Home » Warar »

Suleymaan Maxamed Ibraahim “Waa yaabee ma hadda ayaa la heley Wadankaan waa iyada la leeyahay Baddiisa ma Xadeysna”

Suleymaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Dowladii Kumeel gaarka ahayad ayaa mar uu u waramayey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa soo hadal qaadey Qoraalkii uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu u Gudbiyey Qaramada Midoobey Bishii hore Sodonkeeda kaasoo uu ku dalbanayey in Dowldda Federaalka ay diyaar u tahay in ay Wada hadal ka gasho Badda Soomaaliya gaar ahaan Dhinaca Xuduuda ay Soomaaliya kala leedahay Dowladda ,waxaana uu Qoraalkaas ku tilmaamey mid wax u dhimaya Qaranimada Ummada Soomaaliyeed.

somali149Suleymaan Maxamed Ibraahim isagoo sii hadlaya waxaa uu yiri “Waa yaabee ma hadda ayaa la helay Wadankaan waa iyada la leeyahay Baddiisu Ma xadeysno , Qoraalka uu Madaxeyne Xasan Shiikh uu u Gudbiyey Qaramada Midoobey waa mid Siyaasad ka DAmbeyso” waxaa uu intaa uu sii raaciyey “ Qoraalkaas hadii ay cadaato in Madaxweyaha uu gudbiyey Qaramada Midoobey waa mid uu ku muteysan karo Maxakamad marka waxaan u soo jeednayaa Masuuliyiinta Dowlada in ay faraha kala baxaan Badda Soomaaliya .

“Sannadkii 1960 –kii ayaa qaadanay Xorriyad Wadanka Kenya waan kaga horeeyney Xorriyada , wixii Dowlado ahaa ee Dalkaan soo marey marnaba laguma soo qaadan wax ku saabsan Xadeynta Badda Soomaaliya marka waxaan dhihi karaa in maanta la soo hadal qaado Badda Soomaaliya waa arrin ay Dabada ka riixayaan Dowlado shisheeye kuwaa oo dano ka leh Badda Soomaaliya” ayuu yiri Suleymaan Maxamed Ibraahim oo ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed In ay ka horyimaadaan damacaas ay Wataan Madax Soomaaliyeed .

Suleymaan Maxamed Ibraahim waxaa uu sheegey in Badda Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah isla markaana waxaa uu Dowladda Federaalka uga digey in ay Dib ugu laabtaan Go’aankii Baarlamaanka ee uu ka gaarey Badda Soomaaliya sidoo kale waxaa uu sheegey in Go’aankii Baarlamaanka ee uu kal hore ka gaarey uu yahay mid sidiisii u taagan oo lama taabtaan waxaa uu ugu baaqey Warbaahinta in ay Bulshada u iftiimiyaan Siyaasiyiinta iyo Madaxda la damacsan in ay dalka Hagardaameeyaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.