Home » Warar »

Kulan ku saabsanaa Daahfurka Filimka Dhibaatooyinka Burcad Badeeda ay ku leedahay Bulshada oo ka Dhacay Gaalkacyo.‏

Kulan si heer sare ah loo soo agaasimey islamarkaana lagu soo bandhigey Muuqaal ka Turjumayay Dhibaatooyiinka laga dhaxlay Falalkii Burcad Badeeda ee Sanadihii la soo dhaafey sida Xowliga uga socdey Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtey Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Kulan waxaa soo qabanqaabiyey Xarunta Macluumaad iyo ka Hortaga Burcad Badeeda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SAPIC ayaa markii ka qayb galayaasha Dhameysteen Daawashada Filmkaas ayaa waxaa halkaa ka Hadley Xasan Macalin Cabdulaahi oo ah Madaxa Xafiiska Gobolka Mudug ee Xarunta Somali Anti Piracy Center waxaa uu sheegey in Dhibaato badan laga dhaxay Falalkii Guracnaa ee Kooxaha Burcadeeda ka geysteen Xeebaha Soomaaliya
somali145
“ Waxaan Fiklimkaan idiin ku soo bandhigney in aad Dib u Xasuusataan Falalkii Naxdinta lahaa ee ay geyteen Kooxaha Burcvad Badeeda , waxaana uu u jeedku yahay in aan mar kale dib u soo noqon Falakaas oo aan ognahay in ay idiin ku reebeen Xasuus Mahadho ah “ ayuu yiri Xasan Macalin oo u soo jeediyey ka qayb galayaasha in aysan mar kale nagu soo laaban Falalkaas.

Axmed Jaamac oo ku hadlayey Magaca Dhalinyarada ayaa yiri “ Haddii aa nahay Dhalinyarada ku nool Gobolka Mudug Dhaibaatooyin badan ayaa kala kulaney ficilada Kooxaha Burcad Badeeda waxaana ka dhaxaley Magac Xumo iyo Sumcaddaro “ waxaana uu u soo jeediyey Dhalinyarada Soomaaliyeed in aysan mar kale dib uga laaban falakaas.

Sahro Cadceed oo ka mid ahayd Xubnhii ka Hadley Kalunkaas ayaa ugu horeyntii u Mahacelisey Hayadii soo qaban qaabisey Kulankaas waxay Baaq u jeedisey Waalidiinta Soomaaliiyeed kaasoo ahaa in waalidiinta looga Baahan yahay in ay ka war qabaan Caruurtaa islamrkaana ka wacyi geliyaan Dahalinyarada Falalkaas Burcadnimo ee ummada Soomaaliyeed u keeney Magac Xumadda

Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Baarlamaanka Gal-Mudug Cali Baashi Jimcaale Abti doon oo Khabiir ku ah Badda ayaa Bulshadii ka qayb gashay kulanka u sheegay in Badda Soomaaliya Khayraadka ku jira ay dhalinyarada iyo Bulshada Soomaaliyeed uu ka badan yahay wuxuu sidoo kale Xildhibaanka ku dheeraadey sababahii keenay in Dhalinyarada Soomaaliyeed isku Biimeyaan Badweynta ay una Qowleysi tagaan .

Shiikh Maxamed Macalin oo ku hadlayey Magaca Culimada Soomaaliyeed ayaa halkaa ka soo jeediyey Wacdi ka Ilmeysiiyey ka qayb galayaasha kaasoo ahaa sida aysan Diinta islaamka Ogoleyn in la qafaasho Maraakiib iska mareysa Badaha Soomaaliya waxaana uu u soo jeediyey Xarunta SAPIC in ay halkaas ka sii wado Barnaamijyada lagu wacyigelinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Booliiska Maamulka Gal-Mudug Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeed ayaa waxaa uu ku tilmaamey Dhalinyarada Burcad Badeeda ay Qayb ka ahaayeen Falalka Amaandaro ee ka jira Dalka Soomaaliya sidoo kale waxaa uu sheegey in Kooxahaas in Xitaa Dhibaatooyin u geysteen Bulshada Soomaaliyeed sidaa darteed waxaa uu soo jeediyey in la badiyo Kulamada Noocaan oo kale ah .

Ugu dambeyntii waxaa Kulankaan soo xirey Madaxweyen ku xigeenka Maamulka Gal- Mudug Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa u Mahadceliyey Xarunta SAPIC oo uu sheegey in ay wado Barnaamijyo wax ka taray in la soo afjaro Kooxaha Burcad Badeeda sidoo kale waxaa uu sheegey Adduunka uu u soo jeestey sidii wax looga qabn lahaa Dhibaatooyinka Burcad Badeeda Badaha, waxaan uu soo jeediyey in Dhalinyarada Soomaaliyeed loo baahn yahay in loo sameeyo Xarfado Shaqo

Tan iyo markii ay Xeebaha Soomaaliya ay ka bilowdeen Qowleysatada Qafaalka u geysta Maraakiibta Ganacsi iyo Doonyaha Dalxiis ayaa waxaa jiray in Dhalinyaradii istustay Dhal dhalaalka lacageed ee faraha badanaa ay kala kulmeen Dhibaatooyin fara badan, hase yeeshee dadaalada Beesha Caalamka iyo Maamulada dalka ka jira ayaa u Muuqda mid sii Ciribtiraya Hamigii Burcad Badeeda Soomaalida .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.