Home » Warar »

Saado Cali Warsame oo lagu dilay Muqdisho

Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa lagu diley magaalada Muqdisho.
image
Warar hordhaca ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay maanta July 23, 214 rasaas ku fureen gaari ay saarnayd marxuumadu, oo marayey meel u dhaw tree biyaano, ayna halkaas ku geeriyootey.  Waxaa kale oo geeriyoodey darawalkii gaariga wadey.

Marxuumadda ayaa ahayd xildhibaanad ka tirsanayd baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka akhri qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaaraha oo ku saabsan geerida marxuumadda.

R.W Cabdiwali: “Xildhibaanad Saado waxay ahayd wadinyad ay dadka Soomaaliyeed tabi doonaan”

Mogadishu, July 23, 2014…… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed, ka tacsiyeeyey dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo kooxo dhagar-qabayaal ah maanta ku toogteen magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa falkan ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo looga golleeyahay in lagu wax yeelleeyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane Cabdiweli ayaa sheegay in kuwa dilkan ka dambeeyey ee gacmaha dhiigga ku leh la dabageli doono ilaa caddaaladda la horkeeno.

“Maanta waxaan dhammaanteen ka murugaysanahay dilkan oo ah xadgudub kale oo lagu soo qaaday dowladnimada Soomaaliya. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dhimatay Xildhibaanad Saado Cali Warsame,Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul Firdowso. ” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sii raaciyey ” Saado Cali Warsame waxay ahayd Xildhibaanad qaran kana mid ah fanaaniinta ay dadka Soomaaliyeed aad u jecelyihiin, isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyad iyo dal jacayl” ayuu yiri RW Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in qof kasta uu dhimanayo, geeriduna ay tahay mid xaq ah. isagoona tilmaamay in ay geeriyootay xili lagu jiro tobankii ugu khayrka badnaa bisha barkaysan ee Ramadaan.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Saado Cali Warsame oo lagu dilay Muqdisho "

  1. ascww allaha unaxariisto saado ali warsame waxaan is leeyahay laba arimood midkood baa loo dila, mawqifkeedii xaga arimaha badda ee wakhtigaan taaga,ama fikirkeedii midnimada soomaaliya.

    lkn runta allaa og oo aan wax ka qarsoonayn,waxaa kalo xamar jirey sida aan maqlay xaafadda shibis dad ay dhul isku haysteen sidaad ogtihiina mushkiladda dhulka xamar aad baa la isugu dilaa.

    sangub ayaa xabaasheedii hadal qiiro badan ka jeediyay isagoo ooyaya,wuxuuna mar yiri uma malaynayo inaan ka danbeenayo aad baan uga naxay.

    waxaan waydiisanayaa ummadda somaliyeed iyo somalitalk inay qayb ka qaataan saado ali warsame in lagu magacaabo garoonka diyaaradaha ee kismaayo,ama dekadda muqdisho,ama dekadda boosaaso midkood,sidaa waxaan u leeyahay way u qalantaa marka aan eego hadalkeedii u danbeeyay ee baarlamaanka ay ka jeedisay malin ka hor intaan la dilin iyo soomaalinimadeedii.