Home » Warar »

R.W Cabdiwali “Dagaalka waa in deg deg loo joojiyo, laysugna yimaado goggol wada xaajood”

Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka taagan Shabeelada Hoose
iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika oo Walbahaar ka muujiyay isku dhacyada ka taagan Gobolka Shabelle Hoose

Warsaxaafadeedka DFS:

Muqdisho, June 9, —–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo saaka shir gudoominayey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen gudiyadda Amniga iyo Siyaasadda ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaallada u dhexeeya dadka walaalaha ah ee maalmihii u danbeeyey kasoo cusboonaaday gobolka Shabellaha Hoose.

raisalwasaareShirkan ayaa Gudiyaddu waxay ku lafa gureen xaalada murugsan ee ka taagan gobolka Shabellada Hoose. Kadib markii ay xukuumaddu heshay xog sheegaysa in magaalada Marka ay saaka markale dagaalo ka dhaceen.

iyadoo laga jawaabayo xaaladaas deg dega ahna, waxaa xukuumaddu go’aansatay qodobadaan hoos ku qoran:

1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/06/2014, dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay joojiyaan xabadda iyo colaadda.
2. In si deg deg ah looga saaro dhammaan maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan goobihii lagu diriray laguna wareejiyo ciidanka dowladda.
3. In mas’uuliyadda amni ee magaalada Marka iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose ay si deg deg ah ula wareegaan Ciidamada Amniga ee Soomaaliya.
4. Si loo fuliyo howshaas deg degga ah, waxaa magaalada Marka tagaya wafdi sare oo ay hogaaminayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Wasiirka Gashaandhigga ahna sii haya Wasiirka Amniga Qaranka.
5. Waxaa laga dalbayaa Taliska Ciidamada AMISOM in ay gacan baaxad leh ka geystaan xabad joojinta iyo xasilinta amni ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalada ka socda gobolka shabeelada hoose nasiibo daro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo colaado soo daashadeen.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey gobolka Sh/hoose maalmihii u dambeeyey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah, madaama dushooda lagu dul dagaalamay. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka, khilaafkana goggol nabadeed lagu xaliyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana tacsi u diray qoysaskii dadkoodu ku wax-yeeloobeen dagaalkaas.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan marna loo dulqaadn karin dhiig Soomaaliyeed oo sii daata, dagaalada hada socdana ay yihiin kuwo ay ka fa’iidaysanayaan codawga soomalaiyeed ee Alshabab,

“Xukuumaddu waxay aad ugu mashquulsan tahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dagaalkaan kusoo noq-noqonayey gobolka Sh/hoose” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo dhinaca kalana ka codsaday waxgaradka gobolka Shabellaha Hoose inay ka qeyb qaataan xal-u-helida dhibaatada gobolka ka jirta.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

………………………..

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM)

Faafin Deg-deg ah
War Saxaafadeed 25/2014

Ergeyga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka taagan Shabeelada Hoose

Muqdisho, 9 Juun 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay dagaal beeleedka ka socdo gobolka Shabeelada Hoose kaas oo sababay in tiro dad ah ay wax ku noqdaan.
“Waxaan ku baaqayaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaada ka socoto halkaas. Waa in dhinacyada arrintu khuseysana ay ka joogsadaan falalka dagaalka, ayna si dhakhso leh u sameeyaan dadaal ay ku daminayaan xaaladda, kuna xallinayaan khilaafkooda, ayagoo u maraayo si nabad iyo isu-tanaasul ku dheehantahay.”

“Waxaan soo dhoweynayaa dadaalka uu sameeyay Ra’isul Wasaaraha, Cabdiweli Sheekh Axmed, kaas oo lagu daminaayo xasaradda halkaas ka taagan, laguna soo celinaayo xasiloonida. Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada in ay ixtiraamaan baaqa ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha, kaas oo dalbanayo in colaada si deg-deg ah loo joojiyo loona hogaansanaado wafdiga wasiirada ah ee loo diray Gobolkass. Dadka Soomaaliyeed in ku fulan ayey soo dhibtoodeen waxayna ogyihiin in wax wanaag ah aanay ka imaaneyn colaad iyo amni xumo hor leh oo hadda la galo. Waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyb qaadano wixi dhexdhexaadin ah” ayuu yiri SRSG Kay.

Dhamaad

Get updates from UNSOM:
www.unsom.unmissions.org
@UNSomalia
www.facebook.com/UNSomalia

……………..

WAR SAXAAFADEED

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika oo Walbahaar ka muujiyay isku dhacyada ka taagan Gobolka Shabelle Hoose

Mogadishu 09ka June 2014: Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa muujiyay walaaciisa dagaalada ka sii dhex socdo dhinacyada ku dagaalamayo gobalka Shabelle Hoose wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaas inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka.

“Waxaan ku baaqayaa degenaansho iyo dib u heshiisiin. Xaalada laguma xalin karo gacan ka hadal. Hinacyada oo dhan waa inay ka joogsaaan falalka gacan ka hadalka ah, sameeyaana dadaalo toos ah oo ay uga gudbayaan xaaladaas kuna xaliyaan farqiga u dhexeeyo wada hadal nabadeed iyo xal meel dhexaad ah,” ayuu yiri Ambassador Annadif oo ku daray dagaal wuxuu u adeegayaa wax fool xumeynta iyo hor istaaga geedi socodka guulihii laga gaaray xasilinta Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan inay dadka rayidka ah bilaabeen inay ka qaxaan magaalada iyo dhulka ku hareereysan, cabsi ay ka qabaan inuu dagaalka dhib ka soo gaaro ayadoo ay wax ka badan 250 ruux gudaha ku barakeceen. Bara kacayaashu hada waxay magan gelyo u galeen xarumaaha AMISOM ee Ceel Jaale iyo Marka.

Ambassador Annadif wuxuu ku cel celiyay balan qaadka AMISOM ee ah inay la shaqeyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoogageeda nabad gelyada sidii loo xasilin lahaa amaana looga dhigi lahaa Soomaaliya.

“AMISOM oo la tashaneyso bulshada caalamka waxay u joogtaa inay ku taakuleyso dhamaan dhinacyada sidii loo heli lahaa is fahan buuxo taasoo qeyb ka ah dadaaladeeda ay sare ugu qaadeyso nabada, amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu ku soo dhameeyay hadalkiisii.

____________________________________
For more information, please Contact; Eloi Yao and Colonel Ali Eden Houmed, Spokespersons,
Cell phone: (Somalia) +252 618 508 181; (Nairobi) +254 702 155 126; Email: amisommediacentre@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.