Home » Warar »

Milkiilihii Dhismihii Baar Bakiin oo  Cadaaladdaro ku Tilmaamey Burburintii lagula kacay Dhismihiisii ku yaaley KM4.

Milkiilaha Dhismihii Bar Bakiin ee ku yiiley Agagaarka Km 4  la bur-buriyey Bishii June  ee Sannadkaan  ayaa Saxaafadda u soo bandhigay Qoraalo ama  Document-yo  Caddeynaya Sharci ahaanshaha Dhismahaasi

Ganacsade Daahir Maxamed Aadan oo Daahir Bakiin ku magac dheer ayaa Wariyaasha tusay Cadeymaha Dhulka uu dhistay oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali (Dhagax tuur).

Sidoo kale wuxuu Daahir Bakiin soo bandhigay Warqad ka soo baxday Maxkamadda sare  ee Dalka  oo tilmaameysa in aan la dumin Karin Dhismaha Baar Bakiin illaa Magdhaw buuxa laga siiyo Milkiilaha Maal-gashaday Dhulkaasi.

somali148

“22kii June ee Bishii hore ayaa Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Banaadir waxay  si ka baxsan Nidaamka Dowladnimo u Burburiyeen Dhismhii  aan ku lahaa  agagaarka Km 4  oo iigu fadhiyey Kumanaan Kun oo Doolar “ sidaa  waxaa yiri Daahir Maxamed Aadan (Daahir Bakiin) waxaa uu intaa ku darey

somali147

“Ma jirin wax bedel ah oo la ii  sheegay in dhulkaasi la iigu  bedelayo, sidoo kale la ima siin  waqti igu  filan oo aan uga guuro meesha haddii la Burburinayo iyadoo Dhinaca kale aan la igu wargelin in dhismaheyga  la baabi’n doono” waxaa uu sii daba dhigey hadalkiisa

“wax walbana waxay ku dhaceen maalmo gudahood, waxaana halkaasi iiga khasaartay hanti aan yareyn…dowladdu waa in ay garowsato falka dhacay oo ah xad-gudub loo maray awood Dowladeed, isla markaana waa in ay Magdhaw ka bixiso khasaaraha dhacay” 

Daahir oo aan ku faraxsaneyn  sida wax u dhaceen ayaa hadana yiri “ Dhacdadaan waxaan u arkaa arrin lagu qancinayo dad kale .laakiin waxaa muhiim ah in ku xad-gudubka xuquuqda dadka aan lagu qancinin dad kale”  

“Ma xuma in Dowladda hoose ay bur-buriso Dhismooyinka aan sharciga aheyn laakiin waa in loo maraa wadiiqo aan sharciga ka baxsaneyn, iyadoo Magaalada Muqdisho laga heli karo dhismooyin  Wadooyinka Bartamaha u soo galay ama meelo  dan guud ah ku yaala aan waxba laga qaban.  in lagu deg-dego Baar          Bakiin waa arrin lagu tilmaami karo mid Cadaaladda iyo Nidaamka Dowladnimo ka fog”.ayuu ku soo Gabagabeeyey Daahir Bakiin hadalkiisa .

 

W.D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.