Home » Warar »

Golaha Wasiirada oo soo dhoweeyey xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Maraykanka

Muqdisho, June 05, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada oo looga dooday xaaladda uu dalku marayo. Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey qorshaha ay dowladda Maraykanku safiir ugu soo magcaabayso Soomaaliya, tallaabadaasi oo kor u qaadaysa xiriirka diblamaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Washington.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ka hadlayey shirka ayaa yiri:

“Xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanku waa mid muddo soo jiray oo lahaa maalmo wanaagsan, waxay labada qaran ay maanta diyaar u yihiin inay xoojiyaan xiriirkaasi oo faa’iido wada jir ah leh. Tallaabadani waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay dib u soo ceshanayso kaalinteedii caalamka.

“Xiriirka diblamaasiyadeed ee labada dal waa mid muhiimad u leh labada shacab si la is kaga kaashado dhinacyada muhiimada wada jirka ah leh.Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadaysaa tallaabo la mid ah tan Maraykanka oo lagu adkaynayo cilaaqaadka diblamaasiyadeed ee labada ummadood.

“ Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xiriir diblamaasiyadeed oo wanaagsan la yeelato beesha caalamka si ay gacan uga geysato waajibka caalamiga ah ee saaran iyo u adeegista danaha Soomaaliya iyo masaalixda la wadaago ee dalalka iyo adduun-weynahaba”

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa dood ka yeeshay Hindise-sharciyadeedka Dib-u-habaynhta Hanti-dhawrka Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuuamadda Federaalka Soomalaiya.Hanti-Dhawrka oo dib –u-habayn lagu samaynayo ayaa asaas u ah qorshaha xukuumadda Soomaaliya ee la dagaalanka musumaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka.

“ Hanti-dhawrku waxa uu muhiimad weyn u leeyahay ilalainta hantida qaranka, isagoo leh awoodo uu ku dabagalo xafiisyada dowladda. Xilliyadii la soo dhaafay waxaan xoojinay shaqada iyo waxqabadka Hanti-dhawrka dalka. Dib-u-habaynta Hanti-dhawrku waxay leedahay muhiimad gooni ah si loo xaqiijiyo hadafyada la hiigsanayo. Ayuu yiri Hanti-dhawraha Guud mudane Dr. Nuur Faarax.

Dhammaad

Abdirashid Muse
Press Officer
Warbaahinmta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Mogadishu, Somalia
Tel: +252 6163 18823
Email: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.