumadda dagaalka ay kula jirto cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray, Guddoonka iyo xubnaha Baarlamaanka , qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajucuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe uga baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo Xildhibaan Sheekh Aaden Maxamed Madeer, isagana uu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo” ayuu yiri R.W Cabdiweli.

“Dilka Xildhibaan Sheekh Aaden Madeer wuxuu kamid yahay falalka ay kooxaha Nabad-diidku u geysanayaan Xildhibaanada oo ah Wakiillada Shacabka. Waxaan sii xoojin doonaa Horumarada muuqda ee u dhexeeya Shacabka iyo waaxaha amniga ee liddiga ku ah Nabad-diidka”

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Amniga in ay sameeyaan dadaal kasta oo suurto gal ah si dambiilayaasha loo hor keeno cadaaladda.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun

– Dhamaad –
Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Email: Media@opm.gov.so
Twitter: @Somalipm

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Sheekh
Aadan Madeer ..WARSAXAAFADEED

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u
naxariistee Gudoomiyaha Guddiga Maalliyadda ,Miisaaniyadda iyo la
xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo kooxo
dhagarqabeyaal ah ay dil ugu geysteen magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN, hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka
Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka
Soomaaliya waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Allaha u naxariistee
walaalkeen Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer,si gaar ah waxaan ugu
tacsiyadeeynayaa carruurtiisa,qoyskiisa iyo guud ahaanba umadda
Soomaaliyeed”

“Sheekh Aadan Madeer waxaa la dilay xili uu soo gutay waajibkii uu Alle
saaray, isaga oo kasoo baxay salaadii Jimcaha masjid uu kusoo
tukaday,waxaa dishay gacan ka xaq daran,kuwii dilay ayagaa dhib qaba aduun
iyo aakhiraba,cawaaqibka ka dhalan kara inaad disho qof muslim ah oo Alle
cibaadadiisa u taagan waan wada ognahay,Alle ayaa mudankooda marsiin doona
insha Allah, Hay’adaha ammaankana waxaa waajib ku ah iney cadaalladda hor
keenaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi foosha xun”ayuu hadalkiisa raaciyey
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey
marxuum Sheekh Aadan Madeer inuu naxariistiisa jano
siiyo,carruurtiisa,qoyskiisa,ehellada iyo guud ahaanba Umadda Soomaaliyeed
uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan Sh Aadan Madeer oo Muqdisho lagu dilay "

  1. inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun alaha unaxariisto waxaan ilaaheey uga baryeyna janadii firdowsa anaguna ilahey gadashiisa inama fidneyo
    kuwi dilay ayaguna ilaheyba ka jasindoona wasalaamu caleyykum