Home » Warar »

Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Somalia: Shirka Jaraa’id ee Usbuuclaha ah

Mogadishu, 14 June 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Duhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlayey arrimo ay ka mid yihiin, Sheekh Atom ka soo tagidii kooxda Al-shabaab, Horumarka Qorshaha Xasilinta Dalka, dagaaladii ka dhacay Marka, Qorshaha si Iskaa wax u qabso ah loogu nadiifinayo waddooyinka, Sharciga Hanti-Dhowrka Qaranka, Qorshaha Istraatejiyada Wasaaradda Beeraha ee 2014 -2016, horumarka dhanka Nidaamka Dib u eegista Dastuurka iyo Qorshaha Canshuur ururinta ee Dowladda.

Wasiirka oo ka hadlayey Sheekh Atom ka tagistii uu Al-Shabaab ka soo tagey ayaa yiri “Dowladda Federaalka Somalia waxey ammaaneysaa doorka Sheekh Maxamed Saciid Atom oo uu iska diiday ka mid noqoshada Al-Shabaab, annagoo rajeyneyna in go’aanka geesinimada leh uu dhiiri gelin doono kuwal Al-Shabaab la jooga inay tusaale ka dhigtaan oo midnimada iyo nabadda dalka ka qeybqaataan. Macluumaadka hoose ee uu ka bixiyey ku hoos noolaanshaha kooxaha Al-Shabaab ayaa si buuxda uga soo horjeeda beenta iyo mala-awaalka ay warbaahinta ka sheegan jireen, shacabka Soomaaliyeedna aad bey uga mahadcelinayaan Sheekh Atom inuu ka shifay beentii ay dhoodhoobi jireen kooxahan argagaxisada ah. Diidmada ay dadka u diideen in gar-gaarka bani’aadanimo la gaarsiiyo ayaa ah dembi laga galay shacabka Soomaaliyeed, Sheekh Atom cabirkiisa ku wajahan arrinkan ayaaba dhameystiraya fikirkan qaldan oo uu yiri “Kama naxaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu heysato, sida kuwa barakacayaasha ah oo ay ka hor-istaageen in la gaarsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo ee ka kala imaanayey dhammaan beesha caalamka.”

Wasiirka oo ka hadlayey horumarka Qorshaha Xasilinta Dalka ayaa yiri “Qorshaha Xasilinta Dalka ayaa si wanaagsan u socda. Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa gaaray deegaanada Bule-Burte, Wajid iyo goobo kale oo ay halkaas gaarsiiyeen gar-gaar bani’aadanimo, Maamulada degmooyinka oo howlgalay oo la rajeynayo inay culeyska ka fududeeyaan ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM si ay u baacsadaan Al-
Shabaab. Ujeedada maamulada cusub inay la wareegaan howl maalmeedkooda ayaa ah inay bulshada gaarsiiyaan maamul wanaag, bilaabaan dib u heshiisiinta bulshada dhexdeeda, bulshadana ka qeybgaliyaan go’aamada muhiimka u ah noloshaooda. Qorshaha Xasilinta ayaa nagu hoggaamin doona nidaamka dimoqraadiyadda, oo bulshada siin doona fursad ay hoggaamiyeyaasha mustaqbalkooda ay ku dooranayaan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey dagaaladii ka dhacay Marka ayaa yiri “Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka iyo Wasiirka Gaashaandhiga, isla markaana ah sii hayaha Wasiirka Amniga ayaa gaaray Magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose si xal looga gaaro dagaal beeleedyada ka dhacay deegaankaasi. Wasiiraddu waxey ku guuleysteen inay nabadeyn iyo wadahadal dhex dhigaan beelaha dagaalamay. Dowladduna ay diyaar u tahay inay dib u heshiisiin iyo si nabadeyn ah lagu dhameeyo khilaafaadka soo noqnoqday ee deegaanka. Golaha Wasiiraduna waxey go’aamiyeen in hay’adaha amniga ay si buuxda ula wareegaan amniga oo kooxaha maleeshiyaadka hubeysan aan la aqbali doonin inay shacabka dhib kale u horseedaan. Dowladdu waxey si gaar ah mahad ugu soo jeedineysaa odayaasha iyo bulshada labada dhinac oo muujiyey sida ay diyaarka u yihiin in xal waara looga gaaro khilaafaadka jira.

Wasiirka oo ka hadlayey olalaha nadaafadeed ee ardaydu ka bilaabeen Muqdisho ayaa yiri “Waxaan u mahadcelineynaa maamulka Jaamicadda SIMAD oo runtii muujiyey dadaal iskaa wax u qabso ah oo 400 ka tirsan ardeyda jaamicaddu ay olole nadaafadeed ka sameeyeen wadada Xamar Jab-jab oo runtii si weyn wax uga bedeshay bilicda caasimadda. Sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa maamulka Degmada Xamar Jab-jab oo iyagana si gaar ah isku xilqaamay. Dadaalkan waa mid looga baahanyahay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, oo haddii qof walba uu kaalintiisa ka soo baxo in ummaddu ay ku filnaan karto adeegyada bulshada ee caasimadda. Waxaan ka codsaneynaa jaamicadaha kale iyo dhammaan hay’adaha aan dowliga aheyn inay tallaabooyinka noocan oo kale ay sameeyaan oo muwaadiniintu ay ka helayaan ajar adduun iyo mid aakharaba.”

Wasiirka oo ka hadlayey Hindise Sharciyeedka Hanti-Dhowrka Guud ayaa yiri “Golaha Wasiiradu waxey ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Hanti-Dhowrka Guud oo dhowaan loo gudbin doono baarlamaanka si ay u ansixiyaan. Hindise Sharciyeedkan ayaa dhanka maamul wanaaga u horseedi doono in dhammaan hay’adaha dowladdu ay ku dhaqmaan oo si furfuran, oo hufan isla markaana isla xisaabtan keeni kara. Hanti-Dhowrka Guud ayaa ku howlan sidii dhammaan hay’adaha Dowligu u noqon lahaayeen kuwo si waafaqsan shuruucda dalka u maamula hantida Qaranka.”

Wasiirka Warafaafinta oo ka hadlayey Qorshaha Istraatejiyada 2014 – 2016 ee Wasaaradda Beeraha ayaa yiri “Wasaaradda Beerahu waxey soo bandhigtay Qorshaheeda Istraatejiyada 2014 – 2016 oo ka yimid la tashiyo ay Wasaaraddu la yeelatay beeraleyda Soomaaliyeed iyo dhammaan khubarada ku takhasusay Beeraha. Ujeedada ayaa ah in la dhiiri geliyo beeraleyda Soomaaliyeed oo beesha caalamku ay ku dhiiradaan inay beeraha Soomaaliyeed maalgashi ku sameeyaan. Deeq bixiyeyaasha oo loo bandhigay qorshahanna aad iyo aad bey u soo dhoweeyeen. Wasaaradda ayaa in muddo ahba dhiirigelineysa in Beeraleyda Soomaaliyeed ay aayahooda ka tashadaan oo kheyraadka dalka la soo saaro, tanoo keeneysa in dalku isku tashto oo dhaqaalaheenna kor u qaadeysa.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka dhanka Nidaamka Dib u eegista Dastuurka ayaa yiri “Bacdamaa sanadka 2014 uu ahay sanadkii waxqabadka, Dowladdu waxey wadaa qorshihii guddiga madaxabannaan ee Dastuurka ay ku howlgali lahaayeen si ay u guda galaan howlahooda muhiimka ah. Qorshahan ayaa waxaa ka mid ah sidii guddiga loogu heli lahaa xafiis, inay helaan dhammaaan dokumentiyadii hore oo dhan ee ka saacidaya howshooda, shirar ay la yeeshaan golaha wasiirada iyo baarlamaanka oo la filayo usbuuca labaad ee July, ka dibna ay xiriir la sameeyaan dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee dalka oo ay macluumaad iyo talo ka helaan, ka dibna waxey la tashiyo la sameyn doonaan maamulada dalka ka jira oo tallooyinkooda muhiim yihiin, ka dibna qorshahaas golaha wasiirada ayaa ansixin doona, loona gudbin doono Baarlamaan ka hor inta aan la xirin 20ka July. Qorshahan ayaa ka dib waxaa lala wadaagi doonaa shacabka oo Guddiga Madaxabannaan si rasmi ah loo caleemo saari doono.”

Wasiirka oo ugu danbeyntii ka hadlayey qorshaha canshuur ururinta ayaa yiri “Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay qorshahii canshuur ururinta oo muhiim u ah in dowladdu ay hesho miisaaniyadii suurtogelin laheyd in bulshada loo qabto adeegyada bulshada, waddankana la gaarsiiyo horumar baaxad leh. Dal walba waxa uu ku dhisan yahay canshuurta laga aruruiyo muwaadiniintiisa, oo dal walba cidda iska leh ayaa isku tashata oo aayahooda ka fikira. Waddanka Soomaaliyana maanta waxa uu muwaadiniinta Soomaaliyeed ka sugayaa inay isku tashadaan oo la yareeyo ku tiirsanaanta aan caalamka ku tiirsanahay. Wadajirkeena iyo danaheennana waxaan ku gaari karnaa innago isku tashana. Dowladdu waxey diyaarisay qorshahii canshuurta loogu arruurin lahaa si waafaqsan sharuucda dalka isla makaana ay ku jirto si maamul wanaag ah oo kalsooni siin kara shacabka.”

DHAMDAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho, Somalia –

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.