Home » Warar »

Kenya oo duqaysan degaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 23-6-2014

· Wararka aan ka heleyno Deegaanada Pundland waxay sheegayaan in Maamulka Pundland uu si weyn uga soo horjeestey Heshiis ay Dowladda Federaalka ay la gashey Shirkado Shisheeye kuwaa oo Shidaal ka baari doono deegaanada Soomaalida ,waxayna Shirkadahaas ay kala yihiin Shell iyo Exon, Agaasimaha Shidaalka Iyo Macdanta ee Puntlanad Ciise Dhoolwaa oo la hadlayey Saxaafadda ayaa sheegey I Maamulka uusan marnaba aqbali doonin Heshiiskaas ay Dowlada Fedraalka la gashey Shirkadahaas , waxaa uu sheegey in Dowladda Federaalka ay ku Xadgudubtey Dastuurka oo sheegaya in Marka Shirkad Heshiis lala galayo ay Goob joog ka noqdaan Maamulada Dalka ka jira

· Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ka qayb galey Fastival loogu magacdarey Dhaqanka Somaaliya oo ay soo qaban qaabisey wasaaradda Farfaafinta ee Dowladda Federaalka , waxaana halkaas lagu soo badhigey Dhaqamada kala duwan ee ay leeyihiin Ummada Soomaaliyeed iyadoo mar uu halkaa ka Hadley Madaxxweyne uu u Mahadceliyey Qabanqaabiyayaashii Fativalka isagoo sheegey in Dhaqnku uu yahay halka ay ummadi ka nooshahay wuxuuna ugu baaqey Wasaarada Warfaafinta in ay halkaas ka sii wadaan Tartamada Noocaan oo kale ah.

· Dowladda Kenya oo shaaca ka qaadey in Diyaarado laga leeyahay Dalka Kenya ay Duqeyn ka geysteen Deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose ,waxayna Dowlada Kenya sheegtey in ilaa 100 ka tirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab ku dileen Deegaanada Kudhaa iyo Caanoole hase yeeshee Afhayeenka Howlgalada ee Xarakadda Al-Shabaab Shiikh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegey in Dagaalada ka dhacay Kudhaa iyo Caanoole ay ku dileen Askar fara badan oo ka tirsan Ciidamada Wadanka Kenya.

· Maanta oo ay Bishu tahay 23 June waa Maalintii ugu Dambeysey oo qaad loo dhoofiyo Wadanka Ingiriiska ka dib markii Dowladda Ingiriiska ku dhawaaqdey in ay gabi ahaanba joojisey Qaadkii ganacsatada Kenya ay keeni jiraan Wadanka UK, taasoo Dhaqaale badan ka soo geli jirey Dalka Kenya ,waxayna Joojintaan ku soo beegantey Xili Dhaqaalaha Dalka Kenya uu hoos u sii socdo ka dib markii ay ugu Darsameen Dagaalo kaga Imaanya Xarakadda Al-Shabaab

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.