Home » Warar »

Diyaarada sidey Qaad kuna soo jeedey Soomaaliya oo ku Burburtey Duleedka Garoonka Nairobi

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 2-7-2014

· Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa ugu baaqey Dowladda Federaalka in ay si deg deg ah ku hirgeliso Nidaamka fedraalka oo uu sheegey in dalka uu qaatey , Axmed Madoobe waxaa uu sheegey in Dowladda Federaalka ay saaran tahay Masuuliyd weyn oo ku Wajahan Dhaqan gelinta Nidaamka Federaalka sidoo kale waxaa uu sheegey in Dowlada Federaalka looga baahan yahay in ay u guntado hirgelinta Nidaamka Federaalka .

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxay sheegayaan in Diyaarada sidey Qaad kuna soo jeedey Soomaaliya ay ku Burburtey Duleedka Garoonka Magaalada Nairobi , waxaana markii ay ka kacdey Garoonka uu Dab ku qabsadey meel aan sidaa uga dheereyn garoonka waxaana la Xaqiijiyey in ay Afar Qof ku Geeriyoodeen Shilkaasi Diyaaradeed oo la sheegey in ay ahaayeen Shaqaalahii ka shaqeynayey Diyaaradda

somali138

· Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo u Waramayey Saxaafadda ayaa sheegey in uusan Dowlada uu Hogaamiyaha u yahay Madaxweyne Xasan Shiikh uusan Mucaarad ku ahayn is;markaana waxaa uu sheegey in uu taageersan yahay , Mudane Tarsan oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu sheegey in dib ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho islamarkaana uu ka qayb qaadan doono Dib u dhiska Dalka

· Iyadoo lagu guda jiro Bishii Barakaysneyd ee Ramadaan ayaa Suuqyada Magaalada Muqdisho waxaa ka jira sicir barar dhinaca khudaarta qaarkeeda ah.Koostada, Kaabashka iyo khudaarta kale ee Daruuriyaadka ah dadkuna sida aadka ah ay u isticmaalaan xiligan ayaa la sheegayaa in qiimahoodu si aad ah sare ugu kacay. Isagoona gaaray halkii xirmo oo khudaartaas ah illaa Toddobaatan kun oo shilinka Soomaaliga ah.Ganacsatada qaar oo ka hadlay sababaha keenay Sicir Bararkaas ayaa sheegaya in khudaartaasi ay tahay mid ku baxda Biyaha Waraabka halkii Roobabka laga sugayayna ay dib u dhaceen sidaa darteedna Beeraha khudaartaasi ay ka baxdo ay yihiin kuwo la waraabiyo oo wax soo saarkooda aad u yar yahay.

· Wararka naga soo gaaraya Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in maanta Gaari marayay waddo ku taala Cirifka Magaalada inuu jiiray Seddax qof.Sedaxdaas qof ee uu gaarigu jiiray laba ka mid ah ayaa isla goobtii ku Geeriyooday halka midka Sedaxaadna uu Dhaawac halis ah uu soo gaaray. Sida uu ku soo waramay goob jooge ku sugnaa goobta uu Shilku ka dhacay.Dadka maanta ku Geeryooday Shilkaas iyo midka ku dhaawacmayba waxa ay ka mid ahaayeen dadka Barakacayaasha ah ee dhawaan maamulku ka raray goobihii ay hore u degganaayeen kuwaasoo xiliga uu shilku dhacayay ka ag dhawaa goobtii ay ku soo Barakaceen.

· Magaalada Baydhabo Magaala Madaxda Gobolka Bay ayaa maanta ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay iyadoo halkaas ay ka socoto Munaasibadda Konton iyo Afarguuradii ka soo wareegtay Maalinta Xuriyadda Gobolada Koofureed iyo Midowga labadii Gobol ee Koofur iyo Waqooyi ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya.Ciidamada Amisom iyo kuwa Dawladda ayaa la soo dhigay waddooyinka waa weyn ee magaalada iyadoo Xaflado ay ka dhacayaan gudaha Magaalada.Mas’uuliyiinta Maamulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka ayaana kala qayb galay dadweynaha reer Baydhabo isku soo baxa maanta ay ka sameeyeen Bartamaha Magaalada Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Xayaysiis:

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.