Home » Faallo »

Hoggaamiyaha Wanaagsani waa Horumarka Ummadda.

ILAAHAY Subxaanah Watacalaa  ayaa Mahad oo dhami usugnaatay, waxaana ku salliyayaa Suubanaha Muxammed  Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee.

Maqaalkaygaan waxaan jeclaystay inaan intii ILAAH iga fahansiiyay karaankaygana ah  inaan wax ka iraahdo cinwaankaas kor kuxusan,waloow marka laga hadlayo hoggaaminta(Leadership) ay culumo iyo aqoonyahanno aad oogu xeel dheeri horay uga hadleen.Haddana  waxaan isku dayayaa inaan wax ka tilmaamo,anigoo u kala qeybin doonaa Insha Alllah hoggaamiyaha labo qeybood o kala ah.

(B) Hoggamiye Islaami ah (T)  midkaan islaamiga ahayn oo dunnida maanta ku noolnahay haysta ama kataliyaba. Intaanan faah faahintood u gudbin waa inaan is weydiinaa marka hore hoggaamiyeha islamiga ah  ….

Maxaan ugu baahannahay inanu yeelano hoggaamiye?

Waxa ogu horreeya oo  looga  baahanyahay H.Islamiga ahi waa inuu fuliyaa dhammaan arrimahaan ALLAH SW.noogu sheegay Qur-anka.

الذين إن مكّناهم في الأرض أقاموا الصلاة وآتوا الزكاة وأمروا بالمعروف ونهوا عن المنكر 

‎ “Kuwa markaanu hananino dhulka salaadda ooga,sakadana layimaada,wanaagga fara,xummaantana iska reeba…………………”

Hoggaamiyaha Islaamiga ah waxa oogu weyn e loo igmado waa inuu fuliya dhamaan awaamiirtaas ALLE SWT.

Waa maxay hoggaamiye?

Waloow aysan jirin qeexitaan gaar ah oo laysku raacsanyahay haddana waxaan ku qeexi lahaa ama aragtidayda dhihi lahaa:

Hoggamiye waa kan u haga ummad ahdaaf iyo himilooyin cad-cad o ay ku heshiiyeen una yaal,Diin,dhaqan.dastuur,iyo xeerar hadba umaddaasi leeyihii,hoggaamiye haas ha ahaado mid islami ah ama mid aan ahaynba.

Hoggaamiyaha wanaagsan/Islamiga ah:

Haddaba waxaa muhiim ah inaan is weydiino Halbeeggee lagu cabbiri karaa ? goormaase la dhihi karaa hoggaamiyahaasi wuu wanaagsanyahay?…..

Bal aan isku dayo inaan mid mid ukala qaadno isna dultaagno wanaagga uu leeyahay hogaamiyahan rabno inaanu kahadalno:

Hoggaamiyaha wanaagsani waa kan Qur’anku iyo Sunnada noo sheegtay buuxiyayna sifaadkan soo socda,halbeega lagu cabbiri karo hoggaamiyaha wanaagsana waa Diin,dhaqan iyo hadba caqiiqada,dastuurka,xeerka uu haysto ama uyaal ummadaas siduu oogu dhaqmo kagana runsheego.Anagoonan soo wada koobi Karin hadana waxaan kasoo qaadanaynaa dhowrkaan qodob,oo aan dhihi karo oogana jawaabi karo su,aashaas kor ku xusan oo hoggaamiyaha wanaagsan  waa kan leh sifaadkan.

1-Cilmi

2-Ammaano                                                                          

3-Awood

4-Shuuraa(talo wadaag)

5-Go’aan qaate

6-Aragti dheeri

.Dhamman arrimahan waxaa noo sheegay in badana tusaalooyin iyo cibro qaadasho naloogu sheegay hoggamiyaha wanaagsan QUR’ANKA iyo SUNNADA.NABIGA CSW. Oo labadaba nagu boorriyaan inaan lahaano hoggaan oo marnaba ummad aan hogaan lahayni nolol wanaagsanu u suuroobaynin.

Hadday noqoto Salaad,Jihaad,Safar iwm…

Quraanku waxuu in badan nooga sheekeeyay qisas mudan inaan ka faaiidaysano kuna cibro qaadano oo ku saabsan hoggaanka wanaagsan iyo waxyaalaha looga baahanyahay amaba lagu doorto.

Bal aan mid mid usoo qaato qodobadaas kor ku xusan:

1-CILMI:. qofka hoggaamiye ummad u noqanaya waa in uu ahaadaa nin aqoon uleh Diinta dhaqanka iyo caadaadka ummada uu xilka uhayo, iyo mid maamul iyo maareyn hay adaha dowladda uu hogaammiyo khibrad wanaagsanna  ulleh shaqadiisa.Sidaad darteed quraan kariimka ah waxa uu noo tusaaleynayaa cilmiga inuu yahay waxa uguu horeeya ee hogaamiyaha lagu dooranayo.

(Eeba weyne wuxuu yiri ilaahey ayaa idin doorey dhaaluut inuu idin noqdo hogaamiye/boqor waxaana ilaaaahey kumanneystey cilmi iyo awood dheeraad ah..)

قَالَ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاهُ عَلَيْكُمْ وَزَادَهُ بَسْطَةً فِي الْعِلْمِ وَالْجِسْمِ ۖ وَاللَّهُ يُؤْتِي مُلْكَهُ مَنْ يَشَاءُ ۚ                    

2-AMAANO: inuu amaano leyahay laguna aamini karo hantida iyo masuuliyada ummada.

waxaa daliil u ah NABI YUSUF CS.Qisadiisii markuu boqorkii waqtigiisii ogaaday in NABIGA lagu been abuurtay qisadii Qur-anku kutilmamay (Axsanul Qisas) ayuu boqorkii  kuyiri NABIGA “agtanada sharaf iyo amaano ayaad kuleedahay”markaas ayuu NABIGU CS. ka dalbaday inuu u dhiibo masuuliyad naftiisana ku qeexay inuu  cilmi uleyahya aamina yahay.

….اجْعَلْنِي عَلَى خَزَائِنِ الْأَرْضِ إِنِّي حَفِيظٌ عَلِيمٌ                                         (سورة يوسف)       

3-AWOOD:awoodda waa mid jismi iyo mid wax tarnimoba waxaana daliil u ah NABI MUUSE CS. Markuu u yimid gabdhihii ceelka xoolaha ka waraabsanahayay waxuu weydiiyay”maxaa idiinku dhacay? Waxayna oogu jawabeen “ma waraabsano xoolaha ilaa ay ka fulaan xoolalayda kale ceelkuna marto sababtoo ah  aabaheen waa nin oday ah o weyn

(…وَوَجَدَ مِن دُونِهِمُ امْرَأتَيْنِ تَذُودَانِ قَالَ مَا خَطْبُكُمَا قَالَتَا لَا نَسْقِي حَتَّى يُصْدِرَ الرِّعَاء وَأَبُونَاشَيْخٌ كَبِيرٌ)

Gabdhihii markay saas ku jawaabeen buu NABI MUUSE CS.u waraabshay xoolihii,markay soo fushadeena oo ay aabahoood u yimadeen waxay u shegeen siday wax u dheceen.Waxayna aabahood u gudbiyeen warbixin ah in ninkii saas u yeelay caawiyayna uu u shaqeeyo sifooyinkay ku doorteen kuna amaaneen(recommendation) waxuu ahaa “aaboow ninkaan noo shaqaalee mid la shaqaalaysiiyo waxaa u wanaagsan midka awooda leh amiinkana ah e”

                    (قَالَتْ إِحْدَاهُمَا يَا أَبَتِ اسْتَأْجِرْهُ إِنَّ خَيْرَ مَنِ اسْتَأْجَرْتَ الْقَوِيُّ الْأَمِينُ)                                                                                

4-SHUURAA:waa inuu yahay mid dadka la tashta NABI MUXAMMED CSW. wuu latashan jiray asxaabtiisa xaalad walba rag iyo dumarba go,aanadoodana wuu qaadan jiray.

Tusaalle: Dagaalkii Khandaq/Axzaab Nabiga wuxuu la tashtay asxaabtii waxayna ku talo baxsheen in dhufays laqoda lagana difaaco maagalada halkaas wuuna yeelay CSW.ILAAHAYNA wuuba amray inuu latashto asxaabtiisa .

(kalatasho  asxaabta arrimahoo dhan)                                              ( الْأَمْرِ فِي  وَشَاوِرْهُمْ)

5-Go,aanka adag: hoggaamiyaha waxa soo maraya xaalado ad-adag oo ubaahan inuu go,aamo ka qaato waxaa loga baahanyahay inuu dadaalo go,aankii usoo baxona u ku adkaysto (decision maker)

Waxaana daliil u ah aayadda Quraanka ah ILAAHAY kuleeyahay…

“ Nabi Muxammedoow goortaad go,aansatid ILAAHAY talo saaro”            (اللَّه عَلَى فَتَوَكَّل عَزَمْتَ فَإِذَا )

6-Aragti dheer leh: hoggaamiyaha waa inuu yahay nin aragti dheer(visionary) uuna odorasi karaa waxyaalaha iyo cawaaqibta kusoo food leh una baaraan dagaa diyaar garoowna u gala wadada oogu fudud oo ooga bixi lahaa,TUSAALLE:Hijradii 1 aad NABIGA CSW. Waqtiguu MAKKA joogay Asxaabti rumaysayna aadka loo dhibay lana cadaabay qaarkood NABIGA CSW. Waxuu ku yiri orodoo isaga taga meeshaan o dhulkaas xabashida aada.

(Dhulka xabishada waxaa jooga boqor  aanan agtiisa waxba lagu dulminin ee ordoo aada  inta ILAAHAY farji inooga furayo iyo meelaan ooga baxno dhibkaad ku jirtaam)

“إِنَّ بِأَرْضِ الْحَبَشَةِ مَلِكًا لا يُظْلَمُ أَحَدٌ عِنْدَهُ ،فَالْحَقُوا بِبِلادِهِ, حَتَّى يَجْعَلَ اللَّهُ لَكُمْ فَرَجًا ، وَمَخْرَجًا مِمَّا أَنْتُمْ  فِيه

Lasoco qeybta 2aad………………..

 
faarax09
W/Q: Faarax Cabdi xaashi Cismaan Nuur (Cawl)

Arday barta Maamulka Ganacsiga(Business Administration)

 Karachi,Pakistan.

E-mailFaaraxcismaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.