Home » Faallo »

Waraysigii Cabdullaahi Nuur Salxaan oo Mashiinka Hilibku ka gooyey Gacanta Midig

Somalitalk, London, Ontario

August 3, 2000

  • FG: Waraysiga waxaa SomaliTalk qaaday 2000

Waa wiil dhallinyaro ah isla mar ahaantana kujira waqtiga ay dhallintu ugu firfircoontahay, waxaa kamuuqda sharafta iyo haybadda Islaamka, waa nin aad u bashaash ah [farxaan ah], wuxuu aad ugu qanci ogyahay qaddarta Ilaah kaddib markii makiinad afkabadan ee ah kuwa hilibka logu saafo ay si degdega u jartay gacantiisa midig ilaa meel kudhow xusulka. Walaal waa amar Ilaah ayuu ku oranayaa marka aad u muujisid inaad kaxuntahay arrintaas laxiriirta gacantiisa, wuxuuna waano iyo talo usoojeedinayaa dadka kashaqeeya nooca shaqadii ay dhibku kusoo gaartey. Waa Abdullahi Nuur Salxaan oo deggan magaalada London, Ontario halkaas oo Somalitalk uu kusiiyey waraysigan soo socda.


WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

LONDON, ONTARIO – Salaadii jimcada markii latukadey masjidka londonmuslims ayaan dabaqa hoose ee masaajidka u degey si aan halkaas uga gato kabaab kaas oo ay keenaan dumar muslimiin ah, isla mar ahaantaana lacagta kasoo baxda lagu taageero masaajidka. Qaxwe [coffee] lacag la’aan ah ayaa halkaas yaal, oo maxaa kuudiidey inaad koob isku fiirisid [cabtid].

Wanaaga ku qancidda Qaddarta Rabbi
“walaal tani waa qaddar rabbi, waxaana aaminsanahay xukunka Ilaah ee waxba hakawelwelin”
Abdullahi Nuur Salxaan

Halkaas markii arrinitii mareysey ayaa dhankaa waxaa kasoo muuqday Abdullahi Nuur Salxaan oo si niyadsami ah u dhoola cadaynaya, Asalaamu caleykum kadib gacanta ayaan kasalaamay, xaqiiqadii aad ayaan uga naxay markii aan garwaaqsaday in gacantiisa midigta ah aysan ahayn sidii Ilaah u abuuray asalkii, waa gacan ELECTRORINC ah. Run ahaantii si niyad ah ayaan uga xumaaday in arrintaasi kudhacday, Abdullahi oo ah nin aad u iimaan badan ayaa yiri hadal macnihiisu ahaa ama u dhowaa “walaal tani waa qaddar rabbi, waxaana aaminsanahay xukunka Ilaah ee waxba hakawelwelin”. Halkaas meel loo dhaafo maleh, waana heer aad u sarreeya oo iimaankiisa muujinaya.

Sheeko gaaban kaddib waxaan walaalkay kacodsaday in uu waraysigan mar uun ii ogolaado in aan layeesho si aarintiisa ay dad badani ugu baraarugaan oo markaas dadka kashaqeeya qalabkaas aadka u afka badan ee dhibku kasoo gaartay ay uga taxadaraan si aysan arrintaan oo kale ugu dhicin. Markiiba wuu aqbalay, waxaan ku ballanay waqti iyo goob cayiman, waana kan waraysigii:

SomaliTalk: Walaal fadlan wax noogasheeg sidii arrintani kudhacday?

Abdullahi N. Salxaan: Waxaan kashaqaynjirey macdaar Hilib Xalaal ah oo lagu magcaabo “50 Food Center Halal” oo kuyaal magaalada Sandiego, Califoria, USA. Waxaan markii hore ugu shaqynjirey “Part-Time” [shaqo xadidan]. July 6, 1999 ayaa la’iga dhigay “Full-Time” [shaqaale resmi ah]. Islam maalintaas ayaa dhibkani dhacay.

hilib2Markaas iyada ah dukaanka keligay ayaa joogey, makiinada ayaan nadiifinayey, waxaan Caano geliyey Filintijeerka [fridge], markii aan makiinadii dib ugu soo laabtay xaqiiqadii magaranayo sidey ku daarmatay ee mar uun ayaan kawar helay gacantii oo makiinadii goysey. Waa degdeg, manasharrixi karin waqtigaas sida fekerkaygu ahaa. Makiinada oo aad u afbadan [seef ah], aad u degdegbadan, xawli sarena ku socota marka ay daarantahay waxa ay taabato waa wax aan waxba lagasugeyn oo haray ayey ka saafeysaa [jareysaa]

Waxay ahayd makiinad duq ah oo aan casri ahayn, isla mar ahaantaana aan lahayn wax ka xannibaya in arrintan oo kale ay dhacdo, yacmi [safety] wanaagsan ma lahayn. Mana lahayn birta shabaqa ah oo loogu talagalay makiinadaha noocaan ah in ay qofka ka ilaaliyaan khatartan oo kale.

Waxaa la igeeyey cusbataal, bil kaddib markii aan daawadii dhammaystay waxaan soo aadey CANADA oo ahayd meeshii aan deganaa kahor intii aanan booqashada ku tegin Mareykanka.

SomaliTalk: Caymis (insurance) shirkadda aad u shaqayneysey ma kujirtey, mase lagusiiyey xuquuq gaar ah?

Abdullahi N. Salxaan: Maadaama ay dukaanka lahaayeen dad Islaam ah, isla mar ahaantaana ay dhibtani u dhacday si aan ulakac ahayn, waxaan markaas ku dhammaysanay sharciga Islaamka habka uu qabo. Waxaana u wada xaajooney habka Shareecadda Islaamka, waana ku qanacsanahay.

SomaliTalk: Dhanka daawada kawaran?

Abdullahi N. Salxaan: Waxaa la igu soo dallacay lacag gaareysa ilaa $US 50,000 [konton kun doolar US] taas oo ah lacag aanan awoodi karin.

Dhanka kale waxaan u dacwoodey dawladda Canada si ay taageero iiga siiyaan sidii aan ku gashanlahaa gacantan ‘ELECTRONIC’ ama qalabka casriga ah ku shaqaysa. Waxaa markaas ay dawladda Canada igabixisay bar kamida lacgtaas oo dhammayd 10,000 [canadian dollar]. Inkasta oo aysan ii bedelikarin tii hore [ee rasmiga ahayd] laakiin waa i caawintaa. Waxaan ku qaadikaraa ilaa hal galaan [qiyaastii 2 kg] oo culays ah.

SomaliTalk: Maxaad kula talinlahayd ama u sheegi lahayd dadka leh ama kashaqeeya meelaha lamidka ah halkii dhibku kugusoogaarey [Hilib xalaalka].

Waano Goobaha Hilib Xalaalka
Makiinadohooda hageliyeen caymis, dib u habayna hakusameeyeen si joogto ah.
Abdullahi N. Salxaan

Abdullahi N. Salxaan: Dadka kashaqeeya goobahaas waxaan kula talinlahaa in ay markasta taxadaraan kuna dadaalaan sidii ay naftoodana u badbaado gelinlahaayeen waxna u qabsan lahaayeen ama u shaqaysan lahaayeen.

Dadka leh goobahaas waxaan kula talinlahaa in ay makiinadohooda caymiska geliyaan, kana taxadaraan sidii aysan makiinadohoodu dadka wax u yeelin. Isla mar ahaantaana ay makiinadaha fiiriyaan si joogto ah isla mar ahaantaana ay dib u habayn ku sameeyaan lixbilood oo kasta, taas oo markaas yarayn karta khatarta halkaas ka imankarta.

SomaliTalk: Waa maxay yoolka [ama hadafka] aad hadda higsaneysid?

Abdullahi N. Salxaan: In aan barto wax lagaqaban karo hal gacan weeye hadafkaygu hadda. Hadda waxaan dhigtaa dugsiga [schoolka] lagumagcaabo Wheable halkaas oo aan rajeynayo in aan kabarto xirfado kala duduwan oo mustaqbalka anfac u leh naftayda, ehelkayga iyo ummadayda.

Dadka ay kudhacday dhibkan oo kalena waxaan kula talinayaa in ay xag Ilaah u noqdaan. Ilaah talo saartaan, kunadadaalaan wixii ay awoodi karaan ama ay qabsankaraan. Ilaah ayaana og waxa Bini-Aadamka maslaxaddu ugu jirto.

SomaliTalk: Walaal aad iyo aad ayaan kaaga mahadcelineynaa waqtigaaga qaaliga ah. Waxaana Ilaah kaaga baryeynaa in uu kuu furo ferej khayr qaba.

Abdullahi N. Salxaan: Mahadsanid walaal.

……………

Abdullahi waxa uu usheegay SomaliTalk in uu yimid Canada sannadkii 1991, iyada oo 5 sano uu kunoolaa magaalada Brant Frod, 2 sano  Toronto, iyo 3 sano London oo dhammaan katirsan gobolka Ontario ee dalka Canada.

Ugu dambayn bahda SomaliTalk waxay mar labaad mahad u jeedinayaan Abdullahi waqtigiisa qaaliga ah ee uu noo ogolaaday in aan warkaan soo tebino.

Cinwaanka internetka ee Abdullahi N. Salxaan waa salhan2@hotmail.com

Qore: Maxamed Cali

oo xilligaas 2000 ku sugnaa London, Ontario (2000), laakiin hadda deggan Minnesota (2014).

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.