Home » Warar »

Warar Goos Goos ah oo ku Saabsan Soomaaliya

Somalitalk 12-6-2014

· Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed aya Magaaladda Adis Ababa ee Dalka Itoobiya kulan kula qaatey Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hayle Mariam Desselign, waxaana Kulankaas Raiisul Wasaaraha Somaaliya uga Mahadceliyey Doorka Ciidamada Itoobiya kaga jiraan nabad Ilaalinta Soomaaliya waxaanala isku Afgartey in la sii wado dagaalada lagula Jiro wax loogu yeerey Argagixisada .

somali117

· Wararka Naga soo gaaraya Degmada taleex ee Gobolka Sool wxay shegayaan in Ciidamo ka tirsan maamulka la magac baxay Soomaaliland ay halkaa la wareegeen ka dib markii Deegaankaas uu ka dhacay Dagaalo ay ku dhinteen Dhowr Qof , iyadoo aysan ahayn markii ug horeysey ee Maamulka Soomaaliland uu Weerar ku ekeeyo Magaaladda taleex iyadoo Wareerakaan uu ku soo beegmey Xili uu halkaa Shir uga socdey Waxgard, iyo Siyaasiyyin ka soo jeeda maamulka Khaatumo

· Waxaa Heshiis markii ugu horeysey wada yeeshey Dowladaha Soomaaliya iyo wadanka Malta ,waxaa heshiis Dhinacyo Badan Taabanaya kala saxiixdey wasiirka Arimha dibada ee Dalka malta Goerge iyo Sarfirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Biljam Cali Saciid Faqi ,waxasna uu heshiiskaas uu dhigaya sidii Dowladda Malta u ogaan lahayd Runimada dadka Magangalyo doonka ee imaanya wadankaas waxana Heshiiskaas uu ka dhacay Magaaladda Athenis ee Dalka Giriiga oo ay haatan ka socdaan Shirka Wadamada Yurub iyo Carabta

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Bosaaso ee Maamulka Pundland waxay sheegayaan in Madaxweynaha maamulkaas Cabdiwel Maxamed Cali Gaas uu dhagax dhigey Dhisme lagu balaarinayao Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaso kaasoo la filayo in uu yahay mid Casri ah iyadoo Cabdiweli gaas uu sheegey in Goraanka uu yahay mid ay siticmaali doonaan Dhamaan Ummada Soomaaliyeed

.

· Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo dalka Dib ugu soo laabtey ayaa sheegey in Maamulkisa uu Gogol Nabadeed u Fidinayo Beelaha ku Dagaalamaya Gobaolka Shabeeelada Hoose, dhinaca kale Waxaa mar kale la filayaa in Wafdi ka balaarn kii shaley tagey Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada hoose ay Dhawaan gaaraan Magaaladaasi si loo sii ambaqaado Heshiisnta beelaha ku Dagaalamey Gobolka Shabeelada Hoose

· Waxaa la filasyaa in Caawa Dalka Brasil uu ka bilowdo Koobka Addunnka oo ay kaqayb galayaa 32 dal oo ka kala socda Qaaradaha Adduunka waxaana Ciyaarta ugu horeysa lagu Furayaa Dalka Brasiil oo Martigelinaya Koobka Adduunka iyo Wadanka Croatia , waxaan Haatan wadanka Brasiil ka Bilowdey fantasyaha lagu furayo Koobka Adduuka

Wararka SomaliTalk Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.