Home » Warar »

Dagaal u Dhaxeeya Norway iyo Sweden oo ku saabsan Batroolka Soomaaliya, gaar ahaan aagga Laascaanood

Shirkadaha Shidaalka ee Norway iyo Sweden oo isku haysta cidda sahaminaysa ceelka shidaalka ee Holhol..

Joornaalka ugu weyn Sweden ee Aftonbladet ayaa qoray warbixin dheer oo uu kaga hadlay in dagaaal u dhaxeeyo shirkadaha shidaalka ee Sweden iyo Norway, dagaalkaas oo ku saabsan shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan aagga magaalada Holhol ee u dhow laascaanood.

Shirkadda Lundin (Africa Oil) ee Sweden iyo shirkadda kale ee reer Noway ee DNO International waxay hal goob oo shidaal laga sahminayo labaduba heshiisyo kala duwan kula galeen maamulo kala duwan, aaggaas oo ku astaysan “Nogal-1” oo la ollog ah Holhol.

Isla gaabtaas waxaa dawladii hore ee Soomaaliya ay heshiis shidaal sahamin ah kula gashay shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee Conoco Philips.

Sida jariidadu qortay waxaa aagga ay shirkaduhu isku haystaan booqasho ku tegey weriye ka socdey jariidadda Aftonbladet asagoo la hadlay dadka degaanka.

Warbixinta jariidada oo ku qoran Swedish cinwaankeeduna yahay “Norsk-svenskt krig om olja i Somalia” (Norwegian-Swedish war about oil in Somalia) ka akhri halkan.

holhol

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.