Home » Warar »

Ardeydii ugu Badneyd oo ka Qalin Jabisay Jaamacada Horseed International University.

Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey taasoo ku saabsaneyd ardey ka Qalin Jebisay Jaamacada Horseed International University ,waxaana Xafladaasi ka Qayb galey Raiisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Owqaafta ee Dowladda Federaalka Ridwaan Xirsi Maxamed , Wasiiro , Xildhibaano, Maamulka Gobolka Banaadir,Ardeyda wax ka Barata Jaamacada Horseed International University iyo Marti Sharaf kale .
somali137
Waxaa ugu horeyn halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee Jaamacada Horseed International University Cismaan Cumar Axmed (Cismaan Nuune) oo sheegey in Dafcadaan ay tahayd Dafcadii ugu horeysey ee ka Qalin Jabisa Jaamacadda Horseed oo uu sheegey in ay tahay Tiradooda 300 ardey kuwaa oo ka qalin jabiyey Dhowr Kuliyadooda oo Jaamacadu leedahay,waxaana uu Hoosta ka Xariiqey in Jaamacada ay ardeyda u diyaarisey Waxbarashada Daraasaadka Sare Master Degree taasoo uu sheegey in ay si fudud ku heli doonaan .

Guddomiyaha Jaamacadda Horseed International University Cabdikariim Shiikh Maxamed oo isna halkaa ka Hadley ayaa ugu horeyntii u Mahadceliyey intii ku Gacansiisey in ay Ardeydaas Ka qalin jabiyaan Jaamacada ,sidoo kale waxaa uu sheegey in Muddadii ay jirtey Jaamcadda Horessed ay Xiriir la sameysey Jaamacado Caalami ah kuwaa uu sheegey in ay is Dhaafsadden Xog ku saabsan Sara u qaadida tayada Waxbarashada ee Jaamacadda Horseed , waxaa kale uu sheegey in ay sannadkaan ay Jaamacadda hirgelisey Mushruuc ku saabsan Master Degree-ga oo uu sheegey in ay la gashey Dowladda Hindiya

Xubihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Bayle oo sheegey in ay Dowladda Soo dhaweyneyso Sare u qadida Waxbarashada Dalka isagoo kula Dardaarmey ardeyda Qalin Jabisey in Aqoonta ay Barteen uga faaiideeyaan Dadka kale ee aan Fursada u helin, waxay kaloo uu sheegey in Dalba Dalka uu ka Hormarsan yahay ay ku timid sida loogu kala dheereeyo Wxabarashda

Ugu Dambeyntii waxaa Xafladaasi Qalin Jabinta ah ee Jaamacada Horseed International University ka Hadley Raiisul Wasaare ku Xigeen ahn Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Owqaafta ee Dowladda Federaalka Ridwaan Xirsi Maxamed oo sheegey in uu ku faraxsan yahay in ardery gaareysa 300 oo ardey ay ka qalin jabiyaan Jaamacadda Horseed isagoo ku tilmaamey mid ka qayb qaadaneysa Horumarka Dalka, wuxuuna ugu baaqey ardeyda in ay ka gun gaaraan waxbarashada sidoo kale waxaa uu Jaamacada uga Mahaceliyey sida ay uga go’an tahay in Jaamacaddu u noqoto Jaamacad la mid jaamacadha waaweyn ee Adduunka

Jaamacadda Horseed International University ayaa Dhawaan Daahfurtey Mushruuca PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT ee Master Degree-ga oo ah Mashruuc ka hana qaadey Dhamaan Qaaradda Afrkka taasoo oo ay hirgelisey Dowladda India waxaana Maamulka Jaamacada Horseed ay sheegeen in Ciddii dooneysa Waxbarashadaas sare ay u Fududeyn doonto wixii Tashiilaad ah ku saabsan Helida Wabarashadaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.