Home » Warar »

Jabhada ONLF oo noqotay Jabhadii ugu daggaalka dheereed Geeska Afrika.

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO/ONLF) oo halgamaysay muddo 30 sanno ah qorigana ridaysay 20 sanno oo kaamil ah ayaa noqotay jabhadii ugu halganka dheereed ee la daggaalanta gumeysiga Ethiopia.

Iska hor imaadyadii lala galay dowladihii kala gadisnaa ee ka talin jiray Ethiopia ama boqortooyadii Abbysinia waxaa kamid ahaa Daggaalkii Axmed Gurey oo socday muddo 16 sanno ah (1527-1543).

Daggaalkii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdile Xassan (1896 -1920)daggaalkaas oo socday muddo 24 sano ah halgankaas oo lala galay gumeystihii Boqortooyada Ingiriiska iyo Midkii Xabashida. Daggaalada kale ee lala galay gumeysiga Ethiopia waxaa kamid ahaa halgamadii Jabhada Eritrea ee EPLF lagashay taliska ethiopia midkaas oo socday 22 sanno (1970-1991) daggaaladaas oo markii danbe jabhada Eritrea ay iskaashanayeen jabhada Tigreega ee TPLF ee eega ka talisa wadanka Ethiopia.

Waxaa jiray oo kale daggaalo goos goos ah oo Jabhadihii Ogadeniya ee Geyshka, WSLF ay kula jireen talisyadii Ethiopia iyo daggaalo waaweyn oo muddo yar socday daggaaladaas oo u dhaxeeyay dowladaha dariska la ah Ethiopia. Sida daggaalkii Ogaden ee Ethiopia iyo Somalia u dhaxeeyay (1977 -1978) iyo Daggaalkii xuduudaha ee u dhaxeeyay Wadanka Eritrea iyo Ethiopia (1998 -2000).

Daggaaladaas ka qarxay geeska Afrika intiisa badan waxa ay ku wajahnaayeen daggaalo xoriyad doon oo lagu xoreynayo dhulka Soomalidu Iska leedahay ee Ogaden/Somali galbeed. Jabhada ONLF oo aaminsan inay tahay midhihii daggaaladii xoriyad doon ayaa wali ku jirtay halgan dheer oo ay ku raadinayso aayo ka tashiga iyo xoreynta dhulka iyo dadka Somalida Ogaden. Daggaalkan oo muddo dheer u dhaxeeyay jabhada ONLF iyo Ciidamada Ethiopia ayaa wali lagula kala adkaanin,
mahdi10
Dagaalka Ethiopia iyo ONLF u dhaxeeya ayaa aad u kululaaday sanadihii 2007 intii kadanbeysay kadib markii jabhada ONLF ay weerar ku qaaday xaruma fadhiisimo u ah Ciidamada Ethiopia oo lagu ilaaleeyo shirkadaha Shidaalka ka baadha dhulka Somalida Ogaden.

Ra’isal wasaarihi hore ee Ethiopia Males Zenawi ayaa ku dhawaaqay innuu soo afjarayo Jabhada ONLF, daggaalkaas oo sababay in ciidamada Ethiopia ay ka geystaan dhulka Somalida Ogaden tacadiyo ka dhan ah Bani aadanka, iyada oo wadamada Ree Galbeedka iyo Haayadaha qaramada Midoobay iyo kuwa xuquuqul insaankuba ku eedeyeen wadanka Ethiopia xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Waxaa wadamada ree galbeedku cadaadis ku saareen wadanka Ethiopia iyo Jabhada ONLF inay wada hadlaan, wada hadaladaas oo Wadanka Kenya lagu dhex dhexaadinayo. Balse wax natiijo ah kama soo bixin wada hadaladii dhex maray Ethiopia iyo Kenya wayna istaageen kadib markii Dowlada Ethiopia ay shuruud kaga dhigtay Jabhada ONLF inay qaadato Dastuurka Ethiopia. Waxaana cirka kusii laalay wadahadalo kale oo la filayay in dib la isugu soo noqdo kadib markii Madaxdi wadahadalka U joogtay ONLF wadanka Kenya laga afduubay.

Hoggaanka Arrimaha Dibada ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi ayaa sheegay in Jabhada ONLF ay dagaalkeedu sii socon doono illaa laga gaadho yoolkeeda ah aayo ka tashiga shacbiga somalida Ogaden.

Jabhada ONLF oo dadka soomaliyeed ku dhaliilaan magaca ama xarafka “O” halkaas oo ay ka dhadhimiyan in somali oo dhan u dhaneyn daggaalkaas oo mid beeleed yahay, Ayaa hadana Jabhada ONLF madaxdeeda iyo xubnaheeduba aaminsanyihiin in Jabhadu tahay mid somali oo dhan u furan, islamarkaasna Jabhada ONLF ay tahay ururka kaliya ee mideyn kara danaha Somaliyeed oo dhan iyo midka Qowmiyada Kushetics ee ku hoos nool gumeysiga iyo cadaadiska Taliska Ethiopia.

Isku tashi, Midnimo iyo Guul (Talo Saarasho Eebe) ayaa ah sirta ka danbeysa in jabhada ONLF muddo 30 sanno ah la daggaalanto dowlada ugu awooda weyn Bariga Afrika. Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi ayaa ilays tv u sheegay in halganka dheer ay kula jiraan Ethiopia iyaga oo heysan meel ay dhaawac geystaan iyo taakula wadamo kale toona inay tahay hadafka JWXO oo ah mid ku saleysan doonista Shacabka Somalida Ogaden.

Ilaystv.
www.ilaystv.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.